Wadammada Khaliijka oo ka shiraya Iiraan

Riyad(SLpost)-Lix waddan oo ka wada tirsan Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa maanta ku shiraya magaala madaxda dalka Sucuudiga ee Riyaad.

Madaxdan ayaa waxa ay ka arrinsanayaan xiisadda isa sii tareysa ee u dhaxeysa boqortooyada Sunniga ah ee Sucuudiga iyo waddanka shiicada ah ee uu loolanka kala dhexeeyo ee Iraan.

Muranka u dhaxeeya labadani dal ayaa usbuuc ka hor cirka isku sii shareeray kaddib markii uu Sucuudigu khaarijiyay wadaad caan ah oo shiica ah.

Hal waddan oo xubin ka ah Golahani Iskaashiga Khaliijka ayaa ku biiray wadammada xidhiidhka diblumaasiyadeed u jaray Tehraan, waxaana weriyaha BBC-da uu sheegayaa in Sucuudigu uu shirkani u adeegsan doono in wadammada kale uu ka dhaadhiciyo in ay xidhiidhka diblumaasiyadeed u jaraan Iraan.