Wadamada Somaliland Ka Taageera Doorashooyinka Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeeshay Go’aanka Madaxweyne Sillanyo Dib Ugu Dhigay Doorashada Golaha Wakiilada

 

Hargeysa (SL.Post) adamada Somaliland ka taageera maalgelinta doorashooyinka Somaliland, ayaa shir deg deg ah ka yeeshay go’aankii uu Madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho islamarkaana uu dib ugu dhigay doorashada golaha wakiilada oo ay ahayd inay madaxtooyada iyo wakiiladuba wada qabsoomaan March 2017.

 

madaxweynaha-jsl

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in dalalkani shir deg deg ah Isniintii ku yeesheen magaalada Nayroobi ee dalka Kenya islamarkaana ay ku faaqideen go’aanka uu Madaxweyne Siilaanyo gaadhay.

 

Warku wuxuu intaas ku daray in wadamadani wefti culus u soo diri doonaan magaalada Hargeysa islamarkaana ay ka hor socdaalkooda soo saari doonaan war-murtiyeed ay kaga horimanayaan kala qaadista labada doorasho.

 

Waxa kale oo uu warku sheegay in haddii Madaxweyne Siilaanyo ku adkaysto go’aankiisa ay dalalkani qaadi doonaan talaabooyin saamayn doona doorashada madaxtooyada iyo weliba wada shaqaynta iyo xidhiidhka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

 

Dalalka taageera nidaamka doorasho iyo dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa si weyn uga cadhooday muddo kordhintii hore loogu sameeyay Madaxweyne Siilaanyo taas oo sababtay kala fogaansho ku yimid xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo beesha caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa digreeto uu toddobaadkan soo saaray wuxuu ku kala qaaday labada doorasho, isagoo go’aamiyay in doorashada golaha wakiilada dib loo dhigo isagoo sabab uga dhigay saami qaybsiga.

 

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa madaxweyne Siilaanyo ku gacan saydhay go’aanka uu dib ugu dhigay doorashada wakiilada oo uu golaha guurtidana u gudbiyay, laakiin xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa soo dhaweeyay go’aanka Madaxweyne Siilaanyo.

 

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Harriet Mathews, ayaa shirjaraa’id oo ay toddobaadkii hore Hargeysa ku qabatay waxa ay ku sheegtay baahida ay Somaliland u qabto in labada doorasho mar la wada qabto, iyadoo tilmaantay in muddo kordhin la sameeyaa aanay xal u noqon karin saami qaybsiga.

 

 

 

 

Somalilandpost.net

Source Wargeyska Geeska Afrika