Wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo La Filayo in Madaxdhaqameedka Lagu Wareejiyo

 

Hargeysa(SLpost)- Dawladda Turkiga ayaa la sheegay inay waddo qorshe wada hadalladii Somaliland iyo Somalia ay ugu bedelayso dhinaca madaxdhaqameedka, islamarkaana damacsan tahay in madax dhaqameed Somaliland ah iyo mid Somalia ahi ka wada hadlaan qaddiyadda la isku hayo iyo masiirka labada dhinac. wada hadallada waxaa hore u metelijiray ergo labada dawladood ka socda oo inta badan xilal miisaan leh haya.

 

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada Somaliland iyo Somalia, balse xogaha laga helayo ayaa sheegaya in qorshahan lagu soo wargeliyay xukumaddaha Hargeysa iyo Muqdisho, islamarkaana maalmaha soo socda la filayo in wakiillo Turkiga ka socdaa arrintan u yimaadaan Muqdisho iyo Hargeysa. warku wuxuu intaasi ku darayaa in Turkigu xidhiidho la soo sameeyay madax dhaqameedyada.

 

 

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo awada xaajoodkii siyaasiyiintu hagaysay burbureen horraantii sanadkan, waxaanu hore u sheegay wasiirkii arrimaha dibada iska casilay ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, in Somaliland rabto wada hadal ay dawladdo ka baaxad weyn Turkigu goob joog ka noqdaan wada hadalada dambe, maadaama natiijada shirarkii hore hirgali wayday.

 

 

Siyaasiyiintii Somaliland uga qayb gali jiray shirarkii muddada socday ee somalia iyo Somaliland ayaa iska casilay xukumadda Siilaanyo, waxaa sidoo kale xukumadda dibadda ka jooga xubnihii wakiillada ku jiray ee wada hadalka qaybta ka ahaa, halka guddoomiye xigeenka guurtidu ka yahay xubinta xukumadda ku hadhay guddidii wada hadalka.