Wadahadalada Burundi oo Kampala ka furmaya

Sideed kooxood oo mucaaradka dalka Burundi ah ayaa maanta lagu kulansiinayaa magaalada Kampala

Wadahadaladan ayaa qayb ka ah dadaal lagu doonayo in xal loogu helo mishkilada Burundi Madaxweynaha Uganda oo wadamada gobolka ay u xilsaareen arinkan ayaa gogosha fidiyay balse dadka saadaaliya arimaha Burundi ayaa sheegaya in weli aysan hubanti ahayn nabada Burundi

Burundi waxaa dhibaatadan ay bilaabatay markii madaxweynaha uu sheegay inuu mar sadaxaad u tartamayo xilka,Kumanaan qof ayaa qaxay boqolaalna waa ay ku dhinteen rabshadaha Burundi