Wadada Kaliya Ee Horumar Lagu Gaadhi Karaa Waa Iskaashiga U Dhexeeya Dawlada Iyo Bulshada Kala Duwan – W/Q: Farhan Mohamed Hassan (Rakad)

RakadMarka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo bahda saxaafada ee ku hawlan  siday cidkasta oo somaliland ah  u soo gaadhsiin lahaayeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka socday saacad saacad, iyo sikin sikinba . iyagoon ahayn dad faaido doona laakin u shaqayeeya si volunteer ah ama bilaasha .

Dawlada Somaliland waa dawlad aan wali la aqoonsan laakin samaysay dadaal badan oo aan dawladaha dhigeeda ahi aanay samayn.

Maadaama ay taasi jirto bulshada Somaliland waxay iyana sameeyeen dadaal badan oo dhinacyo badan ah iyadoo ay kaw ka tahay sida wanaagsan ee ay nabadooda u ilaashadaan , dhismaha dalka ay ku sameeyeen iyo maalgashi kala duwan sida warshadaha .

Dadka Somaliland waxa lagu faanaa inay yihiin dad nabad jecel ,shaqo jecel iyo dad horumarka jecel.

Dawlada Somaliland waa dawlad aan wali helin citiraaf caalami ah dadaal badana u gashay siday u heli lahayd citiraaf ilaa imikana diyaar u ah citiraaf raadin.

Bulshada reer Somaliland dhamaan yar iyo waynba waxay kala qayb qaateen siday Somaliland citiraaf u heli lahayd iyagoo sameeyay dadaalo badan oo dhinacyo badan taabanaya laakin wali maynaan gadhin hadafkeenii ahaa aqoonsiga caalami ah.

Bulshada Somaliland waxay u baahan tahay dhamaan nolosha aasaasiga ah kuwaas oo ku ah gabaabsi ama ku adag inay helaan dhamaantood taasina ay dawlada  iyo  qofkasta oo muwaadina uu  ka masuul yahay. Bulshaduna ay inta badan  ka taageeerto. Waxaana ka mid ah waxyaalaha dadka Somaliland ku adag ama aanay marnaba ka maarmayn

 BIYAHA

CUNTADA

CAAFIMAADKA

WAXBARASHADA

Dhamaan kuwaasi waa waxyaalaha qof kastaa u baahan yahay noloshiisa . intooda badan ay manta adag tahay in la helo haddii la helana ay qaadanayso wakhti iyo lacag markaana waxaan ka codsanayaa dhamaan bulshada reer somaliland inay ka qayb qaataan siday ula shaqayn lahaayeen dawlada oo aan waxba qaban Karin shacabka la,aantii . shacabkuna isku dayo inuu intii awoodiisaa ka caawiyo.

 

FAA, IDOOYINKA UU LEEDAHAY ISKAASHIGA U DHEXEEYA DAWLADA IYO SHACABKA

Iskaashigu waa shayga kaliya ee lagu gaadho horumar la arki karo maxaa yeelay dawlada oo kaliya waxba ma qaban karto  haddii aanay wada shaqayn ka dhaxayn bulshada qaybaheeda kala duwan .

Dawladu waxay markasta masuul ka tahay ilaalinta umada dooratay inay u maamulaan si sinaan ah oo aan ku jirin kala jeclaysi haddii taa la waayana waxa iman kara isku dhac u dhexeeya bulshada iyo dawlada .

Bulshadu waa dad ku nool gobolo kala duwan kuwaas oo soo doortay dawlada hogaaminaysa bulshada .

Maxaa yeelay haddii aanay bulsho jirin dawlad ma jirayso. Mana jirto cid kursiga ku fuuli karta xoog laakin cidii ay bulshadu u igmato un baa fuusha . dawladu waxay ka mid tahay bulshada laakin waxay ledahay maamulka  hogaaminta saxda ah.

Bulshadu waa lafdhabarta dalkasta waxaanay kaw ka tahay horumarka dalka iyo ilaalinta abniga.

 

SOMALILAND BULSHADEEDU DOORKA AY KU LEEYIHIIN HORUMARKA

Umada  Somaliland waxay markasta diyaar u yihiin inay noqdaan umad horumarsan. Laguna dayan karo.waxay sameeyeen dadaalo badan oo aan la qiyaasin Karin ilaa hadana waa ay wadaan .

Waxay sameeyeen wada shaqayn dawlada ah sida iyagoo iskood u dhistay wadooyin kala duwan iskoodna u ilaaliya nabada iyo waxkasta oo khalkhal ku keenaya. Waxay ka qayb qaataan horumarka dalka iyagoo dhistay dhamaan iskuulada kala duwan ee wax lagu barto . iyagoo dhista hosbitaalo.

Dadka reer Somaliland waxay baal dahaba kaga jiraan bulshada caalamka iyadoo la og yahay waxqabadkooda iyo isku filnaanshahooda.

 

 DOORKA DAWLADU KU LEEDHAY HORUMARKA DALKA

Dawlada Somaliland in badan way dadaashay laakin wali may gaadhin halkii la rabay maxaa yeelay waxa badan cabashada bulshada. Oo ay kaw ka tahay shaqo la,aanta baahsan ee dalka ka jirta taas oo ay ugu wacan tahay aqoonsi la,aan bulshada caalamka ka haysata hadana hadii la dadaalo waa la joojin karaa dhamaan cabashooyinkaa kala duwan ee ka imanaya bulshada qaybaheeda kala duwan.

 Dawlad kastaa waxay masuul ka tahay inay horumariso bulshada ay dawlada ka tahay ama dooratayba.

Inay ka caawiso dhamaan nolosha aasaaskeeda oo ay ka helaan dhamaan waxyaalaha nolosha aasaasiga u ah meelkasta oo ay joogaan. Lagana war hayo dadka ku nool meelaha miyiga ah oo la gaadhsiiyo waxkasta  oo loo awoodo in la gaadhsiin karo.

Dawladu waa inay ku dadaashaaa horumarka bulshada laakin yaanay ku dadaalin sida ay cashuurta uga urursan lahayd un  maxa yeelay dadka shaqada la,aanta ayaa ku badan iyagaana u baahan in maanta wax loogu daro tooda gaarka ah.

Dawladkasa wanaageeda waxa la arkaa markaya fuliso balanqaadyadeeda kala duwan ee ay ku gasho doorashada.

 

WAAJIBAADKA DAWLADA

Dawladu masuuliyadeedu waxa weeye inay bulshada ku hagaan wadada saxda ah ee lagu gaadhi karo horumar iyadoo samaynaysa (equal opportunity) siinaysana bulshadeeda kala duwan ee ay hogaaminayso

Inay cidkastoo shaqaale ah ay geeyaan halka ku saxsan  (right person into right position)

Inay sameeyaan  cadaalad (equal justice)

Inaanay qabyaalad ku shaqayn (stop tribalism)

 inay xaliyaan dhibaatada shaqo la,aaneed (solving  unemployment risk)

 

DOORKA BULSHADA AY KU LEEDAHAY HORUMARKA

Bulsho kastaa waa lafdhabarta dalkasta iyadaana kor u qaada iyadaana hoos u dhigta horumarkiisa waxayna ku xidhan tahay kolba siday u dadaasho. Bulshada Somaliland waa ay dadaashay laakin ilaa hada wax  badan ayaa ka maqan horumar badan baana ka maqan sida warshado badan oo uu dalku u baahan yahay si looga raysto alaabta dibada inooga imanysa oo aan la isku halayn karayn .

Warshada dalku bahan yahay waxa ka mida warshada dharka, warshada hilibka,warshada caanaha, warshada kabaha, warshada sonkorta. Iyo qaarkaloo badan

Dalkeena waa laga heli karaaa alaab qaydhin laakin meeday warshadii lagu farsamayn lahaaa.

 

TALO BIXIN

Taladaydu waxay tahay In iskaashigu muhiim u yahay cidkasta oo meel kuwada nool markaa dawlad iyo shacaba ha la iskaashado oo meeel ha looga soo wada jeesto cadawga iyo cidkasta oo neceb jiritaanka Somaliland oo ha la isu kaashado wanaag laakin xumaan yaan laisu kaashan.

Talada labaad waxa weeye dawlada Somaliland ee uu hogaaminayo mudane A.M.M. SIILAANYO waa dawlad in badan qabatay in badan ka maqan tahay waxaaan iyana kula talinayaa inay noqoto dawlad dadkeeda la jecel horumar iyo barwaaqo . inay dadkeeda u sinaato oo aanay dadka kala jeclaysan haday jirto. Inay markasta ka go,antay ilalinta waxkasta oo sharafta dawlada hoos u dhigaya. Inay dhamaan maamulka sare ee dawladu noqdaan dad hadaf kaliya wada leh ee aanay noqon dad midba meel ku jeedo.

Xaga dhalinyarada dhalinyaradu waa halbawlaha dalka waxaanay u baahan yihiin in laga faidaysto xirfadooda iyo muruqooda iyo maskaxdooda oo aan cidla looga tagin shaqo abuurna loo sameeyo .

 

GABO GABO

Waxaan ku soo gabagabaynayaa hadal kaygan dheeraaday oo uu iga keenay dal jecayl iyo dad jeceel  aan u qabo dalka. In la helo wadada saxda ah ee wax lagu hagaajin karo waxna lagu maamuli karo wixii khalad ahna si wanaag ku jiro la isugu sheego iyadoon cidna la caayin cidna la aflagaadayn.

Waxaan halkan ku sheegayaa  in hadaladaas aan kor ku soo sheegay yihiin wax badan oo inaga maqan yihiina ta kaliya ee horumar lagu gaadhi karo