Wada-hadalkii Axsaabta: KULMIYE Iyo UCID Oo Aragti Ku Midoobay Iyo WADDANI Oo Ka Hadlay Mawqif Ka Duwan Oo Uu Qaatay

Hargeysa, (SLpost)- Wada-hadalkii muddada u socday saddexda xisbi qaran iyo xukuumadda, kaasoo lagu lafo-gurayay xalinta khilaafkii siyaasiga ahaa ee ka dhashay muddo kordhintii ay dhawaan guurtidu u samaysay wakiillada iyo xukuumadda ayaa waxa kasoo baxay natiijo lagu kala aragti duwan yahay.Mucaaradka

Kulankii saddexaad oo maanta ka qabsoomay guriga madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa waxa kasoo baxay aragtiyo aan midaysnayn, waxaanay aragtiyo isku dhinac ah qaatay xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE iyo xisbiga UCID, halka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu keligii dhinac isku taagay.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in wada-hadalkii u dhexeeyay xukuumadda iyo saddexda xisbi ay burbureen, isla markaana xisbi ahaan ay kasoo baxeen. Sidoo kalena ay bulshada caalamka iyo dhinacyada danaynaya ay usoo jeedinayaan wixii ergo ah ee ay ka galayaan iyo sidii ay u galayaan ay u madax-banaan yihiin, isla markaana ay soo dhaweynayaan.

“Waxaad ka war qabteen in xukuumaddu ay gogol dhigtay oo ay axsaabta mucaaradka ah u dhigtay, maanta waxaanu isugu nimi fadhigii saddexaad, markaa maanta waxaanu rajaynaynay in heshiis kasoo baxo, fadhigu intii hore wuu fiicnaa waa la doodday, waxaana laga dooddayay arrintaa taagnayd ee ahayd khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii guurtida, kulankaasi wuxuu ku dhamaaday is-afgarad la’aan, waxaanu diyaar u nahay cid kasta oo xal u haysan arrintan, hadday yihiin saaxiibaddii aanu ka nimi ee KULMIYE, UCID iyo xukuumadda, hadday yihiin shacabka reer Somaliland iyo hadday yihiin iyo hadday tahay beesha caalamka ciddii arrintaa xal ka gaysanaysa diyaar baanu u nahay.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay inaanu wada-hadalkiis burburin, WADDANI wuxuu ka cadhooday ayuu sheegay in xisbul-xaakimka iyo xukuumaddu ay qabsadeen in 24 saacadood la siiyo, si ay go’aan wada-jir ay iyagu usoo gaadhaan, laakiin uu WADDANI diiday. Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha UCID tilmaamay inaanu wada-hadalku burburin, sababtoo ah waxa laisla meel-dhigay waqti go’an in doorashada muddo kordhinteeda laga dhigo.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa isna sheegay in 24 saacadood la siiyay xisbul-xaakim ahaan iyo xukuumad ahaan, isla markaana 24 saacadood ka dib ay kusoo warcelinayaan xisbiyada.

Guud ahaan wada-hadalkan lagu kala aragti duwanaaday ayaa noqonaya in xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo xisbiga UCID ay isku dhinac ka taagan yihiin aragtida xal u helida khilaafkan siyaasiga ah, halka WADDANI isagu uu keligii mawqif cid la taagan yahay.

Somalilandpost.net