Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya! – W/Q: Mingiste – Qaybtii 7aad

(Marka runta laga hadlayo, culayska arimaha laga wada hadlayo iyo Wasiirada Somaliland iyo Soomaaliya  u soo  dirteen wadahadalka    aad iyo aad ayey u kala miisaan  weyn yihiin .)

Waftiga  ka Qayb gelaya wada hadalka:-

Mar laga hadlayo wufuuda ka qayb gelaya wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,waxaa loo baahan yahay in shaqsiyaadka ka mid noqonaya waftiyadaas ay buuxiyaan shuuro  badan ,kuwa ugu muhiimsana waxaa lagu soo koobi karaa:-

  1. Waa in ay noqdaan shaqsiyaad fahansan  miisaanka arinta ay ka wada hadlayaan,”—waa Gobanimo–waa  masiir Ummaddeed— waa mustaqbal Ummaddeed— waa Qarannimo—waa Dowladnimo-waa xuduudo  bad,beri iyo cirba leh—waa Shuuruc Caalamai ah iyo mid maxali ahba-waa Siyaasad  iwm.
  2. Waa in ay yihiin  shaqsiyaad aan u shaqayney,xidhiidhna  la lahayn Dowlado gaar ah,Ururo gaar ah, iyo mabaadi gaar ah midna.
  3. Waa in ay yihiin shaqsiyaad si fiican u yaqaana Taariikhda labada Ummaddood ee  ay ka kala socdaan, “Taariikhdiii hore—Taariikhdii dhex iyo Taariikhda cusub.(maxay ku kala duwan yihiin ,maxay iskaga mid yihiiniwm)
  4. Waa in ay yihiin shaqsiyaad fahansan  qaladaadkii hore u dhacay,sababihii keenay iyo sidii aanay mar labaad u dhici lahayn.
  5. Shaqsiyaadka ka mid noqonaya waftiyadaas,waa in ay isugu jiraan ragg aqoon fiican u leh Diinta—dhaqanka  iyo  Xuquuqda insaanka(Shuruucda Caalamiga ah), xaalada Siyaasadeed dunida maanta  ka jirta ,gaar ahaan Siyaasada Geeska Africa.
  6. Waa in ay yihiin shaqsiyaad aan colaad gaar ah,cadowtinimo iyo  aar goosi midna aanu ka muuqan.
  7. Waa in ay yihiin shaqsiyaad Bulshada  ay ka wakiilka yihiin taqaano, magac ku dhex leh ,ku qanacsan yihiin ,in ay ka soo bixi karaan howsha loo igmaday.
  8. Waa in ay yihiin shaqsiyaad aqoon durugsan u leh,cida ay wada hadlayaan,dhaqan ahaan,degaan ahaan  iyo guud ahaan sida ay u fekerayaan.(kuwa Somaliland –waa in ay aqoon  fiican u leeyihiin Soomaaliya—kuwa Soomaaliya ka imanayaana waa in ay aqoon fiican u leeyihiin Somaliland).
  9. Shaqsiyaadka ka qayb gelaya wada hadalka waa in ay noqdaan shaqsiyaad aan lagu aqoon  isbedbedel—isrog rog – Diimeed,Siyaasadeed ,dhaqan .iyo dabeecadeed midna,si aan si howl yar looga leexin howshii loo igmaday.
  10. Waa in ay yihiin shaqsiyaad waayo aragnimo badan u leh wada hadalada noocan oo kale ag,hore uga soo qayb qaatay wada hadalo noocan oo kale ah,hore uga soo qayb qaatay wada hadalo Diblamaasiyadeen oo miisan intan leeg amase u dhigma leh.
  11. Waa in ay yihiin shaqsiyaad rog rogi kara wada hadala,Af tahamiin ah,yaqaana maahmaaha soomaalida, hal ku dhegyada Soomaalida,Gabayada Soomaalida iyo hadaladii waxgaradkii hore ee Soomaaliyeed.

  1. Ugu dambayntii waa in ay yihiin shaqsiyaad gaadhi kara go,aano lagu diirsado,lagu farxo,lagu nabdoo lagu negaado, labada shacab (Somaliland iyo Soomaaliyana),u horseedi kara nabad gelyo iyo  naruuro waarta.

Qaybtan waxaan ku soo koobayaa “ Nin ka mid ah Siyaasiyiinta ugu magaca dheer Soomaaliya ayaa waxaa la weydiiyey  —Maxay kula duwan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya ?—wuxuu ku jawaabay –midna Talyaaniga ayaa Gumaystay—-midna Ingiriiska ayaa gumaystay!!!.

Haddaba bal isku day in aad adiguna jawaab  cilmiyeysan  u hesho suaasha ah —

“SOMALILAND IYO SOOMAALIYA MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN “?

 

ALLAA   MAHAD  LEH

———–la soco qayb ta dambe  —–

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

      Political Analyst