WADA HADALKA SOMALILAND IYO SOOMAALIYA! – Shaqsiyaadka Ku haboon in ay Somaliland uga qayb galaan wada hadalka – Q.8aad

(Marka runta laga hadlayo, culayska arimaha laga wada hadlayo iyo Wasiirada Somaliland iyo Soomaaliya  u soo  dirteen wadahadalka    aad iyo aad ayey u kala miisaan  weyn yihiin .)

Shaqsiyaadka Ku haboon in ay Somaliland uga qayb galaan wada hadalka:-

Qayntii 7aad  ee hore waxaan idiinku soo bandhigay  11kii  qodob  ee aan sheegay in looga baahan yahay in ay buuxiyaan  shaqsiyaadka la doonayo in ay ka qayb galaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Haddaba markaan dhinac walba ka eegay  shaqsiyaadka aan isleeyahay waxay ku haboonaayeen  in ay Somaliland uga qayb galaan wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland waxaa laga soo dhex xuli karaa  shaqsiyaadka magacyadoodu liiskan hoose  ku qoran yihiin ,waa sida ay aniga ila tahay:-    

  1. Xaaji Cabdi Waraabe(Gudoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Somaliland)
  2. Prof /Mj.C/Salan Yaasiin(Gudoomiyiih hore Jamacada Burco).
  3. Prof Saleebaan  (Gudoomiyaha Jamacada Amuud).
  4. Prof. Bulxan  (Gudoomiyii Hore Jamacada Hargeysa)
  5. MJ.C/raxman Aw cali (Madax weyne ku xigeenkii hore Somaliland)
  6. Mj. Xasan Ciise Jaamaca(Madaxweyne ku  xigeenkii hore Somaliland)
  7.  Md/Amb. Awil  Ducalle (Wasiirkii Hore ee Maaliyada Somaliland)
  8. Md.Maxamed Xaashi ( Wasiirkii Hore ee Maaliyada Somaliland)
  9. Md. Maxamed Saciid Gees –   Gudoomiyaha-( Academy for peace and Development-Hargeysa,Wasiirkii hore Wasaarada Arimha  Dibada Somaliland.
  10. Md. Fuaad adan cade (Wasiir Hore Somaliland )
  11. Md. Cali Sandulle-  Wasiir hore — Gudoomiye  Ku.Xigeenka Urur Siyaasadeedka  XAQSOON.
  12. Dr.Gaboose .Wasiirkii Hore ee Arimaha Guddaha
  13. Faysal  Cali Waraabe (Gudoomiyaha Xisbiga UCID)
  14. Md. Boobe Yusuf Ducaalle ( Wasiirka Warfaafinta  Somaliland   xilligan)
  15. Md. Cabdiqaadir Jirde(Gudoomiye ku.  Xigeenkii hore Golaha wakiilad Somaliland)
  16.  Marwo .Adna  Adaan.(wasiirkii Hore Arimaha Dibada Soamaliland)
  17.  Md.Adan Muuse Jibriil ( Wakiilkii hore ee Somaliland Uk).
  18. Wasiirka Arimaha Dibada ee xilligan waxaa  odhan lahaa ,wuxuu ku haboon yahay in uu noqdo  (Xoghaynta waftiga  Somaliland uga qayb gelaya wada hadalka  soomaaliya.

Hadal iyo dhamaan waan hubaa in aanay halkan ku dhamayn aqoon yahankii/Siyaasigii iyo waxgaradkii reer Somaliland,balse  waxaan halkan idinku soo qoray shaqsiyaad aan isleeyahay, guul weyn ayey ka soo hoyn lahaayeen wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya,marka laysku daro aqoontooda,waayo aragnimadooda iyo  sida ay Somaliland ugu daacada yihiin

Runtii dad  aan sidaa u badaneyn ayaa ka soo jawaabay suaasha ah-

“SOMALILAND IYO SOOMAALIYA MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN” ?

Fadlan bal mar kale isku daya in aad jawaab buuxda  u heshaan suaashaas,haddii aad garato jawaabta ,markaas waxaa kuu dhib yaraaneysa in aad fahanto waxa Somaliland iyo Soomaaliya isku hayaan iyo sidii ay kala bixi lahaayeen.

ALLAA   MAHAD  LEH

———–la soco qayb ta dambe  —–

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

      Political Analyst