Wada-hadaladii Ku Saabsanaa Muranka Hawada Oo Maanta Turkiga ka Furmay Iyo Agaasimaha Wasaaradda Duulista iyo Hawada JSL Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saaray

 

Hargeysa(SLpost)-Waxa dhawaan waddanka Somaliland ka ambabaxay wafti uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada JSL Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, waftigaasi waxa ay kulan kaga qayb galeen waddanka Turkiga. Kulanka ayaa ah mid daarran wada hadal ku saabsan muranka hawada ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.DSCF5026DSCF5027

Agaasimaha wasaaradda duulista iyo hawada Somaliland Mudane Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan ayaa ka kulankaasi ka soo saaray warsaxaafadeed uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska Somalilandpost. Waxa uu agaasimuhu warsaxaafadeedkan ku sheegay wada hadaladu xaga ay marayaan iyo xubnaha uga qaybgalay afarta dhinac ee kullankan ka wada qayb qaadanaya.

Agaasimuhu waxa uu warsaxaafadeedkan ku yidhi:

“Waxa maanta Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ka furmay shir rasmi ah oo ay isugu yimaadeen Wufuud ka kala socotay, dawladdaha Somaliland, Soomaaliya, Turkiga iyo xubno ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada ee ICAO, Shirkaasi oo ku saabsaanaa sidii xal waara looga gaadhi lahaa muranka ka taagan maamulka hawada Soomaaliya iyo Somaliland.

Shirkaasi oo saaka Subaxnimadii ka furmay Ankara ayey dhincaydu ku falanqeeyeen sidii loo fulin lahaa heshiisyadii hore looga gaadhay arrintaasi,  iyo  sidii labada dhinac u wada maamuli lahaayeen hawada.

Shirka ayaa maanta ku soo dhamaaday falanqayn iyo doodo adag oo dhinacyadu ay is waydaarsadeen, iyada oo bari-na uu sii socon doono.  Wixii najiito ah ee ka soo baxana waxaanu u soo bandhigi doonaa shacabiga reer Somaliland iyo Saxaafadda Madaxbanaan.”

Xubnaha Ka wada Qaybqaatay Wadahadalkan:

Xubnaha Dawladda Somaliland.

1.Maxamuud Xaashi Cabdi,        :Wasiirka Duulista iyo Hawada

2.Saciid Cabdi Maxamed             : Wasiir ku xigeenka Duulista iyo Hawada

3.Saciid Mahdi Ileeye,                 : Agaasimaha Waaxda Duulista

  1. Axmed Cumar Caga-dable,    :  La Taliye

Xubnaha Dawladda Soomaaliya

1.Cali Axmed Jaamac (Gangali)  Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka

2.Cabdiwaaxid Cumar            : Agaasimaha Duulista

3.Maxamed Khaliif                  : La Taliye

4.Axmed Cabdiraxmaan          :Sarkaal Hay’adda Duulista

Xubnaha Hawada ICAO

1.Ivan Galan                     :  Agaasimaha xafiiska farsamada iyo iskuxidhka

2.Nancy Onyedim               : Sarkaal ka tirsan Waaxda Hawl galinta

Dawladda Turkiga

  1. Olgan Baker             : Safiirka Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya
  2. Kareem Yilmaz         : Xoghaya koowaad ee Wasaaradaa Arrimaha dibada
  3. Hulusi Kilic                 : Agaasimaha bariga Afrika
  4. Ahmed Riza Demirer  : Ergayga gaarka ah ee wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya
  5. Seval Ince  :                 Air Traffic Controller

 

Wadahadalkan ayaa la rajaynayaa in ay ka soo baxaan midho dhal wacan oo ay labada dal ku wada maamulan karaan si wada jir ah hawada ka dhaxaysa Kadib markii dhawaan magaalada Xamar laga dhagax dhigay xarun lagu sheegay in laga maamulayo hawada laba dal. Xaruntaas iyo qaabka loo maamulayo oo aan ku jirin heshiiskii ay hore uga wada gaadheen labada dal ayaa sababtay in Jamhuuriyadda Somalilandna ay si degdeg ah uga falceliso oo sheegto in lagu dhaqmayo uun wixii lagu heshiiyay Soomaaliyana aannay awood u lahayn in ay maamusho hawada Somaliland.

Somalilandpost.net, Hargiesa Office