Wacdaraha Isu Soo Baxyada Reer Berbera Ku Qaabileen Maalinta Afraad ee Ololaha KULMIYE

Berbera(SLpost)-Taageerayaasha xisbiga midnimada iyo Horumarka ee KULMIYE ee magaalada Berbera, ayaa isu soo baxyo ballaadhan oo ay ku muujinayaan taageerada ay KULMIYE u hayaan ku qaabilay maalinta afraad ee ololaha xisbiga KULMIYE.
FB_IMG_1509442428399Isu soo baxyadan oo ahaa qaar indhaha soo jiitay, ayaa waxa taageerayaasha kala qaybgalay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno wasiirro ah, xildhibaanno, siyaasiyiin, maamulka xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan degmada Berbera iyo guddida ololaha ee gobolka Saaxil, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhoolla-tuska reer Berbera, isla markaana lagu guubaabiyey inay siii libin-laabaan taageeradooda.
FB_IMG_1509442360870Xubno bulshada dhexdeeda miisaan ku leh oo ay kamid yihiin Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Cali Maxamed Waran-cadde, Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Cali Xoor-xoor wasiir Sacad Cali Shire, marwo Rooda Axmed Yaasiin, xildhibaan Siciid Cartan, xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obaama, guddoomiyaha guddida ololaha ee gobolka Saaxil Md.
Shacabka reer Saaxil, ayaa iyaga oo isu duuban muujiyey inay taageero laxaad leh u hayaan xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, waxana kumanaan katirsan shacabka ku dhaqan magaalada Berbera oo ku lebbisan astaanta xisbiga KULMIYE ay isugu soo baxeen fagaareyaasha kala duwan ee Berbera.

FB_IMG_1509442419451