Wacdaraha Isu baxyada taageerayaasha KULMIYE ee Ceerigaabo iyo Maanta (DAAWO BILICDA SAWIRRADA)

Ceerigaabo (SLpost)- Kumanaan kamid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa isu soo bax ballaadhan kaga qaybgalay maalinta lixaad ee ololaha xisbiga KULMIYE oo maanta ku beegan.

FB_IMG_1509960949350Taageerayaashan oo lulaya astaamaha xisbiga KULMIYE, qaybo kamid ah jidhkooda kamid ahna musoo xardhay astaanta calanka KULMIYE, ayaa fagaareyaasha kala duwan ee magaalada socod kusoo maray, waxana ay isugu soo biyo shubteen xarunta beerta Xorriyadda Nuura oo ay kala hadleen masuuliyiinta xisbiga iyo xukuumadda katirsani.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno wasirro ah, xildhibaanno, guddida ololaha KULMIYE ee gobolka Sanaag iyo maamulka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka, ayaa kala qaybgalay taageerayaasha isu soo baxooda, waxana loo jeediyey hadallo loogu mahadnaqay, isla markaana lagu bogaadiyey wacdaraha ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan KULMIYE

FB_IMG_1509960965078Xubno miisaan ku leh bulshada gobolka Sanaag oo ay kamid yihiin guddoomiyaha guddida ololaha KULMIYE ee gobolka iyo ku-xigeenkiisa Md. Xildhibaahim Ibraahim Carrale Ruush iyo Cali Baashe, wasiirrada wasaaradaha xannaanada Xoolaha iyo Gaashaandhigga Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo Axmed Xaaji Daahir Cadami, wasiiru-dawlaha wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamuud Warsame, xildhibaanno ay kamid yihiin Saleebaan Cawad Cige Bukhaari, Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Cali Barre, Carabayte, Cabdiqaadir Maxamed Xasan Indho Indho, madax-dhaqameed, salaadiin, siyaasiyiin iyo cuqaal, ayaa madasha hadallo kala duwan ka jeedisay, waxana ay ku dheeraadeen horumarka xukuumadda KULMIYE gaadhsiisay gobolka Sanaa goo ay ugu muhiimsan yihiin waddada Ceerigaabo iyo boqolaal mashruuc oo kale oo midho-dhal noqday.
Guddoomiyaha ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambayntii halkaas ka hadlay, ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadnaqay shacabka reer Ceerigaabo, waxana uu sharraxaad dheeri ah ka bixiyey muhiimadda ay leedahay wada-jirka wax wada qabsiga iyo isku xidhnaantu.