Waayo-aragnimada iyo Waxqabadka Dr Cabdi Gaas, Guddoomiyeha Jaamacadda Hargeysa (1)

Dr Gaas 2Muddo sannad ah ayaa laga joogaa xilligii la af-meeray  laguna dhawaaqay natiijada tartan ay aqoonyahannada Somaliland u galeen xil-shaqeedka ah Guddoomiyeha Jaamacadda Hargeysa oo socday wakhti door ah, hawshan oo ay hagayeen Guddiga Tacliinta Sare ee Somaliland waxa ka soo baxday inuu jagadaas ku guuleystay Dr Cabdi Xuseen Aw Gaas oo ah muwaadin haysta shahaadada PHD isla markaana waayo-aragnimo badan u leh maamulka xarumaha waxbarashada sare ee Jaamacadaha. Maalmo kaddibna waxa uu Guddoomiyeha cusubi si rasmi ah ula wareegay masuuliyadda iyo hoggaaminta Jaamacadda Hargeysa oo ka mid ah bar-aqooneedyada ugu shilis ee ay cilmiga ka qaataan ardayda Somaliland.

Baratankaasi waxa uu ahaa mid hufan, sababtoo ah waxa uu meesha ka saaray in hagista baraha aqoonta sare lagu saleeyo nidaamka saami-qaybsiga beelaha kaas oo koonfurta looga yaqaanno (4.5) isla markaana amino kala geddisan kacdoonno iyo isku-dhacyo ka dillaaciyay Jaamacadda Hargeysa.

Haddaba iyada oo uu Dr Cabdi Xuseen Aw Gaas xilkaas hayay muddo laba iyo toban bilood ah waxa aynu qormooyinkan kooban ee uu kani hordhac u yahay ku eegi doonnaa jawaabta weydiimahan kala ah: Maxaa Jaamacadda u qabsoomay dharaarahaas aynu ka soo gudubnay ee isugu jira guul iyo gaabisba? Maxaa ka qaybo ah? Qorshe noocee ayaa u yaalla? Higsiga iyo himiladeedu maxay tahay? Waa kuma Dr Cabdi Xuseen Aw Gaas? Halkee ayuu ku qaatay taxanihiisa waxbarasho? . Intaas waxa weheliya xuska masuuliyiinta xog warranka ina siinaya iyo shakhsi ahaan sida aan xog -ogaal ugu ahay arrimahan.

Dr Cabdi GaasBar-bilawga qoraalkan waxa aynu ku milicsan doonnaa sooyaalka iyo khibradda Guddoomiyeha Jaamacadda Hargeysa oo ka soo jeedaa qoys ku suntan taariikhda, haddaan idin xasuusiyo awowgii oo  Aw Gaas Jaamac Guuleed waxa uu ka mid ahaa waxgaradkii aragtida dheer lahaa ee ku noolaa Magaalada Berbera waayihii uu Ingiriisku dalka gumeysan jiray. Wakhtigaas waxa Berbera ka soo degay Maxamed Cabdalle Xasan oo  ka yimi dhulka Carabta kolkii dambena aasaasay Jabhaddii Daraawiishta, intii uu Ina Cabdalle Xasan joogay Saaxil waxa uu bilaabay olole uu kaga horyimi xukunkii Ingiriiska, firqadihii diiniga ahaa iyo arrimaha kale. Dadkii saadaaliyay falka ninkaas ka socda mid togan iyo ku tabanba waxa ka mid ahaa Aw Gaas oo yidhi “Wallaahi haddii aan ninkaas qaban waxa laga eegi meel-dheer” , weedhaasi waxa ay noqotay oddoros natiijadeeda la arkay. Intaas kuma eka taariikhda Aw Gaas, ee waxa aan sooyaalka ku hayaa inuu ka mid ahaa gadh-caddaayadii heshiiska saanta la galay Dawladdii Ingiriis ee danaha kala duwan u soo degaysay geyiga Somaliland, misana  waxa uu ka mid ahaa hormoodkii cilmiga diinta ee Gobolka Saaxil.

Aniga oo aan ku sii fogaanaynin raadraacaas kooban, Kulanka iyo barashadayda shakshiyeed ee Guddoomiyeha Jaamacadda waxa iigu horreysay ayaantii tirsigu ahaa 17/Disember/2012-ka oo aannu safar ugu duulnay Jabuuti si aannu uga qayb-galno dabaal-degga sannad-guurada afartanaad ee ka soo wareegtay qoraalka farta Afka Soomaaliga oo ahayad misana lagu daah-furay eray-koobihii (qaamuuskii) ugu tiro badnaa ee afkeenna ku qoran. Madashu waxa ay ahayd gole il-yartu is-qabatay oo ay ku sugnaayeen hormoodkii ummadda Soomaaliyeed ee dhinacyad a siyaasadda, suugaanta, qalinka iyo warbaahintu. Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Is-gaadhsiinta Jabuuti oo kaashanaysa Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed ayaa qabanqaabada u xil-saarnayd. Halkaas (Jabuuti) waxa  aanu Digtoorka ku yeelannay xidhiidh sugan oo aannu ku wadaagnay aragtiyo iyo xaajooyin la xidhiidha Jaamacadda oo socda illaa aminta uu qoraalkani idin soo gaadhayo.

An usoo laabto abbaarteenna’e aniga oo iftiimanaya labada su’aalood ee kala ah: Waa kuma Dr Cabdi Xuseen Aw Gaas? Halkee ayuu ku qaatay taxanihiisa waxbarasho?. Dr Cabdi Xuseen Gaas waxa uu ku dhashay magaalo la yidhaahdo Dhasay oo ka tirsan Gobolka Walla ee waddanka Itoobiya xilli ku beegmaya 1955-kii. Deegaankaas waxa uu joogay illaa saddex-jirkiisii waxaanu Somaliland u soo wareegay markii magaaladaas lagu dilay aabbihii oo yaraan ku tegay dhulka Itoobiya. Hooyadii waa Alle ha u naxariisto’e waa Caasha Axmed Yuusuf waxaanay ku geeriyootay Hargeysa muddo dhawr bilood laga joogo, waxa uu la dhashay laba hablood.

Taxanihiisa waxbarasho waxa malcaamadda ka bilaabay xaruntii Macallin Aw  Jaamac oo Hargeysa ahayd, xagga dugsiyadana waxa ugu horreeyay iskuulka hoose ee Biyo-dhacay oo uu uga wareegay dugsiyo ay ka mid yihiin Tareedhiska iyo Yurubiyaanka, ugu dambayntiina waa ku biiray dugsiga Sheekh Yuusuf Al-kawnayn oo loo yaqaan Daammi oo markaas dugsi ahaa. Iskuulkiisa dhexe waxa uu ku qaatay Axmed-Gurey oo uu ka baxay 1974-kii. Waxa uu nasiib u helay inuu deeq waxbarasho ka helo dusgigii sare ee Kowda Julaay (maanta ah Jaamacadda Hargeysa) markii uu halkaas dhiganayay saddex bilood ayuu doorbiday inuu u digarogto shaqo uu ka helay Madbacaddii Soomaaliya ee Muqdisho ku taallay.. Kolkii uu halkaas muddo joogay ayuu u baxay dalka Sucuudiga oo uu 1978-kii uga sii gudbay ciidda Mareykan oo uu ku qaatay tacliin u dhiganta dugsiga sare oo dadka waaweyn loogu talo-galay (General Equivalence Diploma). Bareyaasha caanka ah ee uu cilmiga ka qaatay waxa ka mid ahaa Macallin Diinaari. Rafqiiqii ay yaraanta saaxiibka ahaayeen illaa maantana isku xidhan yihiin waxa ka mid ah Dr Axmed Maxamed Gaas, waxaanu jeclaa ambaqaadka tacliinta oo ahayd muhiimaddiisa koowaad.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair

Akadamiga Suugaanta iyo Cilmi-baadhista