Waayaha ku Gadaaman Wasaaradda Maaliyadda! Qaybta 1aad

Iyadoo ay lagama-maarman tahay in la tilmaamo oo la toosiyo hadba meeshii baylihi jirto, halka ay muhiim tahay in meeshii toosanna la boorriyo, si aynu u helno horumar waara oo la jaanqaada adduunka aynu ku nool nahay, ayaa aynu  qormadan ku eegi doonnaa waayaha guud ee ku xeeran wasaaradda maaliyadda, taas oo inoo noqon doonta mid taxane ah “haddii Alle idmo”.   waxa aynnu diiradda saari doonnaa dhawrkan qodob ee hoos ku xusan:

(A)Ahmiyadda wasaaradda Maaliyadda

(B)Ku-tagrifalka qasnadda dhexe

(C)Habka Shaqaalaysiinta

(D)Hab-raaca oddoraska miisaaniyadda

(E)Barmaamijka Maaraynta Maaliyadda Dawladda

Si aynu fahan guud uga qadanno waxaynu qodobadan u gorfayn doonaa mid walba gaarkiisa innaga oo marka dambe ku samayn doonna gabagabo iyo tallooyinba. Haddaba aynu soo qaadanno qodobkeena koowaad.

 

(A)Ahmiyadda wasaaradda Maaliyadda

Wasaaradda maaliyaddu waa haayadda ugu muhiimsan waaxda fulinta. Waa unugga ugu culus ee hooyada u ah waaxyaha qaranku ka tamariyo, maaha oo kaliya inay mihiim tahay balse waaba udub-dhexaad tiir u ah dhismaha qaran taabbo-qaad ah.

Wasaaradda maaliyaddu waxay masuul ka tahay dhaqaalaha dawladda, siyaasada dhaqaalaha, iyo qaanuunka dhaqaale ee wadankaba.

Shaqooyinka tooska ah ee wasaaradda maaliyaddu ay u xil saaran tahay waxa ugu waaweyn:

  • Diyaarinta miisaaniyad-sannadeedka maaliyadeed ee dalka.
  • Maamulidda hantida maaliyadeed ee dawladda
  • Diyaarinta biilasha, maareynta mushahaarooyinka shaqaalaha iyo lacagaha hawl gabkaba
  • Isu duwidda deymaha iyo hawlaha dhaqaale ee wasaaradaha iyo  haayadaha la xidhiidha.
  • Diyaarinta warbixinaha iyo hindisaha maaliyadeed iyo bixintoodaba ka hor intaan golaha wakiilada lagaga doodin.
  • Ka qayb qaadashada ganacsiga xorta ah iyo heshiisyada dhaqaale.
  • Ku dhaqmida awoodaha sharci ee dhaqaalaha wadanka iyagoo is garabsanaya baanka dhexe.

 

La soco qaybaha dambe.

Qalinki: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com