Waar Gabadha Waranlayaasha Nooga Reeb – W/Q: Cabdi X. Axmed

Ninka qoray seddexda Wasiir ee ugu waxqabadaka badan oo uu ku tilmaamay Wasiir Samsam, Warancadde iyo Samaale, waxuu waayey wax uu ka sheego labada kitaab xoor, kolkaas ayuu soo qaatay gabdh Soomaliland sharaf ku leh, afgaaban oo hawl badan. Sidooyinkaas ooyna la wadaagin labada kitaabkii ka doortay waranka.

Labada ninba waxay ku barbaareen ooy si wacan ugu raageen madaarista diinta. Warancadde waxuu ka bilaabay shaqada dawladda askar la odhan jiray askarta edaabta oo uu sameeyey Wasiirkii Awqaafta lixdanaadi Abu Site, waxay qaban jireen hawsha ay qabtaan Golaha Wanaag faridda iyo xumaan reebka. WAxuu ka doortay inuu noqdo NSS waa arrin u tusaysa wax badan.

Samaale waxuu ahaa imaam masjid, waxuu u booday siyaasad ma xumo oo waa loo baahan yahay laakiin waxuu noqday nin adduun jeceyl oon ka gaban meesha malafsi leh. Kolkuu Siilanyo ku guuleysaty madaxnimada kolkiiba waxuu bilaabay inuu noqdo wasiirka Maaliyadda. Bal u fiirso waa Shir gudoonka Golaha Wakiilada oo sharaf iyo mansaba ka sareeya Wasiirka. Taas waxa ka daran wax aqoon iyo khibrad midna uma laha maaliyadda, maxuu u doonayaa. Adigoon aqoon darawilnimada miyaaad dooni lahayd inaad baabuur ka xayso, haddaanad beenaale aan xishoon ahayn. Doonista shaqo aadan aqoon u lahayn waa khiyaamo. Kolka ay hawl qaran tahyna waa qarndumis.

Haddba walaal gabadha ka saar halkan, waxay iyado ku adkeysatay kolkii la yidhi wasaarad kaleqaado, aqoon uma lihi ee anigu tan ayaan aqoon iyo khibrad u leeyahay. Intaas ayaa marag u ah faraqa u dhexeeya dadkan aan isu dhoweyn. Aan ku idhaahdo dadku sidey isagu xidhmayaan isagu xidh.

 

Madaxweynha ha loo duceeyo in Alle tuso kuwa Golaha ugu jira ee dadka dhibaaya isna ceebeynaaya.

 

Cabdi Xaaji Axmed