“Waar Dalka Ha Loo Gurmado Oo Ha Laga Badbaadiyo Kacdoonnada Siyaasiga Ee Inyar Oo Dan Lihi Waddo”

Hargeysa  (SL.Post) Sheekh Aadan  X. Maxamuud  (Aadan Siiro) oo ka mid ahCulimada Somaliland, ayaa khudbaddii salaadii Jimcaha kaga hadlay arrimo  ay ka mid yihiin kacdoono Siyaasi ah oo uu sheegay inaydDalka ka wadaan Koox uu tilmaamay inay dano gaar ah leeyihiin.

 

 

 

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay soo wajahayso isbedel,  kuwaasi oo uu kala mid ah yahay Isbeddellada kala duwan ee Geeska Afrika iyo Guud ahaan Caalamku gelayo.

 

 

 

“Waxaynu galeynaa Duufaanno isbeddel oo ku xeeran Dalka, Geeska Afrika ee aynu ku nool nahay iyo Dunida oo dhan. Marka Xaaladda noocaas ahi jirto waxa Dad Muslim ah oo meel ku nooli u baahan yihiin Dad leh Go’aan, Geesinimo, Toosni iyo ururin ku dhisan Cilmi.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo is-barbar-dhigaya Hoggaamiyeyaashii Muslimiinta ee Wanaagsanaa iyo Hoggaamiyeyaasha Dalalka Muslimka ah ee Maanta, “Rasuulku (CSW) wixii uu qabanayo wuu sugi jiray. Sugnaansho iyo Daacadnimo waa tii uu ku aasaasay Nebigu Dawladdii Islaamka ee uu Hoggaamiyey. Taasina waata ka maqan Hoggaamiyeyaasha Muslimka ah ee taladoodu ku ururtay maxaa i soo gelaya intaan xukunka joogo, intaan joogo maxay Carruutaydu faa’ideysaa, maxay faa’idayaan kooxda ila yaqaanna waxaanu qabsanayno intaan Xukunka joogo. Laakiin Rasuulka (CSW) iyo Hoggaamiyeyaashii wanaagsanaa ee Asaxaabada ee uu sameeyay, waxay ahaayeen kuwa ka saara Dadka Marxaladda Maanta aynu mareyno oo kale. Marka Ummaddu wareerto, marka Hor iyo dib meel ay socoto garan waydo, marka Maslaxadda Qofku uu leeyahay ka hor-marto Afar Milyan iyo Badh Bani-aadam oo Alle ku abuuray bogcad barakaysan oo leh Khayraad badan, laakiin u baahan Hoggaan toosan oo Caqli iyo Xikmad ku wadaya, Laakiin Innaga (Somaliland) Ummad dhan Masiirkoodii ayaa habeen Madow Kooxi wax iska waydiinaysaa, iyadoo lagu salaynayo Maxaan qaadanayaa iyo Inteed i siinaysaa.”

 

 

 

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey oo khudbadiisa sii wata, waxa uu yidhi “Ummadda wanaagsan ILAAHAY wuxuu siiyaa Hoggaamiye Cumar Binu Khadaab oo kale ah. Marxaladaha Adag Muslimiintu waxay lahaayeen Rag (Xalkeeda gaadha). Laakiin haddii Shanta Saladood kugu adkaadaan, Waxa Muslimiintana (Hantida) aad iska farsamaysato, xuquuqda Dadkana waydaarato maxay noqonaysaa Quwadda ku riixeysaa marka Marxalad adag timaaddo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxaanu kula talinaynaa Culimada, Salaadiinta, Nabad-doonnada, Dhallinyarada Aqoonta leh, Hooyooyinka iyo Cid kasta oo Caqli iyo Garasho lagu tuhmayo, waxaanu leenahay waar Dalka ha loo gurmado oo ha laga badbaadiyo Kacdoonnada Siyaasiga ah ee inyar oo Dan lihi waddo. ILAAHAYOOW waanu u sheegnay oo waanu wada gaadhsiinay, waxaanu leenahay wa

 

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

Somalilandpost.Hargeysa