“Waanu ka Codsanay Madaxweynaha Jabuuti inuu ka Odayeeyo Wada Hadalka Somaliland iyo Soomaaliya” Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

 

 

 

Hargeysa(SLpost) – Dawladda Somaliland ayaa sheegtay inay madaxweynaha wadanka Jabuuti ka codsatay inuu dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Somalia. Wada hadalada ayaa dani ugu jirtaa mandaqada sida uu sheegay wasiirka khaarajiga Somaliland.

 

Dr Sacad Cali Shire, wasiirka khaarajiga ee Somaliland oo ka soo laabtay socdaal uu ku joogay Jabuuti ayaa sheegay inay codsadeen in wada hadalka ay kaalin ka qaadato dawladda Jabuuti “ Waanu ka codsanay Madaxweynaha Jabuuti inuu ka odayeeyo wada hadalka Somaliland iyo Somalia. Wada hadalka Somaliland iyo Somalia uma dan ah Somalia iyo Somaliland oo kaliya ee waxay dan u yihiin gobolka oo dhan( Jabuuti, Ethiopia, Kenya) markaa kulligeen dan baa inoogu jirta in wada hadalada guul laga gaadho,” ayuu yidhi Dr Sacad.

 

Geesta kalena wasiirka khaarajigu wuxuu meesha ka saaray in cid aan xukumadda ahayni faro galiso wada hadalka  Somaliland iyo Somalia “wada hadalka Somaliland iyo Somalia waxaa u xilsaaran dawladda. Sharcigeenu wuxuu odhanayaa waxa u xilsaaran dawladda. cid kale oo u xilsaaran wada hadalkaasi ma jirto, dawladduna iyadaa la tashanaysa dadkeeda, hadday culimo tahay, hadday salaadiin tahay iyo cidii kaleba laakiin, cid kale oo is horfadhiisanaysa oo ka wada hadlaysa arrinkaasi ma jirayso,” ayuu yidhi wasiirku.

 

Wada hadalka Somaliland ayaa horaantii sanadkan burburay iyagoo marayay wajigii 8-aad oo la filayay in masiirka labada wadan laga wada hadlo, balse Somaliland ayaa ka baxday wada  hadalka kadib markii Somalia shirka keentay siyaasiyiin Somaliland ah oo Xamar u xilal doontay.

 

Sidoo kalena Somaliland ayaa ku gacan saydhay wada hadalka dhawaan markii dawladda Turkigu qorshaysay in madaxdhaqameedka Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan masiirka umadda islamarkaana xilkii xukumaddaha lagu wareejiyo madaxda dhaqanka Somaliland iyo Somalia. Somaliland ayaa ku dooday inaanay mar dambe fadhiisan doonin wada hadal Turkigu hagayo.

 

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland