Waana Inaad Wajahdaan Fursadaha Iyo Caqabadaha Hortiina Iman Doona!

Maalmihii u dambeeyey waxa ka socday Gobolada Somaliland Munaasibado loogu dabaal degayey Kumanaan Arday oo ka qalinjabiyay Jaamacadaha dalka.

Ardaydaasi ayaa isugu jiray kuwo dhamaystay shahaadada koowaad (first degree) iyo ta labaad (postgraduate ama Master) oo ay kulliyado kala duwan ku qaateen mudo laba, sadex iyo afar sanadood ah, waxaana munaasibadaha qalinjabintooda kala soo qaybgalay masuuliyiinta qaranka ee (xukuumadd, Xisbiyo, iyo Golayaal Baarlamaan-ba) lahaa.

Waxaanad shucuur farxadeed aad ka dheehanaysay ardaydaasi qalinjabinaysay wajiyadooda, ka sokow bilicdooda waxa ay indhahaagu qabanayeen Arday kasta oo waalidiikii munaasibada usoo kaxeeyey si uu markhaati (witness) uga noqdo dhamaystika hawshii mudada sanadaha ahayd ee uu soo waday aakhirkiina uu ku guulaystay, maantana la joogo xiligii la bogaadin lahaa, loona hambalyeyn lahaa, laguna abaal marin lahaa wixii uu mutaystay.

Hadaba Qalinjabiye, hadday noloshu kow kuu tahay waxaana muhiim ah in aad maalin kasta daristo marka subax kasta Sariirta aad ka toostaan in aad wajahdo fursadaha iyo caqabadaha jira ee kaa hor iman doona si aad u gaadho hankaaga (Just make sure every day when you get out of the bed, despite the opportunity, despite the luck of opportunity, despite the obstacle you might come across).

Waxaynu ognahay oon la dafiri karin yaraanshaha fursadaha shaqo ee ka jira Somaliland, iyo heerka shaqo la’aanta Somaliland oo gaadhaysa in ka badan 75% sida lagu sheegay qiimayno dhawr ah oo laga sameeyey Somaliland.

Waxa lagama maarmaan ah in aad maskaxda ku hayso hadii aad saaxiib ka dhigato inaad joogtayso guusha iyo dedaalka, isla markaana aan lagaaga horayn fursadaha shaqo ee meel laguugu sheego inay ka banaan yihiin, waxa hubaal ah in aad guulo badan aad ka gaadhi doonto nolosha.

By A.A. Egeh