Waan Ooyayaa! – W/Q: Mohamed Hassan Daacad

daacadWaxaan Ahay 7 Jir Rejay ah,Hooyadayna sanad ka hor ayay xijaabatay.Labadayda Waalid Wax caruur ah kaligay bay ila haayeen.

Markii ay Ifka ka hoyatay Hooyaday macaan,waxaan waajahay Nolol adag. Nolol,ay weheliyaan Mutuutulo Mugdi iyo murugo u saaxiib ah,waxaana deris ila noqday;hoy la’aan,Hooyo la’aan,hanti la’aan,hammi la’aan,higsi la’aan,horumar la’aan iyo u-hiloobid la’aan muuqaalka dhabta ah ee nolasha Bini’aadamka.

Waxa galin horeba gagi cidla ah igaga dhaqaaqay facay,waxaanay hore ka bilaabeen Waxbarasho,waxaanay markasta racaan Waalidkood oo u kexeeya Goobaha;Waxbarasho,Caafimaad.iyaga oo maalmaha qaarna loo saaro goobaha Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Deegaanka aanu ku Nool-nahay.waxaanay waalidkood jecelyihiin inay Caruurtoodu Mudadii ay Waxbarashada iyo Akhrinta Casharadaba kaga soo nastaan,oo Maskaxdooda uga soo baxaan culaysyadii lasoo darsay wakhtigii ay Waxbarashada ku fooganayaayeen.maalinta Jimcaha-na waxa ay aabayaashood u racaan Masaajiida,iyaga oo xidha Khamiisyo si wanaagsan loogu diyaariyay,is-la markaana ay indhuhu soo jiidanayaan.

Waxay inta badan xidhanyihin dhar wada cusub oo kala wada nooc ah,waxaana Qof kastaaba uu leeyahay Kabadh buuxa ,una gaar ah,waxaana intaas u weheliya oo mid kastaaba uu leeyahay Dhawr beer oo kabo ah oo uu wakhti ka wakhti isku bedesho.

Todobaadkasta dhamaadkiisa waxa la geeyaa Rayiislaha,si timaha looga soo jaro,waalidkood-na waxa ugu badan ee ka fikiraan waxa uu yahay Daryeelkooda iyo darayo-ka-dhawrkooda. Waxaana Waalidkood ka go’an inay ka haqabtiraan Ubadkooda dhamaan baahiyaha Nolasha sida; waxbarshada,caafimaadka,Ciyaaraha kala duwan iyo guud ahaanba kobcinta maanka iyo garaadka Ubadkooda si bari ka maalin midhahooda dal iyo dadba u goostaan.

Balse anigu, intaasba waan ka aradanahay. Ma haysto fursad Waxbarasho,Caafimaad iyo Mid Daryeel toona.Maryaha waxaan xidhaa kuwa ay ka baxeen Ciyaalka aanu deriska nahay,ee la rabo in Dibadda loo tuuro ama la siiyo Xaafadaha danyarta ah,ee Dega Guryaha Cooshadaha ka samaysan,si ay Guryahooda ugu dhistaan,kuwaas oo igu dul dhamaada,mana helo wax dhaama oo aan ku bedesho.

Ciyaalka aanu isku xaafada nahay,waxay ii yaqaanaan {Doqon}.inta badana markaanu is-layno wey iskugu kay tagaan.Dumarka Xaafada ayaa igaga dhawaaqa oo yidhaahda “Waar,rajayga is-ka daaya;yaanu idin inkaarine”.

Markii Iftiinkii Gurigayagu damay,Hooyaday-na hoyatay,aabahay waxuu horeba ka bilaabay yagleelida Qoys cusub,waxaana uu Guursaday gabadh kale.

Gabadhan uu aabahay qabaa,maaha Qof iigu jajaban,iiguna naxariis iyo jacayl badan sidii Hooyaday ii ahayd markii ay noolayd. Maalin kasta ugu yaraan labada Galinba waxa ii qoran dilmo,dagaal iyo handidaad joogto ah.waxay ii dirtaa shaqaba tay ka adag-tahay,kana dhib iyo Kadeed badan tahay. Salaada horeba waxaan xaadhaa Wajahada hore ee Guriga,waxaanan Dibada Guriga ku maydhaa dhar iyo Weelka Xaafada.markay Caruurta aanu isku xaafada nahay halkaas igu soo maraan wey igu jees-jeesaan,waxaanay igu yidhaahdaan “ Waa Doqonkii,oo weel xalaaya sidii Hablaha”.

Waxaan qabtaa dhamaan Shaqada Guriga ee ay Haweenku u Xil-saaranyihiin,iyada oo ay intaasi ii dheer tahay Dilmada,markaan qaldo wax ka mid ah Shaqada lay faray inaan qabto.

Hadda waxa igu yaala nabaro badan oo Madaxa,Wajiga,Gacmaha Iyo Lugahaba leh,igana soo gaadhay Dhibta iyo Kadeedka ay Qofkan Dumarka ah ee Aayada ii ahi igu hayso.

Odayga ii aabaha ah ismaba aragno,taas oo yaraysay Fursadii aan ugu bandhigi lahaa Dhibta I haysata,ee uu is-na ka war la’ahay.waayo maalinta Jimacaha ah ee uu aabahay joogo waxay gabadhu ii dirtaa Guriga ayayday-aabo oo degan xaafad naga durugsan,waxaanay iigu hanjabtay hadii aabo ama ayeeyo I weydiiyaan nabaradan oogayada ka muuqda in aan ku idhaahdo ciyaalo-xaafad ayaa ayaan dhawayd isku kay tagay,hadii kalena ay nafdaydu khatar galayso,oo dilmada iyo dagaalkuna igu sii badanayaan.

Itaas-ba waxa igaga daran,aabahay iyo ayayday-ba waxay ka dhaadhicay in aan ahay faro-laga-qaad loogu caal-waayay waxbarasho iyo joojinta laynta ciyaalka xaafada ee i laaleeg ama iga yar yar oo ay dadkii jaarka la ahaa khaati kala taaganyihiin.is-laantii ayayda ii ahayd habeenkaan la joogo gaadh-bay iga haysaa,oo waxay isleedahay armuu dhalaanka xaafadahan jaar kula ah wax-yeelaa,waxaanay khaati ka taagan tahay Inkaar-qabahan maalin kasta oo jimce ah loo soo dirayo ee dhibtiisa aawadeed Gurgii aabihii looga soo firdhinayo.iyada oo gabadhan aabahay qabo ku amartay in aanay dib ugu soo dirin,oo aanay awood u lahayn inay dadka ka amaan-siiso Wiilkan ay ayayda u tahay ee loo aqoon-sanyahay mid lala dhiban-yahay oo dadkii kabaha ku gubay.

Waxa igu adkaatay kusii jirida Nolashaas adag,walina waxa ila daris ah Khibrad la’aan iga haysta nolasha deegaan ee igu xeeran.ma garanayo waxaan sameeyo,dhibtuna wey sii badanaysaa uun.hadda waan dhaqaaqay,waxaanan go’aan saday in aanan gurigan laygu dhibayo aanaan habeen danbe u hoyan.maalintii dhamayd-ba si deg deg ayay u dhamaatay, ma garanayo meel aan hadda ku suganahay,balse waxaan dareemayaa inay meesha dadbadani joogaan.wax aduun ah waxaan haystay shilimaad ayayday igu tidhi nusasaace ka dhigo.kuwaasina galinkii horeba wey idlaadeen.

Meeshii ay Maalintii dadka badani joogeen hada dadkaasi waa sii gabaabsiyayaa,waxaana soo dhacday dheel-dhaxameed oo xoogan.waxaan xidhanay waa calal,waxaana intaas ii dheer baqo xoogan oo ila soo darsay,mana garan garo waxa igu dhici doona wakhtiyada soo aadan iyo waxaan mudan doono,balse waxa niyadayda ka go’day ku noqoshada Ehelkii iyo Reerkii.Madawgii wuu sii badanayaa,waxaana si rasmi ah u istaagtay Cagtii iyo guud ahaanba jabaqdii.markii aan u adkaysan waayay Dhaxanta xoogan ee jirta iyo wax la’aan isku kay barkaday,waxaan galay Cooshad yar oo ay Ragg badani goor dhawd ka buuqayeen,balse hada markii qofkastaaba uu qaadkii dhamaystay,dabada boodhka ka tuntay,gurigiisiina u guureeyay,Dumarkii lahaana is-kaga hoydeen.

Waxa I hormiyid Muuqaalo iyo Musalsalo is-daba-guuraya oo I tusaaya Kool-koolintii Hooyaday iyo Kadeedka Maanta I haysta.waxaanan miciinsaday oohin aan is-qaban kari waayay,ilaa hadda-na waan hooyayaa!!!.

W/Q: Mohamed Hassan Daacad