“Waan ku arka Kumana Jeedo (Qiso Jacayl ah) W/Q:KhadarJamac Dirir

Lamaanaha nolosha waddaga waxay meel isla dhiggaan markasta wixii qorshahoodu yahay inta ay ku jiraan haasaawaha muddada dheer soo jiitamaya, laakiin marka haasaawaha lagu gudo jiro dadka waxaa soo labeeya saddexle ka shaqeeya sidii lammaanahaasi nolosha uga dhici lahaayeen, waayo hore ayaa loo yidhi “Geed walba in gubta ayaa hoostaal.”

Dadka gaar ayaa lammaanaha nolosha yagleelaya ku noqda laf-dhuungashay, Laakiin markasta waxaa maskaxda ku haysa haddii labada qof ee nolosha waddagaya ay noqdaan lammaane markoogu hore ku dhisnaa kalsooni iyo xilqaamid inay si wadda jir ah u mari karaan qofkasta oo ku noqda saddexeeye oo doonaya in aanu haasaawahoogu gaadhin meeshi ay la rabeen.

Lammaanaha xilliga ku jira yagleelida nolol ku salaysan mustaqal ay ku unkayaan qoys ku dhisan farxad iyo raynayn, waxay noqon karta mid uu ka dhasho carruur ka fayo fowdo iyo qalaalaase oo kala dhexgala lammaanah dunida ka doortay ee isku hibeeyey nolosha adduunyadda, sidii ay uga bixi lahayeen galinimadda.

Haddaba haddii ay inta hore ahayd araar iyo hogga tusaalayn bal ila eeg sheekadda aadka u xiisaha badan ee dhexmartay lammaane isku bartay bogga face-book:

Nimco waa nin ku nool dalka isu-tagga imaarta carabta oo sannado badan halka ku noolayd, laakiin Xamse waa nin ku nool magaaladda Hargeysa waxa uu markasta jeclaa inuu face boogga booqdo oo uu eego inay ku jirto Nimco, is ay isaga xog-weraystaan arrimaha haasawahooda iyo halka uu gaadhsiisan yahay jacaylka ay isku baqaan ee kulan siiyey Face-booku, marka salaam kala qaato ka dib, waxa la guda-gala arrimaha jacaylka oo qofkasta soo bandhigga waxa calooshiisa ku jira, waayo hore ayaa loo yidhi “Qofkastaaba calooshisa ayuu ka werwer qaabaa.”

Nimco waa nin aad ugu bogtay hadaladda uu u soo tabinayo gacaliyaheeda Xamse, laakiin waa qof maqalo jog ah oo doonaysay inay waqtiga ka lumiso, Wiilkan u soo bandhigtay jacaylka iyo inay nolo rafiiqaan, laakiin horre ayaa loo yidhi “Laabi lab ula”Nimco waa nin qof kale qalbigga ku haysa oo doonaysay inta ay ka dhex-helayso gacaliyaheeda Face-booga inuu soo galay Xame ku maaweelinaysa sheeko been ah iyo shukaansi aan runku qotomin.

Xamse marka uu ka soo baxo Face-boogga wuxuu habeenkii ku seexda inta ha khiyaamin ee xidhiidh sii wanaaji, laakiin hore loo yidhi “Ilaahayoow nin aan wax ogayn ha cadaabin,” Xamse nin ku fikiraya sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa Nimco oo ah qofka noloshiisii ka bedeshay oo uu habeen iyo maalintab oo ku raad-joogo helitaansiisa, Mararka qaarna wuxuu ku seexda isagoo maskaxda ku haya hees uu ku luuqeeyo Cumar Dhuule oo Eriyadeeda ka mid yidhi “Canbayahoow bislaadee  cunistuun u baahane wallow aad cad-nooltahay, Cid laguma waayine waxa caradda jira dumar kaa cod-roonno ku caddiban adduunka.”

Xamse markii uu soo toosay wuxuu u xamaam gurtay sidii uu hawl-maaleedkiisa u soo qabsan lahaa, isagoo maskaxda ku haya Nimco oo ah qofka markasta maskaxdiisa ka guuxaysa ee u mir la’yahay helideeda oo kurbo badan u qabo.Ayaamuhu waa kuwo isguraya oo qof-ba meel dhiggay, laakiin ku tallo-gal in horre loo yidhi “Dad iyo duur-ba waxaanad filalan ka filo”

Xamse wuxuu si toos ah galin dambe u dhex-galay meel internet ku yaallo sii uu u salaamo saaxiibadiisii Nicmo, waxa uu markiiba si aanu filanayn uu face-boogga uga dhex helay Nimco Online ah oo farxad ayaa ka soo booday Xamse markii uu arkay inay Nimco ku jirto Face-boogga, salaam iyo is xog-weraysi ka dib, wuxuu Xamse nimco waydiiyey halka uu marayo jacaylkii ay soo waddeen iyo waxa waqtiggan laga filayno natiijaddooda.Nimco ayaa markii uu sidaa yidhi Xamse qosol la bakhtiday ilaayn uurku laabe ma tihide waxaan ka qosliyey Nimco maanta ayuu hoos iska leeyahay Xamse.

Xamse oo aad moodo nin biyo ku dhex-dhacay ayaa sidii qof anfariisan Nimco ugu yidhi Nimco maxaa ka maanta ka qosliyey?,Nimco ayaa iyaddoo oo jeejees ah ugu tidhi walaal ma run ayaa u qaadatay xidhiidhkii aan kula samaynayey muddada dheer. Xamse ayuu hadalka soo bixi waayey markii ay inta tidhi Nimco, Laakiin horre ayaa loo yidhi Calool adkaan waa alle wehelkii, Xamse oo qoslaya ayaa nimco ku yidhi walaal malaa waad ciyaaraysa ee maskaxda dib u celi oo xasuuso xidhiidhkeeni inta soo jiray ee aad waqtigga dheer face-booga ku qaadan jirnay.Nimco jawaab may siin Xamse,laakiin wuxuu ka dagi gari waayey kursiggii uu ku fadhiiyey isla markana wuxuu daabacay warqad uu ku soo hal-qabsadday Cumar Dhuule oo ahayd “Dhaxaad isidatoon Adigun ku samrayo nafta kugu sasabayey.Maruun-baad sidaydaba kam badhuudhsan meelo aniguna kurbadda baas la kaafsooni doona.”Arrintan ayaa gebogebadeedii waxay noqotay “Waan ku arka kuman Jeedo.”