“Waan Ka Raaligelinayaa Bahweyntii UDUB Inaan Xisbigii U Dhibay Cali Warancade Oo Hankiisu Aanu Wasiir Dhaafsiisnayn” Daahir Rayaale

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynihii hore Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo muddooyinkii u dambeeyay dalka dibaddiisa ku maqnaa ayaa maanta kasopo degay madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal.daahir rayaale

Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxa ku soo dhaweeyay madaarka guddoomiyaha golaha wakiillada, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee madaarka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la tixgeliyo heshiiskii laga gaadhay khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii loo sameeyay xukuumadda iyo golaha wakiillada. “Haddii la heshiiyay, wixii lagu heshiiyay waan la raacaa awalba waa la is-khilaafi jiray, laakiin wixii lagu heshiiyo ayuun buu ku dhamaan jiray.” ayuu yidhi Daahir Rayaale.

Waxa kale oo uu ka hadlay Suldaanka muddooyinkii dambe la hadal hayay ee ka goostay Somaliland waxaanu yidhi. “Wallaahi Suldaankaa tagey waa arrin isaga u gaar ah, umalayn maayo inay ciddi la ogayd oo ay meel tag tidhi, waxaanse leeyahay hadduu Suldaan tagey, Suldaanno awalba way inaga tagi jireen oo Xamar bay tagi jireen oo ay odhan jireen Somaliland waanu ka baxnay, waxaanay u baahan tahay in laga hawl-galo oo sidii loo xaasilin lahaa ee loogu soo celin lahaa.”

Madaxweynihii hore Somaliland ayaa sheegay in xisbigii uu hore guddoomiyaha uga ahaa ee UDUB uu kusoo noqon doono saaxadda siyaasadda, waxaanu burburka xisbigaas ku eedeeyay wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde. “Waxaan raali-gelin ka bixinayaa inaan xisbigii UDUB u dhiibay nin aanu hankiisu gaadhsiisnayn heer madaxweyne oo ah Cali Waran-cade oo ku faanayay jeebkaan ku ritay xisbigii UDUB oo nimankii hankoodu ahaa madaxweynaha iyo bahweyntii UDUB iyo nimankii soo dalbaday ee Jamaal iyo Cabdirashiid waan ka raaligelinayaa inaan baal maray oo ninkaa hankiisu wasiirka iyo wax la mid ah yahay aan ku wareejiyay, laakiin xisbiga UDUB wuu soo noqon doonaa.”

Somalilandpost.net