“Waan dhunkanayaa cagaha hooyaday, maxaa yeelay udgoonkii jannada ayaan ka helayaa, hooyonimaddu waa dareen gaar ah”

Istanbul (SLpost)- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inaanay dumarka iyo Raggu sinnayn, isla markaana si weyn u dhaliilay ololeyaal ku saabsan isku dhererinta raga iyo dumarka oo indhaha ka laliya fekerada hooyonimadda.

RecepSida lagu faafiyey waregeyska Tribune, oo ka soo baxa dalka Turkiga, Madaxweyne Erdogan, oo ka hadlayey kulan lagaga hadlayey kaalinta haweenku ka qaadan karaan wax-qabadka, isla markaana ka dhan Kooxaha u ololeeya xuquuqda Haweenka, kaas oo lagu qabtay magaalada Istanbul, waxa uu sheegay in kala duwanaanshaha dabiiciga ah ee ragga iyo dumarku muujinayo sida aanay shaqooyin isku mid ah u qaban Karin.

“Diinteena Islaamku way qeexday booska haweenaydu kaga jirto bulshada ee hooyonimadda,” ayuu Erdogan u sheegay kulan haweenka Turkigu lahaayeen oo ay ka mid ahayd gabadh uu dhalay oo lagu magacaabo Sumeyye.

“Dadka qaarkood ma fahamsana arrinkan, halka qaar kale is-diidsiinayaan. Uma sharaxi kartid kuwa u ololeeya haweenka, maxaa yeelay ma aaminsana doorka hooyonimadda.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waan dhunkanayaa cagaha hooyaday, maxaa yeelay udgoonkii jannada ayaan ka helayaa, hooyonimaddu waa dareen gaar ah.”

Waxuu sheegay inaan la simi Karin raga iyo dumarka, maadama taasi ka horimanayso abuurka dadka. “Dhismaha jidhkooda, dabeecadahooda iyo muuqaalkoodu wuu kala duwan yahay, isku meel ma dhigi kartid hooyo ubadkeeda jaqsiinaysa iyo nin, ma sinaan karaan raga iyo dumarku dhinaca waxqabadka”

“Uma diri kartid inay dibedda u baxaan oo ay xabaalaha qodaan, taasi waxay ka horimanaysaa awooda jidhkooda quruxda fiican,”

Erdogan ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshe Kooxaha u ololeeya haweenku ku sheegeen in haweenay kasta oo Turkiga ah dhalaan saddex caruur ah.

Waddanka Turkiga, ayaa ka mid ah Waddamo Muslimka ah ee ku yaala Qaaradda Yurub, ayaa inta badan waxa ka jira ololeyaal reer Galbeedku dabada ka riixayaan oo xuquuqda Haweenka ee reer Galbeedku u magac-bixiyaan loogu ololeeyo.

SOMALILANDPOST.NET