Waad Daashay ee Duubka ii Xidh!

 

Wakhti waliba wayihiisa iyo warkiisa leh’e, waxa la yidhi wakhti hore oo ku taxan sooyaalka sheeko, ee dhaqanka soomaaliyeed ayaa waxa jira oday gayiga ka tilmaamnaa, lagu na majeeranto aqoon dhaqan iyo mid bulsho, tallo-aqoon ah. Odaygaasi waxa uu Alle deeq u siiyay inta soomaalidu rag ku xulan jirtay ba. Haddii ba warkiisa iyo hadal hayntiisu ba gaadhay geyiga iyo deegaanka uu ku noolaa, muddo dheerna haddii tallo iyo tilmaan ba loogu iman jiray odaygii, ayaa iyaba waa iska sunnaha noloshee, waxa saluugtay sida uu wax uga arrimiyo afadiisii ama ooridiisii u dhaxday waxaanay xaajigeedii ku tidhi “Aw hebeloow waayadan talladaada iyo arrinkaaguba waa wagash-wagashe  reerka si wanaagsan ugu arrimi ama tallada iyo arrinka iska soo wareeji!” Cajab iyo cibaaro ku noqotay odaygii, se wuxuu ahaa waayeel wax badan u soo joogay oo waayaha adduun wax uga bilawnaayne ismuu hawline wuxuu ku sheegay ooridiisii in uu qorshaynayay inuu tallada reerka wakhtiga jiilaalka ee soo dhaw ku wareejin doono.

Xaajiyaddii iyada ahayd hoosta ka mushxaradday oo tidhi “Alla magane waa tabtaan la rabay.”

Wax wakhti is guraba waxa la gaadhay wakhtigii, iyaduna ma mooganee markiiba waxa ay tidhi “Xaajoow jiilaalkii waa kaas bilaabmay e’ duubka soo wareeji, saligaaaga iyo waysadana halkaas dhigo war isugu keen hadhayna ma jiro.” Odaygiina isagoon hadal iyo hugun toona ugu darin ayuu duubkii wareejiyay niyadda se wuxuu ka leeyahay “Horta heblaayo iyo tallana ha is arkeen!”

Iyaduna waa siday rabtay mushxarad, alalaas, uugaan iyo ciyaar waxay karaysaba samaysay.

Haddii ay maalmo yar maskaxda rogrogtay fikir iyo faqna nafteedii la shawrtay ba, waxa ay u yeedhay odaygii waxaanay tidhi “Xaajoow talladayda si wanaagsan u dhagayso, wakhtigu waa adag yahay waa jiilaal dhalaanka iyo reerkuna wuxuu u baahan yahay wuxuu maalmahan adag kaga baxo oo ku tamariyo, adiguna intaad tallinsay caruurta waxba umaad gawricin oo saruurad ayaa laysay, duunyadeenan xaraysanna markaan rogrogay ee aan dhan walba u eegay waxaan arkay in awrkaa weyn ee reerku ku guuro oo kali ahi ku jiro wax shilis oo ay ku saruurrad goyn karayaan, isla markaana ay jiilaalka kaga bixi  karayaan markaa waa in dhuunta lagu dhuftaa saaka kaas.” Odaygiina yaab, tallo ku caddaatay, ku ye “Dhagayso heblaayoow adigaa reerka u arrimiya  ee sidaad yeelayso yeel.”

Iyada oo  hoosta ka qoslaysa ayaa awrkii ratiga ahaa ee reerku ku guurayay gawrac dhuunta loogu jiiday. Markiibana waxay ku tiraabtay i dhagaysta hilbaha awrka ha wada jar-jarina, maalinba inta reerku  u baahan yahay ayuun baa laga soo goynayaa si aan raqda loo arag oo aan dadku inoo martiyin. Hawraarsan lagu guddoonsan talladeedaas xaajiyadda. Markii hilbihii intii looga baahnaa ay ka goosatayba heeryadii iyo wixii ay haysaba dusha ka saartay, muddo maalmo ah markii hilbihii awrku sidii ahaayeen, waxa ay xaajiyaddii la soo fadhiistay odeygeedii geed yar hoostii oo hadh qoodaal ku yaalla iskaga cibaadaysana, haddiiba cabaar la sheekaytay ayaa waxa si lama filaan ah xaajiyaddii ugu tidhi “Ee Aw hebeloow waxan qadhmuun ee urayaa waa maxay?

Odaygii oo dareensan in waxa urayaa yahay hilbihiiay heeryaysay islaantu Ku yidhi “Heblaayoow waxa urayaa waa talladaadii! Aniguna waanigii daalay ee duubka kuu xidhaye la dabaallo.”

 

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com