Waabeeye Iyo Cali Mareexaan: Saaxiibo Ay Siyaasadu Kala Fogaysay Oo Maanta Kala Taagan Laba Daraf Oo Kala Fog

Hargeysa(SLpost)-Dabayaaqadii sannadkii 2005, markii la doortay golaha wakiilada Somaliland waxa ay wasiirka hawlaha guud Cali Maxamed Xasan “Cali Maareexaan” iyo xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) golaha wakiilada soo galeen iyagoo gacmaha is haysta, lagana soo wada doortay gobalka Togdheer islamarkaana ay ka soo wada baxeen xisbiga KULMIYE oo wakhtigaas ahaa mucaarad.

IMG_1106

Ku sinaan shan sannadood oo ay ahaayeen xildhibaano mucaarad ah, waxa ay xiisadaha siyaasadeed ee dalka amaba golaha ku soo kordha ku wada waajihi jireen aragti midaysan iyadoo la arki jiray iyagoo dhinac ka wada istaagaya cidda ay u arkaan inay wiiqayso xisbigooda KULMIYE amaba halganadooda siyaasadeed ee kale. Waxa ay isku xidhnaantoodii sii laba laabantay markii uu Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa hoggaamiyihii xisbigooda uu noqday Madaxweynaha Somaliland, waxaanay markan bilaabeen ololeyaal ay ku fulinayaan mashaariic horumarineed. Waxa ay wada jir socdaalo ay ugu baxeen dalalka Yurub oo ay qaadhaan uga soo ururiyeen madaarka Burco, cisbitaalka dhimirka Burco, Jaamacadda Burco iyo goobo bulsho oo kale.

Sidoo kale, waxa la lagu xaman jiray in markii uu Madaxweyne Siilaanyo talada qabtay ay xukuumadda ka qaateen qandaraasyo ay ka heleen lacago ay ka faa’iideen.

Markaad Cali aragto, waxaad aragtay Waabeeye, markaad Waabeeye aragtana waxaad aragtay Cali. Hase yeeshee sidii ay saaxiibtinimadooda iyo isku duubnimadoodu sidaas u ahayd, waxa mar qudha ku yimid isbedel ay waayaha siyaasadeed aabo iyo hooyo u yihiin.

Maanta, maaha laba nin oo aragti ahaan dhinaca siyaasadda wada socda, waxaanay kala baydheen bishi November ee sannadkii tagay oo ku suntan shirkii golaha dhexe ee KULMIYE. Cali Mareexaan wuxuu garab istaagay murashaxnimadii Muuse Biixi, waxaanu noqday wasiirka hawlaha guud, halka uu xildhibaan Waabeeye ka horyimid Muuse Biixi kana mid noqday isbahaysiga madaxtooyada ay kala dheeraadeen. 

Siyaasadu waxay sabab u noqotay in saaxiibadii sidaas isugu sidkanaa ay kala durkaan, lagamana yaabo maanta inaad aragtid wada socodkoodii iyo saaxiibtinimadoodii, waxaanay u dhowdahay in aragtidooda siyaasadeed ay habeen walba sii kala fogaato, sababtoo ah waxay ku guuldaraysteen inuu midina midka kale ku qanciyo inuu aragtidiisa la qaato.

Inkastoo aan weli la arag iyagoo warbaahinta isu marinaya warmo siyaasadeed, haddana waxa la arkaa isagoo mid waliba difaacaya kooxda uu aragti wadaaga siyaasadeed la yahay, taas oo suurtogal ka dhigi karta in aakhirka ay iyagu isku soo muruxsadaan.

Dadka qaarkood ayaa aaminsan inay saaxiibtinimadoodii ka door bideen inay kala raacaan siyaasadaha kala fog ee labada oday ee adeerka u ah kuwaas oo kala ah Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro. Cali Maareexaan wuxuu hadda wasiir ka noqday xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, halka xildhibaan Waabeeyana la saadaalinayo in isaga iyo isbahaysigiisuba ku biiri doonaan xisbiga Waddani ee uu Cirro hoggaamiyo.

Si kastaba ha ahaate, saaxiibtinimadii Waabeeye iyo Cali Maareexaan, waxa kala fogaysay siyaasad, waxaana la odhan karaa waxa dhex yaala dabino siyaasadeed oo ay in badan u xidheen siyaasiyiin kale, kaas oo aakhirkii iyagii isku soo jeediyay.

Xigasho Geeks Afrika