Waaba yaabee, Wadanka Somaliland ma in yar oo mucaarad iyo munaafiqiin ah ayaa Hostage ku haysata danihii ummada oo dhan? – W/Q: Ali Dhinbiil

Ali Abdi Dhimbil
Ali Abdi Dhimbil
Ali Abdi Dhimbil

Beryahanba waxaa ka dhaceyey qalaalase dhinca walba leh oo ku saabsan qaladaadkii doorashooyinka iyo mucaaradnimo  beelayasan.  Hadaba sideedaba waxaa jirey in urur walbaaba doonayey siduu u soo bixi lahaa, ee laakiin aany jirin wax ‘’Plan B’’ ah oo ku jiheysan waxay samayn lahaayeen hadii xisbigoodu soo bixi waayo.  Taasi waxay keentay in qaar ka mid ah xisbi hogaamiyayaal oo markii horeba isla qab weyn, aay u qaadan waayaan inay hadheen, oo taasi keentay inay aflagaado, jaahwareer iyo xasarad qabyaaladeed ku dhaqaaqaan.

Runtii dadka xisbiyada hogaaminaya qaarkood waxaabay u haystaan wadanku inuu maqaaxi yahay, oo waxay doonayaan aay samayn karaan, oo markaa aan cidina waxba odhan Karin, madaama aay cardka qabyaalada iyo mujaahidbaan ahaan jirey aay ku barooranayaan.  Runtiina arintan wax ka qabad la’aanta kuwa anti nationalka ah dawlada ayaa laga arkay oo in badan aan u soo jeesan amaba dhaqan gelin inay sharciga la tiigsadaan dadka xasiloon la’aanta iyo qabyaalada ka wada wadanka.  Waxaaba ka sii waalan wararka dadka aqoonlaawayaasha ah ee isku sheega saxaafada, ee runtii aan garanayba inay media yada aduunku ku shaqayso baahinta balanced information, iyo weliba ilaalisa danta wadanka, iyo la dagaalanka cunsirinimada iyo qabyaalada aay shaqadoodu tahay.  Laakiin aay nasiib daro noqoto inaay iyagu halkay dadka ka hagi lahaayeen, aay shuruucdii saxaafada iyo tii wadankaba burburiyeen oo si badheedha qaran dumis u noqdeen.

Saxaafadiiba waxay isu rogtay mid ku hadasha af qabaiil iyo maxaa xisbigayagii reerka loo reebay.  Jaahil kastaaba camarad iyo video ayuu garabka ku qaatay, oo marba odayaal reer metalaya iyo habro soo waraysanayaan ka hadlaya qabaa’il kale oo aay dhul isku haystaan ama local issues ay isku haystaan.  Tani waxay keentay in dadkiiba aay by pass ku sameeyaan xukunkii iyo dawladii loogu tala galay inay kala hagaan dadkan cawaanka ah.  Waayo dadkiiba waxaa si qaldan looga dhaadhiciyey in arimahoodu u fulayaan haday aay sii dhax mariyaan newswebsites oo markaa aay video iska duubaan.  Laakiin ma fahansana in arintaasi aay aad u qaldan tahay, oo dadkii aay ka cabanayeen aay iyaguna cuqdad gasho, oo aay u fekeraan in iyagana la soo weeraray, taasina keento inay iyaguna ugu soo jawaabaan hadal xaq iyo xaqdaraba ku salaysan, oo markaa fidnadu halkaa ka sii ooganto.

Hadaba maxaa xal ah, ileyn waatanoo meeshiiba waxay noqotay ‘’Wild West’’  oo qof walbaaba wuxuu doonayo iska qoraya bilaa xuduud ah.  Horta marka hore waxaan kula talin lahaa qolyaha saxaafada Somaliland bal aduunyada saxaafadoodu siday u shaqayso inay u kuur galaan, iyo waxa aay awooda u leeyihiin iyo waxaanay awooda u lahayn inay qoraan.  Waxaana muhiim ah in bal horta saxaafada reer Somaliland aay iyagu self censorship isku samayeen, inta aan cidiba waxba u sheegin, ama sharciga aanay ka hor iman.  Waxaan kaloo u soo jeedin lahaa saxaafada reer Somaliland bal horta kala shaandeeya, oo xadida cida meesha wax ku soo qorta.  Ileyn hadii qof walbaaba uu wuxuu doono ku soo qoro saxaafada, inay taasi keeni karto in saxaafadii sucmadeedii hoos u dhacdo hadii qof kasta oo aqoon gaab ah ama fidnoole ahiba uu misuse ama si qaldan u isticmaalo saxaafada.

Hadaad iminka u fiirsatid wadanka kasta, kaba soo qaad UK iyo USA, waxaa wax u qora dad kooban oo aqoontooda lagu shaqaalaysiiyey, oo isla markaa magac iyo maamuus ku leh wadanka guduhiisa iyo dibadiisaba.  Mida kale journalist kasta oo wax ku qora, for instances, say ‘’The Guradian’’, wuxuu wax ka qoraa ama ka hadlaa wuxuu aqoona u leeyahay.  Oo markaa mid waa economic analyst, mid waa political analyst, mid waa sport journalist, iyo kuwa kale oo iyaguna waxyaabo kale ka sheekeeya every day or every week.  Markaa dadkan aan tilmaamay markooda horeba waxaanu takhasus u lahayn badiyaaba kama hadlo.  Runtiina international journalist waa dad yaqaana waxay ka hadlayaan oo qaar badani aay well known academic iyo politician yihiin, oo weliba wakhti dheer journalist ahaayeen.  Hadaba waxaa la yaableh Somaliland oo dhami saqiir iyo kabiir ma waxay noqdeen journalist, oo dhamaantood isugu soo biyo shubtay inay siyaasada ooo qudha wax ka qoraan.  Miyaanay wax kale oo laga hadlo aqoon, mida kale miyaanay khaldanayn in dad aan la garanayn waxay yihiin loo ogolaado inuu wax iska soo qoro, oo dabadeedna newswebsites lagu soo daabaco.

Runtii waxaad moodaa in dadkiiba aay doonayaan in aay wadanka xukumaan, oo dawladana aan laga amar qaadan, oo xitaa shaqadii loogu tala galay inay qabtaan xisbiyada mucaaradka ahi, aay shicibkii doonayaan inay qabtaan.  Nasiib daro arintan dadka wax isku qasaya waxaa uu suurta gelisay awood la’aanta dawlada iyo mucaaradka oo aan shuruuc qabanaysa saxaafada iyo dadka sida sharci darada leh u hadla amaba wadanka shuruucdiisa uga soo horjeesta uga hirgelin si midaysan.  Waxaad maqlaysaa dad gobolada iyo degmooyinka qabiil ahaan kasoo jeeda, oo leh anagu mayeelayno in dawladu cid aanan ka raali ahayn loo doorto magaaladayada, kaba sii darane waxaabay leeyihiin qaarkood qof aan magaalada u dhalan in aan meel loo magacaabi Karin, xitaa hadii qofka loo magacaabay uu yahay minority magaalada la dega.

Hadaba dadkan maamul goboleedka samaystey, ee leh anagaa is xukumayna, oo cid aanan raali ka ahayni magaaladayada loo magacaabi mayo, yaa iyaga ka masuul ah markooda horeba, miyaanay ogeyn in dawladu awood u leedahay inay ciday doonayaan casilayaan, ciday doonayaan saari karaan Mayor iyo wixii la mid ahba.  Mida kale miyaan dadka lagaga tirada badan yahay magaalo kasta xilal loo magacaabi Karin, xitaa haduu magaalo kale ka yimi.  Aniga waxay ila tahay hadii reerkii walbaaba u yidhaahdo anagaa magaaladan u badan oo keligayo ayaan is xukumaynaa in musuq maasuq iyo cadaalad daro ka dhacayso xukunkooda hoose, oo weliba dadka laga badan yahay ee magaalo kasta dega aay khatar ku sugnaanayaan sidii shaqooyinka dawlada hoose looga qayb gelin lahaa.  Waxaan kaloo kula talin lahaa dawlada inaanay faraha la gelin cidii aay local governmentu dhexdooda ka doorato ee mayor ah, laakiin aay badhasaabka ku eekaadaan, ee madaxweynuhu awooda u leeyahay inuu bedelo.  Waxaana runtii haboon in magaalo kasta oo la wada dego, loo kala qaybiyo mayorka iyo badhasaabka magaalada iyo weliba cida qaadanaysa ku xigoonada, oo aay si fiican isula tashadaan dawlada iyo local government.

Waxaan kaloo doonaya inaan ka hadlo, dadkan isku sheegaya inay yihiin reer Somaliland hadana wadanka xasarad iyo fidnada ka wada, ee weliba aay hormoodka u yihiin saxaafada qaarkood.  Bal waxaan doonayaa inay ka fekeraan, waar wadan aan la ictiraafsanayn baynu nahay, oo cadow ku wareegsan yahay doonaya kala wiiqida iyo burburka Somaliland, miyaad idinku isu rogteen ‘’Enemy Within’’.  Mida kale ma ka fekerteen waxay aragtidoodu noqonayso wadamada aduunweynaha ee ina taageersan oo inoo yiqiin wadan xasiloon, oo dan wada jir ah aay ka dhaxayso, kuna midoobay inay ka go’aan Somaliland.  Weliba caqli gaab laawayaashow ma fekerteen, inay wadanka joogaan companies ku hawlan inay shiidaal ka soo saaraan wadankeena, iyo kuwo kale oo doonaya inay mashaariic kale ka fuliyaan wadanka, in hadii aay maqlaan in wadanku aanu xasiloonayn, oo mar walba dadbaa mudaharaaday iyo dadbaa dawlada ka soo horjeeda maqalaan, aay ku kalifeyso inay iskaga tagaan wadanka nabad gelyo la’aan darted, oo markaa inaga lafteenii aynu propaganda iyo bad image ku faafino aduunweynihii aadka inoogu han weynaa gooni isu taageena iyo nabad ku noolaan shaheena.

Malaa waad maqasheen kuwa caqliga xun ee leh international criminal court ayaan ka dacweynaynaa madaxweynaha reer Somaliland.  Bal ma dadka noocas ah ee caadifada qabiilka reerkoodu hayso, ayaa dan Somaliland ku jirtaa.  Inagoo markii horeba ahayn wadan aan la ictiraafsanayn oo jiritaankiisuba qirin qiir ku jiro, oo dawarsiga aduunweynaha sida dawlada ingiriiska ku tiirsan yahay, oo dabadeedna qabaail ka mid reer Somaliland aay dacwad iyo mushkilaad kale kaga samaynayaan aduunweynaha si aan loo ictiraafin, loona xayiro madaxweynaha iyo madaxda reer Somaliland ee iyagu ahaa kuwii wadanka u soo halgamay.  Halkaa waxaad ka arkaysaa in qabiilkiisa uu leeyahay dadbaa rabshado nagaga dhintay, aay kaga weyntahay nabada iyo xasiloonidana iyo weliba horumarka iyo gooni isu taaga midnimo ee reer Somaliland.

Waxaan kaloo ku baraarujin lahaa dadkan rabshada iyo xumaanta wadanka guduhiisa iyo dibadiisa ka wada habeen iyo maalin walba, inaanay wax ala waxay ka qaadayaan madaxda iyo madaxweynaha reer  Somaliland aanay jiri doonin, kuwan aad leedihiin waa International Criminal court ama Amnesty international.  Malaa waxay moodayaan in dadku aay aqoon gab yihiin sidooda, si aay ugu harowsadaan ama ugaga bajiyaan shicibka reer Somaliland.  Miyaanay ogeyn in rabshado ka dhimasho badan aay ka dhacaan aduunka oo dhan maalin kasta, oo ku saabsan dad dawladahooda si sharci iyo sharci daro labadaba uga mudaharaada wadamadooda, oo naf iyo maalba lagu waayo, qaarna jeelka loo taxaabo.  Malaa amaba akhristo wararka iyo dhacdooyinka aduunka kan hormoodka u ah inuuMadaxweynaha Somaliland ka dacweynayo maxkamada aduunka.

Mida kale miyaanu ogeyn in wadankii loo yiqiin Somaliaaay wixii kala burburiyeyba aay ahayd dagaalo sokeeye, oo welina aay ka socdaan Somalia, Puntland iyo Somaliland, oo intuba aay weli la dagaalamayaan jabhadi iyo mucaarad iyaga dhexdooda ka dhex abuurmay.  Waxaan kaloo u sheegi lahaa ‘’kan ina maxkamad la raadsade madaxweyne Somaliland’’ inaanu wakhtiga iskaga lumin dadbaa doorasho laga khaayimay oo dabadeedna markay gadoodeen rasaas lagu furay aay ku dhinteen dozens of misguided young people.  Waayo wax macquul ah oo sheegaya in dadkan ogaan loo laayey iyo in qabiil ahaan loo laayey ma aysan jirin, kaba darane dadkan uu sheegayo inay rasaas lagu furay aay qaar ku dhinteen, miyaanu ogeyn inaay iayaga laftoodu rasaas iyo hub kale u isticmaaleen police iyo nabad sugida wadanka, oo iyaga laftooda dhaawac iyo khasaare soo gaadhay.  Mida kale mudaharaadka laftiisu uu ahaa mid illegal ah, bal horta yaa u fasaxay ciyaalkan qoryaha iyo dhagxaanta loo soo dhiibay.

Malaa lama socdo kan waxan ku sheekeynayey waxa ka dhacaya wadamada aay ka midka yihiin Israel, Bahrain, Iran, Dubai, Ethiopia, Kenya, Somalia, Puntland, India, Pakistan, China, USA, UK, iyo kuwa kale oo badan, aay intaba mudaharaad isugu jira dhaawac iyo dhimasho aay ka dhaceen, kana dhici doonaan weligood.  Aqoon laawoow, ma waxaad u malaysay madaxweyne Million plus aay doorteen, oo aay ka danbeeyaan powerful oil companies, as well as United Kingdom and USA, inay u joojinayaan Amnesty International iyo kuwa ka sareeya toona.  Malaa waad ka indha xidhantahay inay aduunka xukumaan wadamo gooniya oo meshii dantoodu ugu jirto aan fara gelin, dictators aad sheegayso ee aad leedahay wadamo ayaa laga tuuray, iyo maxkamado ayaa lala tiigsadayna, aan kuu sheegee markii horeba may ahayn dad taageersan wadamada aduunka xukuma, oo weligoodba xasiloon la’aanta aduunka iyo terrorism ayay support gareen jireen.  Hadii cid maxkamad la soo taagi lahaana Meles Zenawi , Netanyahu iyo Gulf state rulers ayaa la soo taagi lahaa.  Waxaanse kuu sheegayaa inaad adiga laftaadu tahay anti Somaliland, maxkamadna aay ku sugayso inaad ka mid ahayd dadkii qaska iyo dhibaatada wadanka ka abuubula wadanka dibadiisa.  Markaa bal aynu eegno adiga laftaadu waxaad kaga bixi lahayd maxkamada kugu sugaysa Somaliland, hadii dawladan iminka jirtaa is bedesho iyo hadii kalaba.

Dadkan rebellious ka ahna ha ogaadeen in wadanka aanay burburin Karin, waayo intayada u soo dhimatay ee u soo samirtay ayaa garanaysa qiimaha nabada iyo gooni siu taaga Somaliland wuxuu yahay.  Hadii aad rabshadahan aad joojin weydaana waxaad ku danbeyneysaan  sharciga wadanka oo laydinla tiigsado.  Markaa haka yaabina in dad minority ah, oo caadifaad qabaail ka xooog badatay inay wadanka naga qasaan ama aay isku dayaan inaanu ku biirno cadowga Somaliland.  Anagu mar danbe yeeli mayno in Somaliweyn na gumaysto, amaba aan mar danbe qaxooti dib u noqono.  Laakiin idinku hadaad amarka dawlada qaadan weydaan, woloow aad qalad u aragtaanba, waxaad ku danbeyn doontaan qaxooti,  iyo dad iska sooc idinka sucmad xumo idiin keenaysa.

Dawladu waa inay u cadaysaa dadkan caqliga xun ee wadanka wareerka ka wada inaan qabaiil wadanka xukumin ee qaran loo dhanyahay lagu maamulayo wadanka oo dhan, isla markaa waa inay ogaadaan in go’aanka dawladu uu final yahay, cidii ka soo horjeesatana in maxkamad la saari doono.  Dhinaca kale eek u saabasan mudahaarada sharci darada ah ee dadka fidnoolayaashu wadaan, waa in loo sheegaa inaan qof mudaharaadi karaa jirin, hadii aanay dalwadu u idmin.  Hadii loo idmana police ka ayaa u sheegaya xiliga iyo wadada aay marayaan iyo weliba xiliguu dhamaanayo.  Cidii markaa ku dhaqaaqda xad gudub mudaharaad, waa in policeku wax ka qabtaa oo maxkamada hala soo saaro maalinta ku xigta.  Waanay fiicnaan lahayd hadii policeku  u isticmalo qalabka iyo waxyaabaha lagula dagaalamo dadka rabshadaha ka sameeya magaalooyinka, koleyna wax aay dawladu ku talo jirto soo iibinta qalbkaas policeku u baahan yahay sida Tear gases iyo riot protection gear.

Sideedaba malaa dadka aqoon gaabka ahi waxay moodayaan in hadii wadanka lagu xukumo democracy in qof walbaaba wuxuu doono samaynayo.  waa inay fahmaan dadka reer Somaliland in isku xukunka democracy uu leeyahay shuruuco la raaco, oo isla markaa aan laga hor iman Karin qawaaniinta wadanka.  Waa layska fahmi karaa in weli dadku aanay dawladnimada fahansanayn, dawlada lafteeduna aay sii wadayso ama sii xoojinayso nidaamka maamulka democracy, markaa waxaa haboon in shicibka iyo dawladuba isu samraan oo fahan fiican labaduba la yimaadaan si wadanka nabadgelyo loogu maamulo.

Dawladana waxaan ka codsanaynaa inay dadka fidnada wada, ee sharciga wadanka ka soo horjeeda, aay sharciga la tiiksato, lana baryin oo marba odayaal loo dirin kala dhex gala, hadii kale lawless government dee waxay dhashaa uun lawless society.   Dadka reer Somalilandna qaar badan oo ka mid ahi sidoodaba waa dad qabyaalad iyo canaad iyo xasad u dhashay, markaa waxa keliya ee aay fahmayaan waa dawlad iyo nidaam adag oo lagala hor tago.  Runtii waa wax lala yaab leh, horta dadkani ma waxay doonayaan inaan cidi xukumin, oo go’aanka dawladu soo saarto aanay ku qancin. Miyaanay rumaysnayn in maxkamadu aay tahay sharciga ugu sareeya ee wadanku leeyahay, madaxweynaha iyo dawladuna aay tahay elected legislative body, oo markaa loogu tala galay inay shuruucda u dejisa wadanka.  Anigu waxaan rumaysanahay in waxan oo qas iyo qalalaase ah aay dawladu isugu wacan tahay, madaama aay sharci qabta dadkan indhaha la’a aay u samayn weydey, amaba hadii aay hore u jireen aanay sidii loogu tala galay u istcimaalin.  Saxaafada qaarkood waxaabay u dhaqmayeen sidii wadanka laga xoreynayo cadow debada inooga yimi oo ina haysta, halkaas oo aay ka si fidiyeen daacaydo iyo fidnooyin wadanka qabyaalad lagu kala goynayo.  Runtiina saxaafada iyo warbaahinta qaarkood waxaabay ku dhaqaaqeen wax iyaga gelinaysa treason aay wadanka kaga soo horjeedaan midnimadiisa iyo jiritaankiisa, oo markaa aay ku wiiqayaan nabada iyo wanaaga lagaga ictiraafsan yahay aduunka.

Waxaan ku soo gabagbaynayaa wadanka shicibku ma xukumaan, ee dawladaa wadanka xukunta oo sharciga u samaysa.  Waxaan kaloo kula talinayaa xukuumada in aay sharciga la tiiksato cid kasta oo isku dayda inay qabyaalad ama hate speech ka samayso wadanka dhexdiisa iyo dibadiisaba.  Khaasatan kuwa warbaahinta isku sheega ee debadaha ku nool, ee dhibaatada wadanka u horseedaya.  Waan  in dawladu gelisaa saxaafada qaarkood ‘’ black list or personal non gruantee’’, oo absent ahaan lagu xukumo.  Caqli xumaantooda dadka qaarbaa moodaya in hadii xisbiga wadanka maamula lagala wareego xukunka in la saamaxayo ama aay wadanka ku soo noqonyaan oon cidina aanay xidhi Karin.  Sharci waa sharci, dawladu haday is bedesho iyo hadii kalaba sharcigu wuu ku qabanayaa.  Waayo dee sharciga markiisii horeba looma samayn xisbi gooniya, ee waa xukunka lagu kala baxo ee aay ansixiyeen barlamaanka wadanku.

Iminka wiigan waxan iyana maqlayey guutada 93 ee aaga Xiingalool oo video iska soo duubay, oo dhinacna dawlada iyo militariga ka cabanayaa in xuquuqdoodii la duudsiyey, dhinacna aay ka hanjabayaan hadii aan wax laga qaban waxay ka cabanayaan in aay xidhiidhka iyaga iyo ciidamada ka dhaxayso la waayi doono

.  Markaa bal iyagu ma ciidan qaranbaa mise waa militia rebel ah, oo aan amar ka qaadan madaxda ciidanka qaranka, se miyaanay jirin nidaam loo raaco haday wax tabanayaan.  Yaa awooda siiyey inay saxaafada la hadlaan amaba aay dawlada u hanjabaan.  Runtii waxaan kula talin lahaa wasiirka ciidamada inuu ka eryo askartaa iyo taliyahoodaba waxaa ku hadlaya, iyagoo metalayo ciidamada qaranka wadanka.  Waayo waxay la yimaadeen mucaaradnimo ciidan, waaba yaabe dadkan miyaan la barin waxay odhan karaan iyo waxay awooda u leeyihiin, iyo nidaamka loo raaco cabashadooda iyo waxay rabaan in loo qabto.

Waxaan kaloo doonayaa inaan ka hadlo kuwa wadanka qaladka ka fahmey eek u saabsan mucaaradnimadu waxay tahay.  Mucaaradka iyo muxaafidkuba dalka waa inay danihiisa ka shaqeeyaan, oo aanay sheekadu noqon in cadowtinimo iyo weerar maalin kasta ah ka kala dhex dhicin.  Kuwa mucaaradnimada qaladka ka fahmey waxaa fiican bal inay u kuur galaan aduunka mucaaradkiisu sida ay u shaqeeyaan iyo waxa role koodu yahay inay ka hadlaan.  Markay hadlayaana inaanay sheekada maqaaxiyaha aanay kula hadlin dawlada, ee si nidaamsan oo ixtiraam ku jiro aay waxay dawlada weydiinayaan uga hadlaan.  For example, waxay ka hadli karaan dhaqaalaha wadanka iyo miisaaniyada wadanka haday hoos u dhacday, infrastructure wadanka, sida wadooyinka iyo airportada, education iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, amaba caafimaadka iyo dhakhaatiirta wadanka iyo wixii la mid ah.  Mucaaradka meelahaa ka qayliyaa waxa keliya ee aay yaqaaniin waxaa weeye musuqmaasuq ayaa jira iyo wadanka qalalaase ayaa dawladu ka wadaa, oo aanay wax cadayn ah u hayn.

Sababtaas ayaa keentay iminka in kuwii sheekadaa gaaban dadka ugu sheekeyn jirey, aay iminka mucaarad ku noqdeen mucaaradka laftoodii, oo aay leeyihiin dawlada ma caayayaan sidaan anagu wax uga sheegno, oo markaa aay ku andacoonayaan hadii aanay taasi jirin inaan xisbi aanu noqon Karin mucaarad dhab ah.  Arintan noocan ahi iminka waxay saamaysey xisbiga Waddani oo dadka caqli gaabka ahi aay leeyihiin maxay warar xun xun uga sheegi waayeen xisbiga talada wadanka haya ee Kulmiye.   Miyaanay ogeyn in mucaaradka iyo muxaafadku aay danaha wadanka u wada shaqayn, oo waxna isku diidi karaan, waxna isku raaci karaan, iyagoon dagaal iyo xag xagasho toona ka dhex dhicin.   Runtii anigu waxaan rumaysanahay hadii aanay Waddani nidaamkooda wanaagsan ku soo jaanqaadin inaanay kalsoonida wadanka oo dhan kasban lahayn.  Waddani waa xisbi sida Kulmiye dad aqoon iyo waayo arag ahi aay hogaaminayaan, oo in badan isu soo diyaarinayey inay wadanka xukumaan, halka aay kuwa kale marna dawlada ku shimbiro waaqleynayeen, marna iyagu aay cunaha is haysteen.  Iminkana siday siyaasada wadanku ku socotona, Kulmiye iyo Waddani ayuunbaa noqday labada xisbi ee ugu awooda badan wadanka.  Ilaa 50 yearska soo socdana iyaguunbaa wadanka maamulaya, oo lagana yaabo inay sidaa ku taaba qadaan weligoodba sida xisbiyada Democrats iyo republican ee maraykanka, amaba Labour iyo conservative ka dhisan wadanka UK.

Somalidaa ku maahmaahda ‘’Habar fadhida legdintu wax uga fudud’’, waxan ugala jeedaa dawladnimadu iyo u talinta wadanku fudayd iyo ciyaar ciyaar maaha, markaa kuwa moodaya inay iyagu awood leeyihiin, oo dawlada wax ku khasbi karaan, bal taariikhdii islaamka iyo aduunka hasoo akhristeen.  Aduunkan aad arkayso oo dhan feedh iyo laad ayaa lagu wadaa, xitaa wadamada hora u maray, shicib lala baryo inay qawaaniinta u hogaansamaan ma jirt.   Haday kuwa caqli laawayaasha iyo iimaan laawayaasha ahi aay ogaan lahaayeen xaalada uu wadankeenu ku jiro wakhtigan xaadirka ah waay ka waantoobi lahaayeen fidnada aay wadaan.  Wadanka jiritaankiisii ayaaba maanta ceeryaamo ku dhex jira sidii loo aqoonsan lahaa, kuwan caqlilaawayaasha ahina waxaay ku murmayaan anagaa magaalo hebla u badan oo u dooranayna cidaan doono, oo dawladu ciday u magacowdo magaaladayada ma aqbalayno.  Bal caqli xumadooda hadii aanay dawladu u magacaabin badhasaab aay ku kalsoon yihiin, amaba aanu ka codsan dawladaha hoose ee wadanka inay ka qayb geliyaan shaqooyinka dawladaha hoose dadka laga tirade badan yahay, sow musuqmaasuq majority iyo xaqdaro ku habsan mayso gobolkaa reer beeleedku isku biirsadaan.

Dabcan dawladu lafteeduna waa inay dawlada hoose waxay  u madax banaan tahay inaya faraha uga qaadaan cida aay u doortaan, hadii aanay jirin qofka aay u dorteen jagada inuu wax denbiya ka galay wadanka iyo degaankaba.    malaa dadka qaarkii waxay isku qaldayaan sharciga wadanka iyo kuwa wadamada kale, waayo wadamada aduunka ee dimuqraadiga ah waxaa jira waxyaabo dhinacyada shuruucda ah oo aynu iskaga mid nahay iyo waxyaabo kale oo aynaan iskaga mid ahayn, amaba iskaga noqon doonin marnaba.  Markaa bal horta sharciga wadanka dadku ha akhristeen waxa madaxweynahu awooda u leeyahay iyo waxaanu awooda u lahayn.

Runtiina Reer Somaliland iminkaay saani isu baranayaan, laakiin shaksi ahaan waxaan odhan lahaa qolyihiina reer galbeedka  ah quuqdiinii iyo mucaaradnimadiina ayaa badataye ee kala doorta in aynu dagaal iyo rabshado ku jirno weligeenba iyo inaad xasiloonaan ku noolaataan wadanka.

Miyaaydaan ahayn kuwii shalay aay xukumi jireen cadowgii ummadu, miyaad juuq odhan jirteen, bal iminka oo aad xoriyad ku nooshihiin maxaa idin waalay.   Qaarna waxaabay u barooranayaan kuwii wadankooda burburiyey, ee maskaxdoodii iyo maankoodiiba gumaystey.  Kaba sii darane waxaabay ku barooranyaan inay dawladii Siyaad Barre, Gaani, Morgan, iyo Maslax siyaad aay u darsadeen taliskii macangaga ahaa ee wadanka ka jiri jirey.   Kabasii darane hadana waxay doonayaan inay wadankooda Somaliland burburiyaan amaba dib ugu celyaan Somaliweyn.   Kaba sii darane qabyaaladii haklay la gaadhay waxay leeyihiin dawladani waa tii siyaad Barre ee aanu ridney oo kale, oo iyana waanu ridaynaa, maxaa yeelay wadankii waxaa xukuma Mareexeen cusub oo la yidhaahdo Habarjeclo  iyo huwan isaaq ah.   Iyadoo wasiirada la shaqeeya madaxweynaha iyo qaar ka mid caailadiisa aay ku sheegayaa Morgan iyo Gaani.

Bal adigu waa taase qolooyin ilaahay rogayo ka shekee, marna dawladii siyaad Barre ayay u barooranyaan, iminkana tan Somaliland ayay doonayan inay burburiyaan.  Waxaan la masaali lahaa kuwa mucaaradada ku ah xukunka madaxweynaha iyo xisbiga Kulmiye kuwii Sayid Muhamed Abdulla Hassan uu ku odhan jirey, ‘’Waar anigu juru juridiina waxba ka fahmi maayee, aan berito af-islaam iyo af-gaalo midkood iidinku imaado’’,  Markaa waxaan idin leenahay qolyihiina galbeedka  xasarada, xasadka iyo xinka ka wadaa inaad noola timaadaan hadal aanu idinku fahano inaad reer Somaliland loyal u tihiin iyo inaad Somaliweyn u guurtaan, ileyn dhulku idinla guuri maayee.

Dawladan maanta jirta shicibka intooda badan ayaa ku kalsoon oo dooratay, oo weliba ku taageersan wax alaale iyo wixii aay ku sugayso nabada iyo jiritaanka Somaliland, hadaad ka raali tihiin iyo hadii kalaba.   Madaxweyne Siilaanyo iyo kuwa kula jira xisbigiisa ee talada wadanka la wadaana sharaf iyo karaamo ayay shicibka reer Somaliland ka mudan yihiin, waayo waa halyeeyadii qaranka u aabaha.  Hadaanu nahay Shicibka reer Somalilandna waxaanu siinay dawalda iminka jirta ‘’the full license to do whatever they want’’, sababtoo ah iyagaa markii horeba xoriyadan noo keenay ilaahay ka sokow.   In badan oo kuwiinan mucaaradka ahina markaad shalay basaasiinta ummada iyo wax ma tarayaasha ahaydeen, anagaa maal iyo nafba kula garab taagnayn markay hogaanka jabhada SNM noo hayeen madaxdan qiimaha leh ee iminka aad xag xaganaysaan sidaad tihiin dhoocil yar oo cadhootay.

Hadalkayga waxaan ku soo xidhayaa, Ilaahay (swt), ayaa quraankiisa ku yidhi adeeca Ilaahay iyo rasuulkiisa iyo kuwiina ulul amarka ah ee xukunka idiin haya, waayo ilaahay wuu ogaa in aay dad madax adag iyo kuwo munaafiqiin ahba aay ku dhex jiraan ummadiisa.  Ilaa xiligii Nebigeenu uu dhex joogay ummadii loo soo dirayna sidaasbuu ugula jirey dagaal iyo wacdi uu ku waday Muslimiinta, munaafiqiinta  iyo kufaarta, isagoo weliba cadaalad ku waday.  Bal maxaad u malaynaysaa dadkeena qaar ka mid ah, oo weli casabiyadii jaahilnimada iyo qabaailadu ka indha sabtay danaha guud ee ummada ee islaaxa lagu gaadhayo.  Beelaha qaarkoodna runtii waxaad moodaa in aanay cid hagta lahayn oo ka masuul ah, oo aay ka amar qaataan, markaa sideebay dawladana uga amar qaadanayaan waaba yaabe.  Hadii caaqilkii reerkooda aan waxba laga dhegeysanayn, amaba uu la caqli yahay kuwa wax goconaya ee suuqa maraya, sideebaa markaa wax ugu hagaagayaan, ama ummada wax ula qaybsan karayaan.  Waxaan ku soo gunaanadayaa hadalkayga waar ilaahay ka baqa iimaanlaawayaal yahow, oo fahma danta guud ee ummada.   Kursi iyo xisbi reerkiina ka lumayna amaba xitaa laga qaadayba haku burburin wanaaga iyo faaidada ka badan ee ummadu haysato, amaba reerkiinu haysto, ee nabad, baayacmushtar iyo tacliin ubadkiina ah aay ka mid tahay.  Ilaahayna hayna soo hadeeyo dhamaanteen.

Ali Dhinbiil

Political Analyst