Waa Su’aal Da’weynoo Madaxa daalinayse, Hadii dabku dhaxamoodo maxaa lagu diiriyaa? Jawaab?…Xukuumada Soomaaliland waxii lagu dabiibi dadweynahaa laweydiin!!!

Hadal iyo murtiba umada Af-Soomaaliga ku hadashaa hore ayey u dhamaysay.. waxaa jiri jirey nadaam iyo hab dhaqan aynu kusoo caano maalnay, kaasoo ahaa mid labadii isqabta/dirirta lagu kala saaro umadna haga oo hogaansha. Waxaa jirey xeeran laqadariyo (kuwaas weli qaar jiraan), waxaa jirey maamul wanaagsan oo gaadhsiisan heer degaan ilaa heer qoys,  lagu wada daaqo oo dhidibka qoysku ku taagnaa. Rag iyo dumar howshu u kala soocneyd. Waxaa jiri jirtey xidhiidh umada ka dhexeeyey  iyo warbaahin quman iyo tallo wadaag.

Waxaa jirey salaadiin (yar oo tayo leh) , cuqaal, odayaasha beesha, ka qoys oo dhamaantood imaanqabey daacadna u ahaa beesha, reerka iyo dhamaan waxii la halmaalaba. Waxaa jirey xil dheeri ah oo markasta ninku iska saari jirey dad iyo duunyaba, gaar ahaan reerkiisa. Ragu way kala soocnaayeen, marka waagu beryana nin walba howl ayuu ku foofi jirey, hadii aan howl gaar ah markaa aanay jirina ninka raga ahi waxaa lagu yaqaaney inuu sahan tago ama wardoon tago oo xaga tuulada u dhaqaaqo, marka laga reerbo qolqoljooga aan isagu kambalka dhaafin sugana inta ciirta islaamuhu lulayaan kadibna geed hadh macaan lac yidhaa ilaa hadhimada laga gaadhayo.

Deegaan kasta raga ku nool waa lakala yaqaaney waxayna kala ahaayeen sidan:.   Nin hiil leh oo laga baqo hashiisha… Nin ooleh oo aan marti hagar ka gelin, gurigiisa habaqluu isku soo haleeyo, xayntiisa quudha,  hor ilaahay geesta oo lama hure ah iyo mid la yidhaa waar gurigii be dab inooma shidaayee ina dhaafiya oo bakhayl ku caanbaxay.      Nin himilada hilin toosa mariyoo hir markii lagaadhaba kulabaad hilaacsha, hagga maantida oo beeshu higto.. Nin hoogiyo ka hortaga dagaalka, dabka hura baqtiiyo, garta hubinyaqaanoo, xaqqa hoos u eegoo, halistiyo colaadaa ku hogoogto dhiigoo, dadka kala hagaajoo, kalahage halyey ah

Barwaaqadu iyo cadaaladu waqtigan maanta ah aad bay uga sareysay, denbiga iyo dulmigu ka maanta aad buu uga hoseeyey.. Waqatigaa sugaanta ayaa ahayd  skuulada dhalaanka, warbaahinta, sadaasha mustaqbalka, dardaarka, wacyigelinta bulshada, farxada iyo damaashaadka, ka hadalka sansaan colaaded, sifeynta halyeyga( geesiga), deeqsiga, maangaabka, nacaska iyo waxii lamid ah.

Habada gumeystihii  reer galbeedka ka dib ayaa waxaa bilaabmay isbedel, se gaabis ahaa oo aan saameyn weyn inagu yeelan… Colonial ama gumeystihii markii uu kabaxay dalalkii uu gumaysanjirey waxaa uu bilaabay gumaysi xaga maskaxda ah oo aad moodo inuu hadaa laba jibaarmay, sida muuqata 10kii sano ee udanbeeyey ay soo celiyeen wadamada reer galbeedku gumaysigii muquuniska ahaa (Colonial is an outside force coming into a country, destroying and uprooting the culture and people, with the main goal being the extraction of resources for the gain of the ‘mother’ country.”

Waayadan danbe hadaba waxaa muuqda oo lamooda in aynu galney waqti mugdi iyo dayowba leh, Waxaa isweydiin hadaba leh xalku waa maxay?   Xalka ka hor horta waa inaynu helnaa mushkiladu waxay tahay…    Markii aan maskaxda xafuujiyey, dhankasta ka eegay, waxaan ku turaanturoodey oo aan jawaabtii iyo halka ay wax ka qaldanyihiinba ka helay sugaanteena. Bal midhan akhristow dhuux oo ila dhadhami dhafoorkey itaabteene.

Heestani waxay ku bilaabmaysaa sidan:-

Durdurkaa kaa laga cabaaa…biyiis lagu dabaashaa, haddu  haraad dareemo darkee laga waraabshaa? Waa tilmaan ladaahoo deg deg kuma haboonee…

Jawaab: Ruux aduunyo haysta, dahabkana barkanaya, wixiisi deeqi waayeen, durdur oomay weeye…

Waa suaal daweynoo madaxdaalinayse.. darkii laga waaraabin dadweynahaa laweydiin.

Hadaba dalkeenu waa hodan, bad iyo beriba waa hodan, aduunyo waa buux, dahab, macdan, batrol iyo maskaxba waynu barkanay marka loo eego  waqtigii hore ee  kor aan ku sifeeyey ee caana ladaadinjirey barwaaqo owgeed, aqoon weynu dheer maanta, dhaqaale ahaan waynu ka dhaqaale ybadaney maanta, dowlad 60kii ka hor may jirin…hadaba waxeeni miyey ina deeqiwayeen, waa maxayse sababtu?  Mise maalmul xumo ayeynu la oomanay? Dadweynahaa la weydiin!

waxaa  inoogu wacan maamul xumida 22sano ina dulaysay?

Jawaab:siyaasiyiinta aan daacada ahayd, salaadiinta & odayaasha maanta jooga oo danayste u badatey.

……………………………………………………………………………………………

Qofkii cudurdilaayo dawodaa bogsisee…haday dawo bukooto maxaa lagu dabiibaa… Waa tilmaan ladaahoo deg deg kuma haboonee…

Jawaab:  Dalaalimada diinta iyo distoorka iyo xeerka… hadii dabool lasaaro dawo buukootey weeye.     Waa suaal daweynoo madaxdaalinayse..  waxii lagu dabiibi dadweynaha laweydiin!

Gudoomiyaha iyo golihii sharci dejinta oo ahaa markaa xukuumadu bukooto kuwii daweylaa  ayaa bukoodey, iyo weliba Odayaasha (Golihii Guurtida) iyo aqoontii Somaliland (qabyaaladi kala qoqobtey) oo iyana daawo u baahan.

………………………………………………………………………………………..

Subaga dufankiisa dadku ku dhaashadaan, haddii dufan basaaso maxaa duxdii ka qaadey? Waa tilmaan ladaahoo deg deg kuma haboonee….

Binu aadam cadaalad baa deeqda, hadii ummadi maamul doorato, maamulkasina cadaalad laga waayo subag bilaadufana weeyaan, markaa xukuumada maanta sikasta oo afar qof ugu dhaashtaan waxay noqotey maamulka bilaa dufan ah oo umaddii ka basaastey.

Dockastoo la eego nolosha dunidu waa dabkee, haddii dabkii dhaxamoodo, waxaa lagu diirinayaa?

Jawaab? Ruux haddii ladoorto oo darajadii lasaarey iyo xilkii uu daryeeliwaayo , dab dhaxamooday weeyaan..waxii lagu diirinlahaa dad weynahaa laweydiin.  M/weyne Silaayo oo loo hanwenaa inuu noqdey dab dhaxamoodey cidna kama qorsoona laakiin waxii lagu diirin lahaa tallow maxay noqon? Ma Gole toosin taa, doorasho deg deg ah baa, mise dalku dhaxantaa haku jiro miyaa inta uu waqtigiisa ka dhamaysanaayo???

Dulmi kii daahaya eebaa arkaayee

Uurka kii dedaya Allaa kaga sareeyee

Isha kii dabaaya uunkaa arkeyee

Axdigii ma aamine umadeena maahee

Hayee shee Allow samir  iishe maba hungoobee.

Da weyn way ogsoonayd arinkiisa odeygee

Hadii aad ilowdey waa ku aladee dee

Ka adkow naftaadaan hoossugu sheegaa

Maxaan aamusnaadaa ama aan adkeysta

Odey afar iridooley laga soo abuuraa

Arligii rogaayeee

Aduun iyo laxaad iyo hadii aanan itaal hayn

amiinta ducadiyo alle bariga uun badi

eed maleh dhalintuye

 weynaan aqoonnin aaminta ducaduun inooga adkaada.

Hayeeshee aqoon silaayo waa lagu ogsoonaa

Inuu beelahdee ooda uu usii rogee

Muhamad Jama Koodbuur (Shiine)

London