“Waa runtiinna oo bari baanu isku tanaasuli jirnee, Cirro iyo Muuse ayaan go’aanka iyo talada goyn jirin… labadan nin Qur’aanka in la saaraa weeyi” – Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa faahfaahin ka bixiyey Jewiga uu ku soo dhammaaday kulamo shalay ilaa xalay magaalada Hargeysa uga socday wakiillo ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Somaliland oo Isku mari qodobbo ka mid ah tiir-dhexaadka qabsoomidda doorashooyinka la qorsheeyey daba-yaaqada sannadkan inay ka qabsoomaan dalka.

 

 

Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, Waddani iyo Kulmiye, ayaa markii u horeysay shalay in muddo Isku soo hor-fadhiistay wada-hadallo xal loogu raadinayo muranno siyaasadeed laysku mari waayey oo muddooyinkii u dambeeyey hadheedhay doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada, iyadoo fadhiga shalay uu ku soo biiray xisbiga Mucaaradka ee WADDANI oo dib-joog ka ahaa geeddi-socodka diyaar-garowga doorashooyinka sababo la xidhiidha xisbiga oo qaaddacay inuu ka qayb-qaato doorashada sababo la xidhiidha xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo xisbigu kalsooni-darro ka muujiyey soona jeediyey in gebi ahaantooda la beddelo, tirada xubnaha Komishanka oo Toddoba ahna laga dhigo 9 xubnood.

 

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in ilaa hadda laysku mari la’ yahay qodobka guddiga doorashooyinka, go’aan ka gaadhistiisuna ku xidhan tahay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo uu labadoodaba ugu baaqay inay isu-tanaasul sameeyaan. Faysal Cali Waraabe waxa uu kaga dhawaajiyey in beesha Caalamku dareen ka qabto go’aan ka gaadhis la’aanta khilaafka hadheeyey doorashooyinka. 

 

“Barigii dhawayd ee aanu tagnay Kenya, waxa lanagu yidhi, ‘Waar waad isu tanaasuli jirteene, maxaa idinku dhacay?’ Waxaanu nidhi waa runtiin oo bari baanu isku tanaasuli jirnee, Cirro iyo Muuse ayaan go’aanka iyo talada goyn jirin. Markaa labadaa nin baa maanta taladii gooyoo, labadii nin baanu fahmi kari weynay baanu ku nidhi,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

 

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxan imika laysku hayaana waxa weeyaan ma todobaan ka dhignaa mise Sagaal, markaa labadoodii baan midna tanaasuuleyn. Markaa xalku wuxuu noqonayaa ciddii doorashada wadda, annaga doorasho ayaa noo dan ah, doorashado hadday dhici weydana dalku wuxuu galayaa mugdi, beesha caalamku way innaga tagaysaa, innaguna waa kala tagaynaa.”

 

Guddoomiyaha oo la weydiiyey in labada dhinac heshiis ku yihiin kala-diriska Xubnaha Komishanka, waxa uu iftiimiyey inaan laysku raacsanayn kala diristooda ujeeddada guud ee laysku mari la’yahayna arrintaas salka ku hayso. 

 

Eng Faysal Cali Waraabe, waxa uu la hadlay Guddoomiye Cirro iyo Madaxweyne Muuse, “Markaa waa inaad soo ducaysaan, labadan nin ee Guddoomiyaha iyo Madaxweynahana Qur’aanka in la saaraa weeyi, danta guud inay eegaan weeyi oo waxa innagu hareeraysan eegaan oo in midkood tanaasulo.” Sidaas ayuu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta magaalada Hargeysa kula hadlay qaybo ka mid ah saxaafadda dalka.

 

somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net