“Waa qalad in isku mar doorashadu ka dhacdo Somaliland iyo Soomaaliya, Komishankuna kamuu fiirsan waqtiga uu cayimay”

VLUU L100, M100 / Samsung L100, M100

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise oo ka mid ah   golaha wakiiladda Somaliland ayaa  ku tilmaamay  inay qalad tahay in Komishanka doorashooyinka u cayimo in doorashooyinka madaxtooyadda iyo golaha wakiiladdu qabsoomaan sanadka 2016 oo ay dhacayso doorashadda Soomaaliya.

VLUU L100, M100  / Samsung L100, M100
VLUU L100, M100 / Samsung L100, M100

Waxaanu sheegay in ay lagama-maarmaan tahay in la kala leexiyo mudadda la qorsheeyay in ay dhacaan doorashooyinka Somaliland iyo ta maamulka Xamar oo la sheegay in ay ku beegan tahay sanadka 2016-ka. waxaanu sidoo kale  sheegay in golaha guurtidu awood u leeyahay inay qiimeeyaan wakhtiga ay ku qabsoomi karaan doorashooyinka.

Xildhibaan Maxamed Xuseen oo shalay  magaaladda Hargaysa ugu  waramay  qaar ka mid ah warbaahinta,  ayaa   u soo jeediyay   golaha guurtida inay kala duwan wakhtiga ay qabsoomayaan doorashooyinka Somaliland iyo Somalia, maadaama oo aynu kala nahay laba dal.

“Golaha guurtida ayaa awood u leh inay qiimeeyaan wakhtiga lagu qaban karo doorashooyinka, dastuurka ayaana awood u siiyay Komishanka doorashooyinkuna talo ayuu soo jeediyay oo wuxuu yidhi muddo hal sano ah ayaan ku qaban karnaa doorashooyinka, markaa waa in golaha guurtida la qiimeeyaan  sanadkaa in Komishanku doorashooyinka doorashadda ku qaban karo iyo in ay ka badnaan karto iyagoo duruufo badan eegaya” ayuu yidhi xildhibaanku.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi   “Waxaa  jirta, oo iyadna taasi  ka daran Soomaaliya  waxa doorashadda ka dhacaysaa 2016, waana qalad in isku mar doorashaddu ka dhacdo Somaliland iyo Soomaaliya.

Waana  in la kala duwaa Komishankuna halkaa kamay fiirsan waxaanan leeyahay guurtidu  waa inay dhaafiso doorashadda Somaliland wakhtiga doorashadda Soomaaliya oo isku mid ma nihin Soomaaliya.

Waanay  ku degdegeen Komishanka wakhtiga ay doorashadda u cayimeen guurtida ayaanan ka sugaynaa wakhtiga doorashadda dhacaysa”.

 

Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Xuseen waxa   uu sheegay inay weli  qabyo yihiin xeerarkii  lagu soo dooran lahaa  goleyaasha wakiiladda,  guurtida iyo kala  xadayntii gobolada iyo degmooyinka dalka.  Waxaanu  tilmaamay  in arrintaasi  saamayn ku  yeelanayso doorashadda.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa  uu yidhi “Waa qabyo xeerkii lagu soo dooran lahaa golaha wakiiladda iyo guurtida, waxa kale oo qabyo ah kala xadayntii gobolada iyo degmooyinka dalka oo gobolo cusub ayaa la magacaabay oo lama garanayo in doorashaddu ka dhacayso iyo in kale, saamayn ayaanay ku yeelanayaan  doorashadda waxyaabahaas oo dhami”.

Somalilandpost.net