Waa maxay weedha wanaagsan?

Waxaa mahad iska leh Ilaahay waxaana mahad iyo ammaani u sugnaatay hoggaamiyahayga, macallinkayga,sayidkayga, Nebi Muxamed(Nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) Hooyooyinkii Muuminiinta iyo intii ku raacday wanaaga.

Maqaalkaygani kooban waxa uu ku saabsanyahay ilaalinta weedhaha ka soo baxa afka, siduu doonaba ha noqdee ama ha loo badalo qoraale, danta aan ka leeyahayna Ilaahay waa ogyahay isagaanan talo saartay adduun iyo aakhiraba.

Waa maxay weedha wanaagsan?

Weedha wanaagsan waa eray la yidhi si loo meel mariyo waxaasi la yidhi, raadna loogu reebo qofka lagu yidhi, iyadoo danta ka danbaysaana ay tahay taakulaynta maskaxda, ruuxda iyo naftaba.
Weedha wanaagsan sida ay aayadda aynu sharxi doono ku timid waa Tawxiidka(qiritaanka la qiro in Ilaahay mooyee Ilaah kaloo xaq lagu caabudaa aanu jirin) dabadeedna loo badalo ficil oo laga arko xubnaha iyo jidhka.
weedha wanaagsan waa sadaqad socota, waxay ka soo baxdaa qalbi caafimaad qaba, waana mid waxtaraysa meel walba oo laga sheego, waana ta ay ummaddu maanta tabayso inay maqasho oo ay ku caano maasho, waa weedh si sahal ah u soo baxaysa oo aan kaaga baahnayn tamar iyo taag farabadan, balse toosinaysa oo turxaanbixinaysa qof si khaldan wax u waday amaba u aaminsanaa, taageeraysa oo taakulaynaysa waliba dhiirigalinaysa mid wanaagsan oo waxqabad muuqda la yimid.
waxaynu akhrisannaa maalin walba maqaalo ka badan malaayiin oo ay soo qorayaan qorayaal fara badan, iyadoo qoraa kastaba waxa niyadiisa ku jira uu Ilaahay uuni ogyahay, haddii aad u fiirsato qoraaladeena dhamaantood waxaa kuu soo bixi in badhkood ay yihiin dhaleecayn iyo aflagaado qof, qoys, ama qaran loo gaysanayo, iyadoo badankeeda loo qorayo cadho iyo nacayb loo qabo qofka,qoyska ama qarankaba, laga yaabaa inay dadka qaar yidhaahdaan oo haddii aan la toosinayn dadka maxaa la samayn? Aniga oo aan walaalo kuu diidanayn in la toosiyo qofka hadana waxaa habboon in sida uga wanaagsan aad u toosiso qofka marka hore la kulan oo si qarsoodi ah ugu sheeg inuu waxaasi iska daayo dabadeedna dhawr qof oo aad garanayso u soo kaxee si ay kuula arkaan intaas ka dib haddii uu wax ku qaadan waayo waa ay ku bannaantahay
weedha wanaagsani waxay la mid tahay xabad hadhuudh ah oo lagu tuuray dhul carradiisa iyo ciidiisuba ay ku wanaagsantahay beeritaanka oo ay ka baxday, waana sadaqad sida uu inoo tilmaamay Nebigeenii(nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee)
weedha wanaagsani waxay noqon kartaa, maqaal la qoray iyo khudbad la jeediyayba,
weedhaa wanaagsan waxaa tusaale wanaagsan ka bixiyay Ilaaha dunida iska leh waxa uu ku yidhi kitaabkiisa sharafta leh ((Miyaanad ogayn sida uu Ilaahay uga yeelay Tusaale kalimada/Erayga(weedha) wanaagsan sida geed wanaagsan oo xididadiisu dhulka ku suganyihiin, Laamihiisuna samada(xaga sare jiraan) # oo siisa(bixisa) cunnadeedu wakhti kasta idanka Eebaheed dartiis, wuxuu Eebe u yeelaa tusaalayaal si ay dadku u waantoobaan )) #
si aynu u ogaano macnaha iyo mugga ku jira aayada aynu soo amaahano tafsiirka(Mafaatiixul Qayb) uu leeyahay imaamka la yidhaah Fakhri Raazi, waxa uu yidhi isagoo fasiraya:
haddaynu dul istaagno sifooyinka loogu shabahay geedka ee aan aayadana ka qaadanaynaa waa afar arrimood
Sifada koowaad waa inay wanaagsantahay, wanaagaasina waxa uu noqon karaa
1. Inay wanaagsantahay marka loo eego araga, muuqa iyo qaabkaba
2. Inay urteedu wanaagsantahay
3. In midhaheedu yihiin kuwa wanaagsan
4. In ay wanaagsanyihiin marka loo eego dhanka waxtarka
Sifada labaadna waa hadalka Ilaahay uu ku sheegay ((xididadiisu dhulka ku suganyihiin)) iyadoo loo jeedo in aanay liicliicayn oo aanay soo go,ayn balse ay sugantahay oo ay adagtahay.
Sifada saddexaadna waa hadalka Ilaahay ee odhanaya (Laamihiisuna samada(xaga sare jiraan) sifayntaa lagu sifeeyay geedkaasi waxay ku tusaysaa laba arrimood
Ta koowaad: kor u kaca laamaheeda iyo awoodeedu ay kor u baxeen waxay ku tusaysaa in asalkeedu(salkeedu) suganyahay
Ta labaad: markastooy is qabsato oo ay korukacaan waxay noqonaysaa mid ka fog dhulka
Sifada Afaraadna waa hadalka Ilaahay ee odhanaya (oo siisa(bixisa) cunnadeedu wakhti kasta idanka Eebaheed dartiis) waxa loo jeedaana waa in midhaheedu ay goor iyo goobkastaba ay jirayaan waligood.
Waxaanan ognahay in doonitaanka la doonayo geedka sidaa u fiican ay tahay doonid wayn.
Arrintaasina waxay inoo caddaynaysaa sifooyinka ay leedahay weedha wanaagsani ee ah inay qurux badantahay oo ay wanaagsantahay marka la yidhaah, aanay dhibaato ugaysanayn dareenka dadka, qofna aanay ku xadgudbayn, ka dhagaysanayaa uu u hilloobayo inuu dhagaysto, qalbigiisana dajinaysa, sida ay u tahay mid aayotiin wanaagsan leh oo ka tagaysa raad wacan, iyadoo danta loo yidhina ay ahayd inay wax anfacdo maaha inay wax kala firdhiso, waxaasoo dhanna waxaa ka sii sarreeya inay sugantahay oo ay salka ku hayso Kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Rasuulka(naxariisi korkiisa ha ahaatee) iyadoo waliba ay laamaheedu u fidayso ilaa iyo samada maxaa yeelay waxay ka soo baxday qalbi iyo niyad saafi ah, manaafacaadkeeduna waxa uu u soconayaa si joogta ah, qof baa maqlaya markaasu ka faa,idayaa wuxuu u sii gudbinayaa dadkale markaasay ka sii faa,iidayaan ilaa ay kawada faa,idayaan khalqigoo idil, maxaana maanta uga baahi badan dadka wax u sheegaya ummaddu inay isticmaalaan oo ay ogaadaan in waxan ay sheegayaan ama ay qorayaan ay maalin Ilaahay xisaabin doonaa ay iman doonto oo uu waydiinayo addoonkaygii maxaad u qoraysay ama uga hadlaysay mawduucii sidaasi ahaa, ma dartay bay ahayd mise hebel ku xumee bay ahayd?, sirta loogu shabahay weedha wanaagsan geed fiican waxay tahay Ilaahay wax uu inagu siiyaa tusaalaha mid si dhaw aad u fahmi karto oo ka miyiga iyo magaalada, aqoonyahanka iyo ka aan waxba baranba ay fahmi karaan, waxaanu ugu tusaaleeyay weedha wanaagsan geed wanaagsan, iyadoo aynu ognahay sida uu geedku inoo siiyo hadh iyo midho wanaagsan, weedha wanaagsanina waxay ku hoggaamisaa dadka camalka suuban, waxayna yidhaahdeen dadkii wanaagsanaa geedka la sheegayaa ee lagu shabahay weedha wanaagsani waa timirta, iyadoo weedha wanaagsanina ay tahay Tawxiidka(Ilaahay mooyee Ilaah kaloo xaq lagu caabudaa ma jiro).
Ibn Cabbaasna waxa uu yidhi isagoo aayadahaas aan soo sheegnay sharxaya:
Tusaalaha weedha wanaagsani waa: Qiritaanka in Ilaahay mooyee Ilaah kaloo xaq lagu caabudaa aanu jirin
Sida geedka wanaagsanina waa: muuminka
Asalkeedu suganyahayna waa: weedha tawxiidka ah ee ku jirta qalbiga muuminka
Faraceeduna samada yahayna waa: koruqaaditaanka camalka muuminta ee samada la gaynayo
Walaalayaal imisaynu taariikhda ku akhrisanay dadyaw fara badan oo ay badashay weedh ama odhaah ka soo baxday qalbi caafimaad qaba oo ka faa,iday, Ilaahay weedh kaliya ayuu ku anfacaa duul dhan, weedha wanaagsan waxaa tilmaamay Quraanka Sunnaha Rasuulka(naxariisi korkiisa ha ahaatee) iyo dadka wanaagsanba
Quraanka
1. Waxa uu yidhi Ilaahay ((ku dheh addoomadayda inay yidhaahdaan dadka sida u fiican))(Al-isra:51)
2. ((Dadka waxaad tidhaahdiin wax wanaagsan)) (Al-Baqarah:83)
3. ((Isaga(Ilaahay) ayay u koraan weedha wanaagsan iyo camalka suubani si uu u dalaco(kor yeelo)) (Faadhir:10)
4. Wuu ina amrayaa Ilaahay inaan hadalkeena wanaajino, waxaanu ina yidhi ((Kuwa xaqa rumeeyayoow Ilaahay ka dhawrsada waxaanad tidhaahdaan hadal wanaagsan))(Al-Axzaab:69) wuuna inoo sii sheegay faa,iidada laga helayo hadalka wanaagsan markaasuu yidhi : (( wuxuu wanaajinayaa camalkiina, danbiyadiinana wuu idinka dhaafayaa ))
Sunnadda
1. Waxa uu yidhi Rasuulku(nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) (( Naarta ka gaashaanta gabal timiraba ha ahaatee, haddaad waydaanna weedh wanaagsan kaga gaashaanta ))
2. Waxa kaluu yidhi: ((Addoonku waxa uu ku hadlaa weedh raali ahaanshaha Ilaahay ah oo aanu is lahayn waxbay noqon, ilaa uu Ilaahay darajooyn kor ugu qaado))
3. Waxa kaluu yidhi: (( weedha wanaagsani waa sadaqo))
4. Waxa kaluu yidhi: (( qofka rumaysan Ilaahay iyo maalinta aakhiro waxa khayr leh ha yidhaahdo ama ha iska aamuso))
5. Waxaa kaloo cabdilaahi Ibn Camar (Ilaahay raali ha ka ahaado labadoodabee) laga soo weriyay inuu Nabigu(nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) yidhi: ((Jannada waxaa ku yaal qol dushiisa laga arkayo waxa gudaha ku jira gudihiisana laga arkayo waxa dusha yaala)) markaasuu Abii Maalik Al-ashcari yidhi: yaa iska leh qolkaasi Rasuulkii Ilaahayoow? Markaasu yidhi: waa qofka hadalka wanaajiya, masaakiintana quudiya, ku waabariista cibaado iyadoo dadku ay hurdaan))

RAADKA AY KA TAGTO WEEDHA WANAAGSAN
• Waxay astaan u tahay qofka yidhi weedha wanaagiisa
• Waxay kaa fogaysaa naarta
• Waxay qofkii cadawga ahaa u badashaa saaxiib, xiqdiga iyo xaasidnimadana jacayl iyo ixtiraam
• Waxay dhashaa camal wanaagsan goor walba
• Waxay kortaa samada markaasaa loo furaa albaabada samada
• Waxay abuurtaa jacayl
• Waxay dhistaa oo ay kobcisaa maskaxda iyo ruuxda
•

Maadaama ay raadkaasi leedahay oo aynu ogaanayna in ay waxaasi oo abaalmarin iyo ajarba leedahay maxaa inala gudboon?
Waxaa inala gudboon Inaynu weedha wanaagsan ka sheegno meel walba oo ay fursadi inooga banaanaato, hadday noqoto safar aad u baxdo waa inaad qofka ku ag fadhiya is waydaarsataan weedha wanaagsan, haday noqoto aroos ama xaflad waafaqsan Sunnada Rasuulka(naxariisi korkiisa ha ahaato), haday noqoto ardayda dugsigaaga, jaamacadaada iyo waliba dadkaad kuwada kulmaysaa mareegaha kala duwan ee maanta fududeeya habkii la iskula xidhiidhi lahaa waa inaad kawada hadasahaan kuna wada hadashaan weedha wanaagsan.
Waxaa inala gudboon inaan maqaaladaan qorayno aan u qorno Ilaahay dartii iyo inaan dadku u faa,idayno, inaynaan dadka ku aflagaadayn maqaaladeena, inagoo doonayna inaynu ka aarsano, iskuday markaad maqaal qortid inaad ku noqotid waliba adigoo degan oo wayso qaba waxaa hubaal ah inaad maqaalkii aad qortay saacado ka hor ay wax iska kaa badali doonaan.
Walaalayaal noloshu way koobantahay waana laga wanaagsanyahay in dadka adyad iyo aflagaado loo gaysto, waxaanan naftayda iyo naftiinaba ku waaninayaa inaan isku boorino hadalka wanaagsan maxaa yeelay ((Addoonku waxa uu ku hadlaa weedh raali ahaanshaha Ilaahay ah oo aanu is lahayn waxbay noqon, ilaa uu Ilaahay darajooyn kor ugu qaado, waxaa kaloo uu ku hadlaa weedh xun oo cadho Ilaahay ah oo aanu islahayn meel bay gaadhi Ilaa ay sababto in naarta lagu fogeeyo toddobaatan baac in leeg))
Bal aan dib ugu noqo isbarbardhiga weedha xun iyo weedha wanaagsan, Ilaahay waxa uu yidhi:
((Miyaanad ogayn sida uu Ilaahay uga yeelay Tusaale kalimada/Erayga(weedha) wanaagsan sida geed wanaagsan oo xididadiisu dhulka ku suganyihiin, Laamihiisuna samada(xaga sare jiraan) # oo siisa(bixisa) cunnadeedu wakhti kasta idanka Eebaheed dartiis, wuxuu Eebe u yeelaa tusaalayaal si ay dadku u waantoobaan )) # Weedha xumi(Gaalnimada iyo Xumaanta) waxay la mid tahay geed xun lagana rujiyay dhulka korkiisa oon sugnaan lahayd#)) (Ibraahiim:24-25)

Dadku waxay iskugu jiraan in ka tagta hadal wanaagsan iyo inka tagta hadal xun, hase ahaatee waxaa goor iyo ayaan la xasuusanyahay hadalada dhaxalgalka noqday, ee toosiyay ummadda, dadkana anfacay, Ilaahayna waxaan waydiisanaynaa khaatimada wanaagsan.
((Wuxuu ku sugaa Ilaahay kuwa rumeeyay xaqa Erayga sugan(ashahaadada iyo xaqa) nolosha adduun iyo aakhiraba, wuxuuna habaabiyaa daalimiinta, wuxuuna sameeyaa Ilaahay wuxuu doono)) (Ibraahiim:27)
Ilaahay ha inagu sugo erayga sugan, iyo astaanta wanaagsan ee islaamka.