Waa Maxay Tobanka Qodob ee Looga baahan yahay In Madaxweyne Lahaado? Muxuuse Ka Leeyahay Madaxweynaha Somaliland Qodobadaas? – by DACAR.

Cabdiqaadir Jaamac Ismaaciil

* Health: Caafimaadka, Habsima u Shaqaynta (metabolic efficiency of a living being) Noolaha ama  Balaadamiga Marka ay noqoto Dhinaca Maskaxda ama Jidhka,ama Dareenka, ayaa loo yaqaan Caafimaad. ama ka madaxbanaanshaha uu Nooluhu ka madax banaan yahay Xanuun ama Xumad, ama Jiro, kale ayaa loo yaqaan Caafimaad, Caafimaadka ayaa ah, Halka ay ka Bilaabanto Nolosha Nooluhu, Hadii aan Qofku u Caafimaad qaban Hawlaha uu qabanaayo uma qaban karo si Sax ah ama Quman.
Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu Eedeeyey in aanu u Caafimaad qaban shaqada uu hayo maadaama uu Da, yahay oo uu Waynaadey ,Tan ayaa ka hor imanaysa Saxida ama qabashada, ama Gudashada Tilmaamaha Hoos Ku Qoran. Sidaa daraadeed ayaa loo baahan yahay in Madaxweynuhu uu ahaado qof u caafimaad qaba shaqadiisa, ama u gudun kara shaqadiisa si caafimaad ku Jiro.

* Honesty: Daacadnimo, Runta, ama daacadnimada, ayaa ah Qodobka Ugu horeeya ee looga Baahan yahay In Madaxweyne Lahaado, Hadii aadan daacad ahayn Dadka ayaa Si Degdeg ah kaaga ilbaxaya, Isla markaana aan dhegeysanaynin Hadalkaaga Taas oo Dhaawac u weyn u Geysanaysa Hogaankaaga.  Madaxweyne Siilaanyo Mudo Dheer ayuu Ku Soo jirey Siyaasad Dadka Reer Somalilandna Way yaqaanaan, markaa iyaga ayaan u Daynayaa in Madaxweynuhu Yahay Nin Daacad ah, oo Runsheege ah, iyo Inuu yahay Beenawaas Munaafaq ah.

* Responsibility:  Masuul, ama Aamin, Lagu aamini Karo Talada Dalka, Marka uu gooyo Talo, ama Go,aan, Madaxweynuhu isaga ayaa ka Masuula waxa ka yimaada, Waa in uu Madaxweynuhu Qaadan karaa waxa ka Yimaada ama Ka soo dhex baxa
Go,aamadiisa, isaga oo aan Cid kale Dusha U saarin, Iminka waxa dhacda in wax wal oo Wadanka Gudihiisa ka dhaca ama Madaxtooyadu ay ku dhaqaaqdo Dusha Loo saaro XIRSI. Tan oo u muuqata in Madaxweynuhu uu ka cararaayo in la “Blame”
Canaato taas oo uu Masuuliyad walba Dusha u saaro Xirsi oo ah Nin aad u Da,yar Siyaasadana Ku Cusub, Madaxweynaha Dhabta ahi waaka Qaata Musuuliyadiisa isaga oo aan Cidkale Qoorta u Sudhin.

* Confidence: Madaxweynaha Dhabta ahi waaka Ku kalsoonaada Naftiisa, Kalsoonidu waata Samaysa Hogaamiyaha Dhabta ah, Waa inaadan u qaadan Taageerayaashaada Balan been ah, waa inaadan qaranka u samayn Expections ama Rajooyin been ah Si aad U guulaysato. Doorashada, Madaxweynaha ayaa Boqolaal qof ugu Balan qaaday Xil, Dadwaynaha u Sameeyay Balan qaadyo Been ah, Midan ayaa Cadaynaysa in Madaxweynuhu aanu ku kalsoonayny Waxa uu yidhi ama Balanqaadyadiisa.  waxa kale oo Tusaale fiican u ah Sida uu ula Dhaqmay Maxamed Xaashi oo iscasiley, iscasilaadiina uu Madaxweynhu ka diidey, hasayeeshee Bil ka Dibna uu hadana isagu madaxweynuhu uu Casiley ina xaashi xilkiina ka qaaday Midan ayaa ah Khiyaamo iyo Kalsooni La,aan.

* Reliability: Madaxwerynuhu waaka isbarbartaaga hadaladiisa Tusaale: hadii Madaxweynuhu Yidhaahdo waxaas ayaan samaynayaa waa inuu Sameeyaa Wixii uu ka balan qaaday Qofna ma aamino qof aan hadalkiisa Rumayn, balanqaadyadii
Madaxweynaha oo wada beenoobey, ayaa ka markhaati furaaya in madaxweynuhu yahay Unreliable iyo inuu Yahay Reliable. Imisa jeer ayuu madaxweynuhu ka balan qaaday inuu la dagaalamaayo Musuqmaasaqa, imikana waxa naafeeyey dawlada Siilaanyo Musuqmaasaq. Imisa jeer ayaa madaxweynuhu ka balan qaaday inuu ilaalinaayo xoriyatul qawlka, hadana iminka waxa u xidh xidhan xoriyatul qawlka dad badan oo uu ka mid yahay Boqor Buurmadow. tan ayaa cadaynaysa in madaxweynuhu yahay UNReliable.

* Loyalty: Ku Kalsoonaata aad ku Kalsoontahay Shiqsi, ama Xusbi ama Qaranka, waa inaad lahaataa Kalsooni aad u qabto, ha ahaato mid aad u qabto dadkaaga, ama Xusbigaaga ama Dadka kula shaqaynaaya oo ay idinka dhaxaysaa isku kasooonaan iyo aaminaad. Loyaltiga ama kalsoonida Madaxweynaha ayaa ah, ku shaqayso maanta,baritana iskaga tag, ama ku guur maanta, Sidii ina Cabdi qadir ama ina Biixi ku soo socata ama ay waayo aragnimo badan u leeyihiin Taageerayaashii
siiyey Axmed Siilaanyo noloshooda, iyo Dhaqaalahoodiiba markii danbana uu Dibada dhigay

* Determination: Waa Isku Taxalujinta aad isku taxalujiso, Wixii aad Bilowdey Dhamaystirkeeda, adiga oo aan u bood boodin meel kale ama aan samayn Marmarsiinyo aad kaga Baxdo Wahshii kuu Taalay, ama aan iska dhigdhigin anaad dhamaystirtay oo aad Guulaysatay, adiga oo aan dhamaystiurinba hawshii kuu taalay, tan ayaa tusaale Fiican U ah Sida madaxweynuhu uu ugu faan faano Waxqabad iyada oo aan waxba la qaban, ama guulo uu gaadhay madaxweynuhu iyada oo aan la gaadhin wax Guul ahba.

*  Courage, Decisiviness:  Dhiiri gelinta aad dheeri gelinayso dadkaaga ayaa u muhiim ah, Dhawaaqyada ka soo baxa afkaaga waa inay ahaadaan qaar ay ku Diirsanayaan dadka ku dhegaysanayaa.  Go,aamada madaxweynaha ayaa Dadwaynaha ku ah niyad jab iyo wax aan dhiirigelin samamynaynin,  iyadoo looga baahan yahay in madaxweynu lahaado arrimahaas aan sare ku xusay  si arimahaas oo dhana loo gaadho waa in Madaxweynuhu u caafimaad qabaa si uu u soo taabto halka uu ku socodo ama u gaadho Goolashiisa.

Cabdi Qadir Jama Ismail (Dacar), USA Ca.
Political Science Educator.
Gobanimodoon@Sbcglobal.net