Waa maxay sababta ay salka ku hayso Toogasho Macalin Berbera wax ka dhigaa ku dhaawacay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Saaxil oo ay Guri wada galayeen?

Berbera (SLpost)- Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa ka hadlay toogasho ka dhacday magaalada Berbera, taasoo sababtay dhaawaca Guddoomiyihii Waxbarashada gobolka Saaxil Ibraahin Digaale oo mid ka mid ah Macallimiinta deegaankaas oo ay guri wada degganaayeen xabbad kaga dhuftay Bawdada, kaasoo dhaawiciisa loola soo cararay shalay dhinaca Caasimadda Hargeysa.

badhasaabka saaxilMacallinkan ku kacay Toogashada Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Saaxil ayay Guri wada degganaayeen Guddoomiyaha uu dhaawacay, xilli uu u kacay Salaaddii Subax ee Subaxnimadii Axadda ee toddobaadkan, kaasoo markiiba Ciidammada Ammaanka magaalada Berbera gacanta ku dhigeen, una taxaabeen Xabsiga, halka Guddoomiyaha dhaawiciisana loola cararay Cusbitaalka Berbera si loogu dawooyo, waxaanay xabbadda oo Baaskoolad ahayd kaga dhacday Bawdada Midig sida uu Himilo khadka taleefanka ugu sheegay Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar.

Hase-yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa toogashadaa dartee u tegtay magaalada Berbera, subaxnimadii toogashadaasi dhacday maalinnimadkeedii, waxaanay dhinaca magaalada Hargeysa u soo qaadday dhaawaca Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Saaxil Ibraahin Digaale si loogu daweeyo Cusbitaallada Hargeysa, sida uu Wargeyska Himilo u xaqiijiyey Badhasaabka Saaxil.

“Macalinka iyo Guddoomiyuhu isku aqal bay galayeen. Guddoomiyihii waxa loo qaaday Hargeysa oo shalay (dorraad) waxa halkan timi Wasiirka Waxbarahada oo qaadday. Isagiina (Macallinka) waa la qabtay. Markii aan weydiiyey waxa uu u toogtay wuxuu igu yidhi; ‘Tuug baan moodayey oo sidaasaan xabbadda ugu riday’, wixii uu isticmaalayna Baaskoolad bay ahayd.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo xalay Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo khadka taleefanka wax kaga weydiiyey sida kiiskaasi u dhacay isagoo Fahmi ku sugan gudaha magaalada Berbera ee xarunta gobolkaas.

Badhasaabka gobolka Saaxil oo hadalkiisa sii watay, ayaa ku dooday in kiiskaasi baadhis ku jiro, isla markaana ay Ciidanka Boolisku Saldhigga Booliska Berbera ku xidheen ninkaas Macallinka ahaa ee Guddoomiyaha toogtay, waxaanu Fahmi oo arrintan ka hadlayaa yidhi; “Laakiin, waxa kiiskiisa gacanta ku haya CID-da oo baadhaysa. Waa Macallin wax ka dhiga Dugsiyada Berbera. Haddana wuxuu ku xidhan yahay Saldhigga Booliska ee magaalada Berbera, kiiskiisana waa la baadhayaa.”

Sidoo kale, Wargeyska Himilo waxa uu Khadka Taleefanka isla xalay kula xidhiidhay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Saaxil Cabdi Cali, isla markaana waxaannu wax ka weydiinnay toogashadani sidii ay u dhacday iyo sababta ka dambaysay ama ay salka ku haysaa waxay tahay ee uga soo baxay baadhistooda, waxaanu yidhi; “Kiiskaas weli baadhis baa ku socota kamana hor-dhici karo, waxna kaagama sheegi karo illaa ay baadhistu dhammaanayso.”

“Labada nin guri bay wada-galayeen, Macallinkuna wuxuu ka tirsan yahay Macallimiinta gobolka, waanu xidhan yahay oo gacantaannu ku haynaa, Guddoomiyihii Waxbrashada gobolka Saaxil-na Hargeysuu idinla joogaa oo shalay (dorraad) baa la soo qaaday.” Sidaa ayuu yidhi oo uu Wargeyska Himilo u sheegay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Saaxil Cabdi Cali.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Waxbarashada oo aanu intaas dabadeed isku daynay inaanu dhinaceeda wax ka weydiinno maadaama oo macalinka iyo Guddoomiyuhuba maamul ahaan hoostgaan wasaaradda ay madaxda ka tahay, isla markaana ay iyadu magaalada Berbera ka soo qaadday Guddoomiyaha la dhaawacay, nooma suura-gelin inaanu ku helno khadka telefonka gacanta oo aanu ka wacnay xalay.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay nooceeda ee dhexmarta masuul iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda Waxbarashada, waxaanay ku soo beegmaysaa laba todobaad ka dib markii sidan oo kale gudaha magaalada Gabiley uu askari k atirsan ciidanka booliska gobolka toogasho ku dilay taliyihii Saldhigga degmada Arabsiyo oo markii dambe cusbitaalka Hargeysa ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay rasaas uu askarigaasi ku toogtay. Askariga falkan geystay oo gacanta lagu dhigay, ayaa maalin ka dib lagu xukumay dil toogasho ah ka dib amar ka soo baxay madaxweynaha Somaliland oo ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan sharci loo horgeeyo.

@himilo