Waa Maxay Sababta ay Dowlada Masar ugu Go’aan qadato in ay dagaal ka xigto Isticmaalka Biyaha Webiga Nile-ka (WARBIXIN)- By Adan Yusuf Elmi.

nile river map13Assallaamu Calaykum Waraxma- Tullaahi Wa Barakaatu

 Salaantaa Islaamka ka-dib, haddii ilaahay qadaro waxaa aan maanta doonayaa in aan bal intii awoodayda ah aan iftiimiyo , sida ay iila muuqato siyasadda ka taagan gobolkan aynu ku noolahay ee geeska Africa iyo waxa ku soo kordhay, Masar iyo Itoobiya oo Qarka u saaran inay ku Dagaalamaan Biyaha Niilka ,isla-markaana Colaada Guunka ah ee u dhaxaysa labada Dal oo soo rogaal-celisay.

Nolosha Dalka Masar ayaa si weyn ugu tiirsan Beerashada Biyaha Nile-ka,hadii laga leexiyo ama la taabtaabto, waxay sababi-doontaa in 45% dadka webiga dhinacyadiisa ku dhaqan ee biyaha ku-noolaa inay magaalooyinka waa–weyn ee Masar ay nolol u soo doontaan,Isla-markaasina ay qaxooti badan oo Masari ahi u soo haajiraan gudaha magaalooyinkooda waaweyn ,isla-markaana ay sababto in maciishadii iyo noloshii wadankaasi Masar uu hakad ku yimaado , cirkana isku shareero quutul-daruuriga, waana aragtiyaha qaar ka midda.

Waxa xusid mudan in biyaha webiga Nile-ka ay isticmaalaan 10-Wadan oo Afrikaani, waxaana inta badan Biyahan qayb ka mid ahi ay ku shubmaan Badda, iyadoo %75 oo keliya ay isticmaalaan wadamadaasi,waxaana ugu isticaal badan Dalka Masar oo sharcigoodu dhigaayo wadankii leexiya biyaha Nile-ka inay dagaal ku qaadayaan, waxaana biyahaasi, markasta si weyn uga faaiidaysta oo keliya wadamadda Masar iyo Sudaan.

Waxa hadaba beryahan dib u oogmay khilaaf xoogan , oo ku saabsan Biyaha Webiga Nile-ka oo  si weyn mar kale cirka isku shareeray, ka-dib markii xukuumada Itoobiya ay bilowday Xarun biyo-xidheena ama (Dam) oo ay ka taagtey dhismihiisa Biyaha Webiga Nile-ka, si ay uga samaysato Xarun weyn oo dhalisa Dab ama leydh oo ay ku kacayso Qarash dhan $ 4.7 billion, oo Dolar oo ay bixiyeen Mareykan iyo Yurub, waxaana lagu wadaa in uu noqdo biya-xireenkaasi, ka ugu tamar dhalinta badan Qaarada Africa, sidoo kalena halka dhinaca kale , waxyeelo u geysan karto nolosha malaayiin muslimiin ah oo si aada ugu tiirsanaa biyahaasi.

 Mashruucaasi itoobiyaanka oo iminka si fiican u socda ,isla-markaana la dhameystirey wejigiisii 1aad, waxaa loogu talo-galay inuu ku dhamaado waqti dhan saddex Sanno, Dawladda Ethiopia ayaa sheegtay in biya xidheenkan cusub uu dhalin doono tamarta Dab ama (Leydh) awooddiisu gaadhayso 6 kun (6000) oo Mega-Watt (MW), taasi oo ay Ethiopia sheegtay in ay u dhigmayso tamarta ay dhalin karaan,ilaa lix Wershadood oo Nukliyeer ah.

Hadaba Laagta buluuga (Blue Nile) ee Webiga Nile-ka, ayaa iyadu ka soo bilaabanta Wadanka Ethiopia, ka dibna laagta Cad ( White Nile) ee Wadanka Sudan ayey kaga darsantaa Khartuom , waxaana ay sameeyaan webiga Nile oo biyaha ku dara badda Mediterranea-ka.

Aragtida  Biyaha Nile-ka Ee Masar

 Masar ayaa iyadu si weyn u saluugsan , heshiiskaasi u danbeeyey ee lagu magaacabay saami qaybsiga cusub , isla-markaana waxay taageersan tahay, oo lama taabtaan ka dhigtay ,heshiisyadii hore ee sanadkii 1929 iyo kii kale1959 la gaadhay.

Heshiiskii u danbeeyeyna, waxa uu ugu dhiganyahay, hal bacaad lagu lisay , kaas oo ay xukuumada itoobiya wadatay , waxa ka soo qayb galay lix dal ,oo saameyn ku leh webiga Nile-ka, waxaana ay Masar u arkaysay mid ay ku garab weyday , waxaanay Itoobiya ku dhaliileen sida ay doonayso inay uga baxdo heshiis caalami ah, islamarkana ay rabto in ay biya la,an ku dhigto Malayiin Masaari ah, waxaana masar ay wali ku adkaysanaysa in uu lama taabtaan yahay heshiisyadii hore ee la galay.

Waxaanay Xukuumada Masar aaminsantahayba inay kaba soo horjeedo in dalal kaleba isticmaalaan biyaha Nile-ka., waxaanay ku doodaysaa inay dagaal ka xigto, haddii aan loo hogaansanaan ,heshiisyaddii u horeeyey ee biyaha Nile laga gaadhay.

Aragtida Biyaha Nile-ka Ee Ethiopia

Dowlada Itoobiya ayaa ku doodaysa in ayna marna ogaleyn , isla-markaana ay  jabineyso heshiisyaddii 50-maadkii laga galay biyaha Nile-ka, kaas oo Awooda badan siinaayey Dowlada Masar , waxayna sheegeen in heshiis-yadaasi ay ahayeen ,kuwa u dhignaa qaab danaysi gumeysi , oo aan waqtigan casriga ah la sii socon Karin.

Heshiiskan Biyaha xidheenka lagaga dhisaayo biyaha sida weyn muranka ugu taaganyihiin ee Webiga Nile-ka , waxaa uu qayb ka ahaa barnaamij loo bixiyey waqti hore “DIB U CURASHADA ETHIOPIA” (Great renaissance dam), kaas oo sanadkii 2010 lagu kala saxeexday heshiis cusub oo ku saabsan saami qaybsiga cusub ee biyaha webiga Nile-ka, isla-markaana ay ganafka ku dhufteen  wadamada Masar iyo Sudan, balse ay saxeexeen oo keliya Wadamada Uganda, Tanzania, Rwanda iyo Ethiopia.

Dowlada Ethiopia afhayeen u hadlay waqtigaasi oo la yidhaahdo Mr, Dina ayaa wuxuu sheegay in dhismaha biyo xidheenka ee dowladoodu dhisaneyso , uu yahay mid lagu sameeyay darasaaad oo si qoto dheer looga baaran degay, wuxuuna intaas ku daray wax dhib ah, in uusan ku keeni karin waddamada Masar iyo Sudan, Dina ayaa yidhi “Ethiopia Waxa ay diyaar la tahay markasta, siddii ay wada-xaajood ula yeelan lahayd labada waddan Masar iyo Sudan si faa’ido isku mid ah loo helo.”

Wadanka Itoobiya ayaa ku doodaya in aanay Masar , marna Ethiopia iska hortaagi doonin dhismaha biyo xidheenkaasi, waxaanay ku eedaysay Dawlada Masaarida inay ka caga jiidayso dadaal lagu xalin lahaa khilaafka biyaha Nile-ka,  iyadoo sidoo kalena Ethiopia  ay sheegtay in heshiiska cusub ee saabsan wadaaga biyaha Wabiga Niil uu xaq yahay ,kaas oo qalinka ay ku duugeen  6-Wadan oo Afrikaan ah oo webigaasi maro , oo aysan ku jirin Masar iyo Sudan.

Heshiisyaddii hore ee laga galay biyahan ayaa dhinac Itoobiya looga arkaa, mid aan wakhtiga la socon, kuna salaysnaa aragti gabowday,  waxay qabaan in ay biyaha Nile iyagu (Itoobiya) leeyihiin, xaqna ay-ba u leeyihiin in ay iyagu go’aamiyaan markasta,  sida laga yeelayo biyahaasiba.

Itoobiya ayaa ku tilmaanta hadalada hanjabaada ah ee markasta ka soo yeedha masuuliinta Masaarida “ Wax -aysan joojin kareyn , Maaha in aad markasta tidhaahdaan , Gacan ayaan wax ku xalinaynaa ,lakiin waxa ka wanaagsan ayey leeyihiin itoobiyaanku , Adiga oo xal wada hadal ah doona”., Itoobiya ayaa markasta  ku cel-celisa  qorshaheeda ah in wadamada wabiga Nile-ku uu maro ay si saami-siman u wadaagan biyahaasi iminka,  iyada (Itoobiya) aaminsan  ,in sida ay masaaridu wax u wado,  in aan xal lagu gaadhi karin, balse waa cadaawad dhaqankoodu.

Dhismaha Xarunta biyo-xidheena(Dam) Webiga Nile-ka

Xasaradan iminka kacday , ayaa salka ku haysa Dowladda Masar ayaa waxay si weyn u aaminsan-tahay ,haddi uu dhaqan gal noqdo biya xidheenka weyn  ee laga samaynaayo Dalka Itoobiya , in taasi dhalinayso in biyihii webiga Nile-ka ee soo gaadhi-jiray Masarida,  ay labo qaybood ,qayb-ka mid ahi , ayna soo gaadheyn, isla-markaana  waxaa biyo la,an xoogi ay soo waajihi-doontaa dad lagu qadaray 2.5 Milyan oo Qof  oo Masaari ah, oo ayagu noloshoodu aad ugu xidhantahay biyahaasi.

Wadanka Masar ayaa isagu  ah wadanka ugu danbeeya ee uu soo gaadho webiga Nile-ku, isla-markaana waxaay saamiga webigaasi ku yeesheen Awooda ugu badan , heshiisyo la galay 1929 iyo 1959, ayna dhigayaan in Wadanka Masar uu Isticmaalo biyaha xadiga ugu badan ee Webiga Nile-ka.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta masar oo ka qeyb galay doodo ka baxay mareegaha lagu sheegaysto, sida paltalk oo kale , ayaa sheegay in haddii biyo-xidheenkani la joojin-waayo, in webiga Nile-ku uu isu-bedali doono haro dhiig ama diamond oo kale waa “sida ay hadalka u dhigeene “, dhinaca kale Madaxa wakaaladda Korontada ee Ethiopia Mihret Debebe ayaa sheegay in ay qasab ku noqotay in ay leexiyaan qayb ka mid ah biyaha wabiga maadaama oo uu dhismaha biya-xidheenku socdo ,iyada oo laga dhisayo bartamaha wabiga Nile-ka.

 Inkastoo ay dawlada Ethiopia ay ku adkaysanayso in aanay joojin doonin oo la dhamaystiri doono hawshaasi socoto,Hadana waxaa aan la dafiri -karin in nolosha Masaari badani ku xidhan tahay biyahaasi Wabiga Nile-ka, taasina ay tahay sababta ay Masar uga welwelsan tahay, in dhaamka oo noqonaya  midka ugu weyn Qaarada Afrika , ee laga dhalinayo Laydh ama Dab uu hoos u dhigo Biyaha wabiga Blue Nile-ka mara ee Masar,markii la bilaabayba mashruucani ayaa Siyaasiyiin Masaaridu ay iyagu hore usoo jeediyeen , in wadankoodu (Masar) uu qaado talaabo lagu arbushayo mashruucaasi, xili ay kulan yeesheen , halka Xubnaha baarlamaanka Masara qaarkoodna ay ku doodayeen iyaguna,  in la carqaladeeyo dhismaha biyo-xidheenka Itoobiya iyada oo la adeegsanayo wax kasta oo arrinta sahli kara.

  Xasarada iminka Aloosan

Hadaba mudooyinkii ugu danbeeyay ,ayaa waxaa halka ugu sareeyey maraya dagaalka biyaha Nile-ka ee uu dhexeya wadamada Itoobiya iyo Masar , kaas oo ujeedadiisu ku qotonto , sida loo kala badsanayo biyahaasi laga helo webiga Nile-ka, Masaarida ayaa waxaa  si toos ah ula saftay, dawladda Taagta daran ee gacanta lagu hayo ee Somaliya ee Xasan Calasow oo doorashadiisii ay ku bixiyeen dhaqaale badan,  xubno ka midda wadamada jaamacada carabta sida la sheegay , kaas oo bedelka ay rabeen , si uu ugu suurto geliyo danahooda siyaasadeed.

Wefti Masaariya ayaa booqday dhawaan Magaalada Muqdisho , oo sahan ku sameeyey , xarumo ciidankoodu ay ka sameystaan wadankaasi, haddii ay dhacdo in saldhig Masar laga siiyo Magaaladda Muqdisho ,taasi waxay markale sababi-doontaa in dagaalki Somaliya ee 1977-dii uu dib uga qarxo Itoobiya iyo Soomaaliya,waxaana la xasuustaa in dagaalkaas ay waqtigaas Somalida daba-ka riixayeen Dawladda Masar, oo ilaashanaysa danaha biyaha Webiga Nile-ka.

 Isku soo wada duubo, Wadanka Somalia oo mudo 22 sano ah burbursana, rajo yarna ay ka soo Muuqatay, ayaa waxaa hada laga cabsi qabaa in ay ku dagalaman labada wadan ee ugu ciidanka Badan Qarada Africa iminka.

Horaantii toddobaadkii hore ayaa hoggaamiyaha Masar Maxamed Mursi wuxuu kulan la qaatay hoggaamiyaasha Xisbiyada mucaaradka qaarkood, waxaana uu kala hadlay qaabka ugu haboon ee loo difaaci karo biyaha muhiimka u ah nolosha Masar ,oo ay hadda dowladda Ethiopia ku soo xadgudubtay biyahaasi, Madaxweynaha Masar ayaa dadka ka qaybgalay kulankaasi oo ay ku jireen Maalqabeeno iyo Beeraleey uu ku wargeliyay in ay isku diyariyaan dagaal lala galo dowladda Ethiopia.,waxyaalaha cajiibka ah waxaa ka mid ahaa , kulankaasi waxaa la sheegay in si toos ah loogala socday warbaahinta dowladda, isla markaana aan loo sheegin martida madasha joogtay, waxaana markii dambe loo sheegay in kulan si toosaba loogala socday warbaahinta caalamka.

Dadka ka faalooda arimaha Afrika ayaa sheegaya in madaxweynayaasha Sudan iyo Masar ay la soo daristay xaalado cusub oo ah laba daran mid dooro, oo kala ah in ay toos ula dagaalamaan itoobiyaanka biyahoodii soo farageliyey iyo in ay diyaar u noqdaan kacdoono , xukunka lagaga tuuro, isla-markaana kaga yimaada shacabkooda.

Gebo-gebaddii Weftiga ka socda Masaarida ee booqday goobo badan oo ku yaala Muqdisho oo ay sahan ka qaateen inay u qalmaan saldhigyo milatari, tallaabadani waxaa loo arkaa daan-daansi siyaasadeed oo dawladda Muqdisho ee Itaalka daran ee Xasan Culusow ay si aan gabasho lahayn uga hortimid danaha wadanka ay dariska yihiin ee Itoobiya, Dadka Siyaasadan u dhuun-daloola ayaa ku tilmaamay Qasdiga Saraakiisii ka socday Dowladda Masar ay ahayd , sidii Dowladda Itoobiya uga cabsi-gelin lahayd Siyaasadda la xidhiidha Webiga Nile-ka.

Waxa ayna wararku sheegayaan in Masar ay dooneyso inay Ethiopia ay culeys ku soo saari karto dhanka Somaliland, Dowladda Masar in ay ku cabsi gelineyso Dowladda Itoobiya Maadaama ay xuduud wadaagaan Soomaaliya iyo Somaliland , taasina ay soo dedejineyso in ay wadahadal isugu yimaadaan labada dowladood ee Masar iyo Itoobiya, si xal waarta ah (oo danteeda ku salaysan) looga gaadho biyo xidheenka Wabiga Niil ee kasoo burqada Dalka Itoobiya, waxa ayna dooneysaa Masar inay Dowladda Taagta daran ee Somaliya ay gacanta ku dhigto dhulka Somaliland oo goob muhiima u ah Masar, isla-markaana ku taala Badda cas , si halkaasi ay Masar uga sameysato Xarumo Ciidan.

War-murtiyeedkii ugu danbeeyey ee loogu talagalay saxaafada ayey Itoobiya ku sheegtay in hadalada xubnaha siyaasiyiinta Masar qaarkood yihiin kuwo abuuraya qas iyo gacan ka hadal,Itoobiya ayaa aragti kasta oo qaldan ku tilmaanta xilkisnimo la’aan iyo mid aan waxtar lahayn, waxayna si diblamaasiyadeed  Itoobiya ugu soo gunaanaday in dalkeedu daacad ka yahay xidhiidh wacan oo uu la wadaago dalka Masar kaa soo kor u qaadaya iskaashiga labada wadan iyo shacabkoodaba.

Madaxweynaha Masaarida Dr, Mahommed Morsi ayaa isaga laftiisu markii u danbeysay sheegay inuu xushmaynayo Ethiopia , oo aanay qaadi doonin wax talaabo gardaro ah ,amaba ka dhan ah wadan ku yaala Bariga Afrika, sidoo kale Wadamada Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa iminka bilaabay waan-waan ku saabsan sidii xal diplomaasiyadeed looga heli-lahaa arintan cakiran inta aysan sheekadu faraha ka bixin,Somalida badan oo Masar la safana , aysan ku geeriyoon dagaalkan qatarta ah ee loo yaqaano (War of Nile) dagaalkii caanka ahaa ee Nile-ka.

Ugu Danbayn :-Wadamadda Mandaqadda Geeska Afrika intooda badan oo ay ku jirto  Somaliland ayaa daan-daansiga Xukuumada Masar u arka tallaabo xad gudub ku ah Itoobiya oo Maamulka Qaahira ay dusha u ridan doono masuuliyadda khasaaraha kasta oo ka yimaada  dhaq-dhaqaaqyadeeda taban ee Itoobiyaanka ka lidiga ah.

ASC WR WB

Wa Billaahi Tawfiiq

Waxaa Soo Diyaariyey

Adan Yusuf Elmi