Waa Maxay Mowqifka Beesha Bariga Burco ka Qabtaa Muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo? – Boqor Buur-madow oo ka hadlay

Hargeysa (SLpost)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo ka mid Hogaanka dhaqanka Somaliland, gaar ahaana madax-dhaqameedka Beesha Madaxweyne Siilaanyo, ayaa taageeray muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweynaha, waxaanu sheegay inay beel ahaan qorshaha ugu jirto sidii loo hirgelin lahaa muddo-kordhin laba sanno ah oo loo sameeyo Md Axmed Siilaanyo.

Boqor Buur-madow oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu ku dooday in Xisbiga Waddani oo uu ku tilmaamay inuu doonayo doorasho wakhtigeeda ku dhacda ay dantu ugu jirto inay aqbalaan ama ogolaadaan muddo-kordhin laba sanno ah oo madaxweynaha loo sameeyo.

Waa Maxay Mowqifka Beesha Bariga Burco ka Qabtaa Muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo? – Boqor Buur-madow oo ka hadlayWaxa uu boqor Buur-madow mowqifka uu shakhsi ahaan qabo iyo rabitaanka beesha uu ka soo jeedo ee muddo kordhinta madaxweynaha u daliishaday nidaamyadii ku salaysnaa axdi-beeleedyadii lagu soo dhisay Dawladihii isaga kala dambeeyey Somaliland, taas oo baalmarsan Waajibaadka iyo shuruucda ku xusan Dastuurka dalka ee loo jideeyey nidaamka Xisbiyada badan iyo Dimuqraadiyadda.

HALKAN KA DAAWO.