Waa Maxay Islaamku?

Jawaabtu way fududdahay. Qofkasta oo Muslin ahina wuu yaqaannaa, Islaamku waa inaad qirto in aanu jirin Ilaah xaq lugu caabudo oo aan Ilaahay kaliya ahayn, Maxammadna Rasuul Alle soo diray yahay, Salaaddana aad oogto, Rabadaantana aad soonto, Sakadana aad bixiso, Xajkana aad gudato haddii aad awood u leedahay. Iimaankuna waa inaad Ilaahay rumayso iyo Malaa’iktiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa iyo Maalinta aakhiro iyo Qadarka khayrkiisa iyo sharkiisaba.

Iyadoo sidaa fudud loo wada garanayo, haddana dadka muslimiinta ah waxa daashaday dagaallo diimeedyo dhexdooda ka aloosan, taas oo dalalkooga baabiisay iyagana hoog iyo balanbal badday. iyadoo dagaallaadaa sixooggan loo diimeeyay oo la isku adeegsanayo aayado iyo axaadiis tiro badan, haddana waxa yaab leh in ayna waligeed dhicin in ay isku dagaalaan muslimiintu tiirarka Islaamka ama tiirarka Iimaanka wax ka mid ah, dagaalladaa iyo loolannadaa ba’an ee Islaamka loo tiirinayo ee ay qolo kastaba u gu diyaarka tahay dhimasho iyo geeri iyagoo aamminsan in ay Ilaahay dartii u dhimanayaan. iyadoo ay jirto inay Muslimiitu ku kala tagsan yihiin fahanka Islaamka mad’hab ahaan iyo fikir ahaan iyo ta’awiil ahaan iyo Ijtaahad ahaanba.

Dagaaladda muslimiinta dhexdood ah, laga soo billaabo dilkii khaliifkii saddexaad ee Cusmaan binu Cafaan iyo labadii dagaal ee xigay ee Jamal iyo Sifiin iyo kuwii ka dambeeyay ee u dhexeeyay Amawiyiinta iyo Cabaasiyiinta, illaa dagaalladii Mongooliyiinta iyo Tataarka iyo kumanaankaa dagaal ee buux dhaafiyay taariikhda islaamka ilaa kuwa maanta Sunnada iyo Shiicada u dhexeeya waa loolan siyaasadeed oo la isku haysto cidda wax xukumaysa! xidhiidh dhaw iyo mid duragsan toona la ma leh Islaamka. Waxa loo tiirinayo islaamka oo dhanna waa agab ay qolo walba u adeegsanyso in ay qolada kale kaga guulasysto.Haddaba waxaynu odhan karnaa waxa dhab ahaan la isku haystaa waa cidda u xaq leh inay diinta adeegsato kaligeed ooy danaheeda ku fushato. Runtii la iskuma hayo tiirarka Islaamka ama kuwa Iimaanka ee waxa la isku hayaa maamulka siyaasadeed.

Xurgufaha iyo dagaalku waa wax waligoodba soo jireen ah, oo waa wax la billaabmay abuuritaankii Aadan, se waxaynu u baahannahay in Islaamka laga xoreeyo loolanka iyo dagaaladda soo scoday kun iyo afar boqol oo sanno wax ka badan, oo la garto sida ugu habboon ay tahay inaynu u fahanno loolanka dhexdeena ah, isla markaana aynu awood iyo karti ugu yeelanno maamulidda wixii khilaaf inaga dhex taagan, innagoo Islaamka edda ka duwayna.

waxay tahay in aynu u fahnno danaha aynu isku haynno innagoo kala matalayna dawlado iyo quruumo iyo qawmiyado iyo qabiillo isku haysta siyaasad, dhaqaale, dhul, iwm.

Haddii aan tusaale ka bixiyo danaha kala duwan laga leeyahay loolanka siyaasadeed ee la diimeeyay, ee ay qolaba qolada kale isku dayayso in ay iska bixiso sawir qurxoon oo ah inay diinta ka difaacayaan cid kale oo horror dhiigmeerato ah oo diinta duullaan ku ah, iyadoo dhab ahaanna waxa la isku hayaa yahay dano siyaasadeed oo gaar ah. Waa qadiyadda loollanka u dhexeeya labada mad’hab ee Shiicada iyo Sunnad.

Billowgii hore waxay ka bilaabantay kooxda shiicadu aragti ah in ay tafiirtii Cali bin Abii Daalib ay imaamnimada iyo hagaanka muslinka ka mudanyihiin inta kale. Waana aragti kala qaybsanaan wayn ku keentay midnamadii muslimiinta, laakiin dhan kale taa waxa hoos socday loolan dhuleed iyo mid siyaasadeed oo u dhexeeyay awoodaha baragi iyo galbeedka ka talinayay; Faaris (Persian Empire) iyo Ruum (Byzantine Empire), kaas oo guduha muslimiita u dhigmayay loolanka Amawayiinta iyo Cabaasiyiinta , Faaris oo lahaa hab dhaqan qowmiyadeed waxaa watay Cabaasiyiinta, halka xilliyadii dambana ay wateen Safawyiintu oo Shiico ahaa. Ruumna duullaankii Islaamku ku galay ka dib waxa hogaaminayay Amawayiinta, xilliyadii dambana waxa iskaga dambeeyay Ayuubiyiintii iyo Mamaaliktii iyo Cusmaaniyiintii, intii ayna Cusmaaniyiintu qabsan galbeedka dhulka Carbeed billowgii qarnigii 16aad waxa la gu magacaaabi jiray Ayuubiyiinta iyo Mamaamliikkta “boqoradii Ruum” sida ku dhigan kutubta Taariikhda Carabiga ah ee tusaale ahaan ka midka yahay kitaabka Taariikh-al-khulafaa ee uu qoray Jalal al-Din al-Suyudi.

Wakhtigii imbaraadooriyaddii Roomaanku isku baddeshay tii Cusmaaniyadda, waxa ay iyaduna imbraadooriyaddi Faaris isku dhigaysay magaca dawladda Safawiyiinta. Loolan ba’an ayaa ka dhex dhacay labadaa imbaraadooriyadood, oo runtii aad ugu ekaa kan Sucuudiga iyo Iraan maanta ka dhex taagan, Loolaankaasi wuxu socday saddex qarni ku dhawaad, iyadoo hub ahaan loo adeegsaday diinta. Qolo waliba boqolaal diliil ayey haysatay oo ku doodaysay, si ay sharicyad diini ah u hesho, awoodna ugu yeelato sidii ciidankeeda iyo dadka raacsan ay u tusi lahayd inay xaqqii iyo sidii Ilaahay rabay ay iyagu matalayaan.

Dhanka kale, Qoyskii Xuseen bin Cali intii ka soo hadhay xasuuqii foosha xumaa ee Karbala ka dhacay Waxay daganaayeen magaalada Madiina, oo ah meeshii uu ku barbaaray Jacfar Al-Saadiq; imaamkii lixaad ee Shiicada, halkaas ayuu ku lahaa xalqad cilmiga fiqiga ah uuku dhigo, dacwad hoosana uu ka waday , halka Maxamad bin Cali isna uu koox qarsoodi ah sameeyay oo markii dambena uu ku wareejiyay inankiisi Cabdilaahi, oo isna ku sii wareejiyay ina-adeerkii Maxamad bin Cabdilaahi bin Cabbaas, oo ku dadaalay inuu fidiyo awooddii maamulkii reerkooda; Cabaasiyiinta, oo ka soo billaabmatay magaaladda Xumayma (koonfurto Urdun), taasoo gaadhay Jurashaan iyo Faaris. Cabaasiyiintii markay 64 sannadood ay Xumama joogeen waxay awood u yeesheen inay ridaan dawaliddii Amawayiinta, iyagoo kaashanaya ilma-adeeradood; Calawaiyiinta. Dagaalkii lugu jabiyay Amawiyiinta waxa la odhanjiray Al-Saab oo dhacay markuu sannadku ahaa 750 ka dib dhalashadii Nabi Ciise.

Dawaladdi cusbayd ee Cabbaasiyiinta waxa khaliif ka noqday nin la odhan jiray Cabdillaahi bin Maxamad al Cabaasi (Abul Cabaas Al-safaax), sidaas ayuu u sii socday xidhiidhka togan ee u dhexeeyay Cabaasiyiinta iyo ilma-adeeradood Calawiiyiinta, laakiin markii dambe waa ay kala qaybsameen, dagaallo dhiig badani ku qubtayna way ka dhex dheceen.

Jacfar Al-Saadiq ka dib, waxay shiicadu u kala qaybsameen laba kooxood. Mid imaam uu u ahaa Ismaaciil bin Jacfar , iyo kuwa kale oo imaam uu u ahaa Muusa al Kaadim bin Jacfar, Ismaaciiliyadu waxay tageen xaggaa iyo magaalada Silmiyah ee dalka Suuriya, halkaas ayey ka bilaabeen in ay ku baaqaan madhabka shiicada, waxayna isku dayeen inay dawlad samaystaan, taas oo ka soo bilaabanta Marooko ilaa Masar iyo qaybo badan oo ka mida ah dhulka Sham iyo Ciraaq, waa dawaladdi la odhan jiray Faadimiyiinta. Isla Faadimyiintaai ismaacilyada ahayd ayaa u sii kala qaybqabysantay madhabo dhawr ah, waxa ka mida ahaa kooxda loo yaqaan Duruusta oo soo if-baxday markii uu qarsoomay Al Xaakim bi-Amri-Laah. Waxa xigay khilaafkii ka dhex qarxay imaamkii Al Mustacla’ iyo walaalkii Nasaar oo midba madhab gaara yeeshay, Nasaariyadu urur si qarsoodi ah u shaqeeya oo xooggan ayey samaysteen, waxaa hogaaminayay Al Xuseen bin Sabaax, waxa maanta madhabkaa ka sii jooga kooxda Ismaaciilayada ee u hogaamiyo Aaqaa Khaan, waxaana raacsan ku dhawaad toban malyuun oo shiico ah, xaruntooduna waa magaaladda Boombi ee waddanka Hindiya, halkay kuwii kale ka yeesheen magaca Al-Mustacliya, Iyana maanta waxa loo yaqaan magaca Al Bahra waxaynay sii joogaan Hindiya iyo Yeman.

 Muusa al Kaadim iyo innamdiisi ka dib, Waxa ay ku joogsatay silasiladdii imaamyada shiicadu ninkii laba iyo tobnaad oo la odhan jiray Maxamad bin al Xasan al Caskari, wuxu ku qarsoomay magaalada Saamarraa ee waddanka Ciraaq, in badan ayuuna si qarsoodi ah u waday dacawadda shiicada. Dabadeed waxaa la shaaciyay in uu qarsoomay, soona laaban doono, waxay ahayd kolkaa taariikhdu 329 Hijriya, qoladii raacsanayd waa kuwa loo yaqaan laba iyo toban layaasha “itnaa cashariyah”, waxaana laga wadaa inay laba iyo taban imaam aaminsanyihiin, halka Ismaaciilayadu ay todoba imaam ka aamisnayihiin. Itnaa Cashariyadu waa shiicada uuguu badan maanta ee caalmka joogata, waxay ka taliyaan dalka Iraan. Waxa ayna ku xoogganyihiin dalalka Ciraaq iyo Aderbijaan.

Bandhigaa taariikheed waxaynu uuga gol lahayn in aynu dhugasho u yeelanno loolanka maanta dunida Muslinka ka socda, oo aad u shabbaha kaas aynu hadda kor kaga soo sheekeynay, laba dawladood oo dano gaar ah ku kala loolamaya, dunida kala ee muslinka ahna ugu kala tartamaya sidii ay gacanta ugu kala dhigi lahaayeen, isla markaana uu loolanka awoodaha bariga iyo galbeedkuna si aan qarsoodi ahayn dusha uga maamulayo!.

Kolka aan leenahay aynu kala saarno loolanka danaha la isku hayo iyo ka diinta la isku hayo, macneheedu maaha dagaallada ayaa joogsanaya, laakiin waxa yaraanaya khasaarihiisa, masalada la isku hayaana way caddaanaysaa haddi aan diin lugu so gabban, oo dad badan oo ayna waxba uuga shan iyo taban ahayn baa iskaga dareeraya dagaaladaa ay ujeeddo la’aanta ugu dhammaanayaan. Waxa kale u fududaan karta in xal loo helo dagaalladaa madaama wax la isku hayaa diin aanu ahyn ee ay tahay uun dano gaar ah, ayna runtii tahay in la isku fahmo oo la iskaga tanaasulo. Waxa kale oo inoo kala soocmaya maxaa Islaam ah iyo maxaa aan Islaam ahayn, iyo maxaa kitaabka samada laga soo dajiyay ah iyo maxaa ah fahan Banii Aadanku diinta ka qaatay, iyo maxaa ah dadaal maskaxeed oo fakeraad saxsan ku dhisan, iyo maxay yihiin danaha ciidan caadifadaysan la iska horkeenayo iyadoo diinta hub ahaan loo adeegsanayo.

Qalinkii: Suhayb Cabdiraxmaan

zuheibar@gmail.com