“Waa Markii Ugu Horaysay Ee Dawladda, Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumaddiisu Isku Adeegsadaan Ciidamada RRU – da” Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle

 

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiye-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, ayaa muujiyay sida uu uga xumaaday in cudud ciidan iyo mid dawladeed lagu joojiyo kulankii ay shalay ku qabsanayeen hoteelka Maansoor, waxaanu si cad u sheegay inay tahay markii u horaysay ee ay xukuumadda iyo KULMIYE isu adeegsadaan ciidamada RRU.

 
Xildhibaan Talyanle, oo hadal ka jeediyay munaasibadan oo bedelkeeda lagu qabtay hoteelka Guuleed, wuxuu yidhi  “Waxaa maanta sharaf ii ah inaan la hadlayo waxgaradkii, nin garabeedkii, labeentii Somaliland, xisbiga Kulmiye golihiisii dhexe intii badnayd, golihii fulinta, wasiiro, xildhibaanno, iyadoonay degaan ahayn oo aanay beel ahayn ee ay tahay madal Somaliland isku aragtay oo ay ku bahowday oo taageerayaasha Kulmiye si awood leh oo laxaad leh ay kaga soo qayb galaan iyagoo taageeraya musharaxiintoo kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, waxaa jirtay in xalay madaxweyne xigeenku soo hadlay oo noo yeedhay, oo nagu yidhi subaxnimada Sabtida ha ii yimaadaan saddexda musharax iyo labadayaga guddoomiye xigeeno.”

 

Wuxuu xildhibaanku, intaas raaciyay “Waxaanu isla eegnay arrintaas waxaanuna isla garanay inaanu u tagno. Balankii oo aanu halkaas dhignay ayaa xalay waxay ciidamada RRU-du ku gudeen oo guluf galiyeen hotelkii aanu qadada maanta ka balaminay oo Maansoor ahaa. Ciidankii hotelka joogay waa la qaaday, waa lala wareegay oo meeshii argagax baa laga abuuray. Waa markii u horaysay ee dawladda Somaliland ee xisbiga Kulmiye golihiisa wasiirada, goleyaasha qaranka oo dawladda oo isku duubani ay isku adeegsato RRU. Waa wax aad iyo aad loola yaabo oo aan hore u dhicin. Markii intaasi dhacday ninkii Hotelka lahaa ee ganacsadaha ahaa wuu dano sheegtay oo wuxuu yidhi haddii aanay xukumaddii iyo xisbigiinii is waafaqsanayn meesha dad cadaan ah baa jooga, waxaana madashan inoogu deeqay Cali Cumar Guuleed.

 

Source: Geeska