Waa lagu arkaa!: Sh. Xasan Maxamad Ibraahim

Sida badan dadku markii ay ogyihiin in dad arkayo way ka dhowrsadaan inay fal ama hadal xun ku dhaqaaqaan, walow ay jiraan dad aan xishoonin oo xumaha la badheedha , inkasta oo dadka noocaas ahi ku yar yihiin dadka damiirkoodu nool yahay ama imaankoodu dhaqan yahay.

Sidoo kale dadka in badan oo ka mid ah waxay xumaha isaga daayaan haddiiba xataa ay kaligood yihiin ama ay meel aan laga garaneynin joogaan, cabsi ay ka qabaan in gadaal laga ogaado inay xumaan u dhuunteen, iyaga oo sumacadda ay bulshada ku dhex leeyihiin uga ba’aya in dhaawac soo gaadho.

Xumuhu sidiisaba waa waxa qofku necbeysto in lagu arko isaga oo faraha kula jira sida xadiiskaba ku soo aroortay,dareenka noocaas ahna waa mid ay wadaagaan dadka wax isku falaya ama ka taxadaraya inay bulshada dhexdeeda ku qiimo dhacaan.

Waxaa jira iyaguna dad kale oo iimaankoodu gaadhsiisan yahay inay xumaha isaga daayaan iyaga oo dareensan in la daalacanayo oo Ilaahay arkayo Malaa’igina qoreyso waxa ay sameynayaan, sida ay dadka uga xishoonayaan si aad uga weyn ayey Ilaahay iyo Maaa’ikta uu u xilsaaray diiwaangalinta waxa ay falayaan uga xishoodaan, taasina waxay meesha ka saartaa ama aad u yareysaa inay xumaanba ku hammiyaan ama u holladaan.

Intii ay soo korodhay adeegsiga aaladaha casriga ah ee ay ka mid yihiin tv-ga computerka, internetka iyo telefoonka, waxaa hab dhaqanka dad badan ku soo kordhay inay ku dhiirradaan ama ay u sahlanaato inay ku dhaqaaqaan anshax xumo ay markii hore ka sarriigan jireen in lagu arko.

Tv-ga iyo Video-gu waxay keeneen in dad badan oo shaneemo inay u guurobahalleeyaan ka xishoon jiray si baraadli’i ah u daawadaan filimaan anshaxa bi’inaya, maxaa yeelay marka ay daawanayaan waa ku kaligood dad arkayana ma jiro cabsina kama qabaan in lagu ogaado gadaal danbe inay si xun yeeleen.

Sidoo kale internetku wuxuu sahlay in la iska jibaaxo wax badan oo laga xishoon jiray, wuxuuna suura geliyey in qofku caalam badan oo liita ku xidhmo anashax xumo badanna ka quuto, ilaa ay dadka qaar la gaadhay inay iibsadaan ama lacag ku bixiyaan waxyaabo badan oo ay adkeyd inay fagaare ama dukaanba ka gataan!.

Waxaa kale oo uu sahlay in qofku waxa uu rabo ku hadli karo isaga oo aan ka baqaneynin in la ogaado inuu qofkii hebel ahaa ee xurmada lahaa yahay, taasina waxay keentay in dad badani ay hadal qashin u badan soo daabacaan goor iyo ayaanba.

Dadka qaar waxay soo daabacaan maqaallo aan magac wadanin, waxay isticmaalaan magacyo sarbeeb ah si ay ugu fududaato in waxa ay rabaan ay sheegaan iyaga oo aan u miidaan dayin, mararka qaarna caraatanka ayey aad uga bogtaan dad iyo beelana way jaa’ifeeyaan, kuwo kalena hadal been u badan ayey ka soo qoraan dhacdooyin iyo arrimo ayna goobjoog ka ahayn xogta ay ka hayaana ay yartahay, waxayna u hadlaan sidii ay wax walba wax ka ogaayeen halkii ay ka dhacayeenna xaadir ku ahaayeen!.

Kuwo kale waxay dhufeys kaga jiraan bogagga faallooyinka lagu qoro, eraygii la sheegana erayo badan oo caato ah ama cayb ah ayey kaga jawaabaan iyaga oo aamin ka ah in la garto ama hadhow la raadraaco, dadkaas qaybo ka mid ahina waxaa qoraalladooda ka muuqata inay dad diinta wax ka yaqaanna yihiin mararka qaarna Qur’aan iyo xadiis ayey u daliishadaan waxyaabaha ay qalloocinayaan, waxaana la maleyn karaa inay ku jiraan dad aan laga fileyn inay wax sidaas u liita ku kacayaan.

Kuwo kalena messenger-ka ama chat-ka ayey xaajo xumo badan u adeegsadaan, rag iyo dumar inay kala xishoodaan ay ahayd ayaana dhacda inay foolxumo badan iskula dhiirradaan, maxaa yeelay labadooda midna magiciisa lama garanayo, in ceebi soo gaadhana kama baqanayaan, haddiiba xumaan middaas ka weyn loo sii tallaabana sharafiba dhimatay nin qoyanina biyo iskama dhowro.

Sidoo kale taleefanku wuxuu xero bixiyey dad aan tiro yareen oo rag iyo dumarba leh waxaana caado noqotay in maalin walba laga calaacalo dad aan sharaf badneyn oo dad ayna aqoonin iska wacaya ka dibna xaajo xumo la dardaraya.

Hadal badan oo laga xishoon jiray ayaa taleefanka la isugu qoraa ama lagaga wada hadlaa, marar badanna waxaaba dhici karta in hadalladaas xunxuni foolxumo weyn horseedaan oo mustaqbal dad horaantii dhowrsanaan jiray ku baabo’o, sheekooyinka noocaas ah ee dadku ka sheekeeyaanna xanuun iyo naxdin badan ayey leeyihiin.

Waxaan is weydiiyey tolow ma shaki ayaa dadka kaga jira in ilaahay arkayo الم يعلم بأن الله يرى ama ay weheliyaan labo malag oo waxa ay sameeyaan ama ku hadlaan qoraya?مَا يَلْفِظُ مِن قَوْلٍ إِلَّا لَدَيْهِ رَقِيبٌ عَتِيدٌ Dadka xumaanta dadka kala dhuumanayase ma makhluuqa ayaa Ilaahay kala weyn?.

يَسْتَخْفُونَ مِنَ النَّاسِ وَلاَ يَسْتَخْفُونَ مِنَ اللّهِ وَهُوَ مَعَهُمْ إِذْ يُبَيِّتُونَ مَا لاَ يَرْضَى مِنَ الْقَوْلِ وَكَانَ اللّهُ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطًا

Ceebta adduun ee ay ka cararayaan miyaase tan aakhiro kala weyn? mise in dad laga xishoodo ayaa kala muhiimsanaatay in Ilaahay laga xishoodo? Ilaahow na astur aakhiro iyo adduunba.

Waxaan aad ugu bogay mowqif uu qaatay nin dhallinyaro ah uu ka sheekeeyey Sh. Maxamad al-cawadi , wuxuu Sheekhu sheegay in wiilkaas dhallinyarada ah ay qof dumar ahi soo wacday haddii ay sheekadi billow istidhina wuxuu ku yidhi anigu dumarka lama hadlo wixii aan maxaarimtayda ahayn, markaasey ku tidhi oo maxaad ka baqaneysaa? Waa markii iigu horreysay ee aan arko nin dumar ka baqanaya! Wuxuuna ugu jawabay taleefanka waa la dhageysanayaa, markaasey tidhi oo yaa dhageysanaya ? markaasuu yidhi Ilaahay baa dhageysanaya, ka dibna taleefankii way goysay.

Marka aynu taleefanka direyno haddii la ina dhoho taleefankaaga sirdoonka ayaa dhageysanaya waan is ilaalinnaa si taxaddar leh ayaana loo hadlaa, waxaase wax laga naxo ah inaan sidaas oo kale ugu yaraan Ilaahay looga cabsanin hadalkana aan loo aabo yeelin xumaan iyo samaan, iyada oo la og yahay in sirdoonka laga xeeladeysan karo laakiin aan Alle laga xeeladeysan karin.

Adeegsiga qalabkan iyo ka taxadarka xumaanta uu wato wuxuu imtixaan culus ku yahay qof kasta oo iimaan leh, hab adeegsigiisuna wuxuu muujinayaa heerka iimaankiisu joogo, in qofku marka dad arkayo is ilaaliyo marka uu keligii noqdana uu wax walba dabaasho waa camalkii munaafiqiinta, waana laba wajiilanimo iyo damiir xumo ay tahay in qofku naftiisa uga turo.

Marka aynu dadka iska qarineyno ee aynaan Ilaahay iska qarineynin waxaad mooddaa inaynu aad uga sii liidanno gorayadii la sheegay inay madaxa ciidda ku aasto marka ugaadhsaduhu soo gaadho iyada oo is leh malaha sidaasaad kaga dhuuman kartaa, ficilka noocan ahina mararka qaar wuxuu ku xusuusinayaa xeeladaha carruurtu mararka qaar isku dayaan inay waalidkod ku khayaameeyaan ee haddana iska muuqda. Ogsoonoow wax waliba oo aad faleyso ama odhaneyso in lagu arko, iska daa ama ku dhaqaaq adiga oo is leh waa lagu arkaa, waana run oo waa lagu arkaa, cir iyo dhulna meel Ilaahay kaa qarin karta la soo waa.

Qalinkii: Sh. Xasan Maxamad Ibraahim

xasanyare@msn.com