Waa La Sumeeyey! W/Q: Ceelaabe

Aduunka oo dhan waxa laga Maqlaa dad lagula kacey falal isku day dil ama lagu Khaarajiyo Qorsheyaal aan Sharci aheyn.Qofkastaa Sidii iyo Habkii ilaahey ugu Talo galay Ayuu u dhiman doonaa,Wuxuuna Dunida ka tegi doonaa Marka ay Saacadiisu dhamaato,Wakhtigiisiina la gaadho.Haddana iyada oo ay sidaasi tahay  waxaad Maqleysaa Marar badan in la dilo dad Nolosha loo Quudhi waayey ama Noloshoodu ay Dhib ku tahay Dad kale oo nool.Waa dhab dadka Xun ama Bulshada dhiba haddii la dilo ama la Laayo Waxa suurta gal noqoneysa in la baabiyo Ficiladii xumaa ee ay Bulshada ku dhex faafin Jireen sida Tusaale ahaan Tuugta,Hase ahaate haddii bal ka waran la laayo ama la dilo Hadba inta bulshada ugu Wanaagsan,ugu Aqoonta badan,Ugu cilmiga badan ama ugu Maskaxda badan,Haddii kuwani loo soo Jeedsado Macnaheedu muxuu Noqonayaa.

Aduunyadani aynu ku noolnahay waxa Taariikhdeeda ku sugan Dilal iyo falal Qorsheysan oo lagula kacey Dad loo arkey in ay cadow ku yihiin Nolosha iyo danaha dad kale.Haddii inta wax ma garatada ah ee Jaahilnimadu ay biyo dhigtey Isla markaasina bulshada ka geysta Tacadiyada foosha  xun  la laayo,Dhinaca kalena waxaaba Dil iyo Xadhig lagula kacaa Dadka inta ugu maskaxda badan ama Aqoontoodu ay Noqoto Mid cadow ku ah ama Fashilin Dadka Danaha dhaqaale ama Siyaasadeed wadamada Aduunka in badan oo ka mid ah ku Heysata.

Wararka Aduunka Ayaad ku Maqleysaa,Nin siyaasi ah oo si hoose loo diley ama Khaarajiyey,Waxaad Maqleysaa Qof maalqabeen ah,Fanaan ah,Ciyaar yahan ah,Siyaasi ah,Qoraa ah,Sarkaal Ciidan ah iwm oo ka badbaadey Isku day dil lagu doonaayey in lagu Dilo.Dad badan oo Basaasiin ah Ayaa marka danbe aakhirka ku waaya Naftoodii Qaaliga aheyd Falalkaasi ay inta badan ku soo Jireen.Madaxweynayaal Aduunka soo marey ama Hogaamiyayaal Ayaa Qaarkood la rumeysan yahay in isku day dil lagu Khaarajiyey,Kuwo Diyaarado la rabey in ay ku Qarxaan oo ka badbaadey,Kuwo Cuntooyin wax loogu daro,kuwo Xabado lagu Waxyeeleeyo intaba.Wararka wakhtigan Ayaad ku arkeysey iyada oo la baadhaayo sida iyo habka uu ku dhintey Madax ama Masuul xil ka soo qabtey wadankiisa.Dad ayaa u xidhan dilal looga shakiyey ama Basaasnimo looga soo direy wadan kale.Dil lagu Khaarajin lahaa Ayuu ka badbaadey markaad warka ku Aragto Waxaad ogaaneysaa mar inta qofkaasi la neceb yahay ama uu leyahay Mucaarid ka soo horjeeda,Marna waxaad ogaaneysaa in aan Nafna baxeynin inta laga gaadhaayo wakhtigii loogu talo galay marka uu ka badbaado Qarax ama isku day dil.Waxaad ka badbaadey isku day dil ay kula damacsanayeen Mucaaridka kaa soo Horjeedaa.Waxa ka sii Daran waxaad ka badbaadey dil ay ku dhigeen Ilaaladaada gaark ahi.

Wadamo badan Ayaa aduunka Siyaasad xumo dhex taalaa la xidhiidha dilal Qorsheysan oo ay ka fuliyen wadan kale ama Qof lagu dhex diley Wadankooda,Qof caan ah ama Siyaasada ku lug leh oo si ku talo gal ah loo Diley iyada oo cuntada Sun loogu darey ama habab aan ka fogeyn loo Diley.Kuwa Af gembiga ama isku dayga Siyaasada Xilka wadanka u mara Jid ka baxsan doorasho iyo codeyn Ayaa inta badan la kulma marka la fashiliyo Dilal iyo Xadhig.Qaar badan Ayaa dibadaha u baxsada ama wadanka cago Jugleyn iyo Rafaad ku qaba.Hogaamiye wadanka isbedel ka sameeyaa Wuu yar yahay marka la eego Tirada dadka aan Waxba ogeyn.5 Qof Ayaa laga Masaafurinayaa wadanka iyada oo Balaayiin kale ku noolyihiin,Tolow tiradaasi yar maxaa Dawlada tusey ama ay uga Baqeysaa.

Markaad Dhageysato wareysiyo ama Daawasho madax iyo Siyaasiyiin ama Aqoonyahano ka badbaadey dilal qorsheysan Kuwaasi oo Cuntooyin Xitaa sun loogu soo Darey Waad Naxeysaa.In qofka la dilo iyo in uu Isagu is dilo Ayaana kala duwan.Muxuu qofku isku dili karaa Waa su,aal kale,Maxaase loo Dilayaa Ayaa  ah mida inta badan Qoraalkeena sare ku Koobnaa.Taariikhdeena Ayaa xitaa laga soo Helayaa in boqolaal qof ah oo ah Markaasi dadkii bulshada ugu Mudnaa dhinaca Aqoonta in hal mar meel isku mid ah lagu Dili jirey,Kuwa ka badbaadey Ayaa u ah dhaxal bulshada uga warama Dhibtii iyo Dhiigii maalmahaasi dhayalka ku soo daatey.

Siyaasad,Arimo dhaqaale,Arimo Qabiil,Magac iwm Ayaa dad badan loo diley iyada oo loo Xaasidey in ay La wareegaan ama ka hadlaan Arimihii wakhtigaasi taagnaa.Kuwa badan oo kalena Caashaq iyo Jaceyl Ayaaba Madax marey ama awgii Ayaa loo sumeyey markii Khilaaf soo kala dhex Galay ama dil badheedh ah Ayaa la isku soo Qaadey.

Todobaadyadii ugu danbeeyey waxaan Marar kale duwan wararka ka Akhristey Cuntooyin dhacey oo la Gubey,Dawooyin Khatar am ama dhacey oo wadanka la soo Geliyey ama Dhibaato gaadhsiin karta Caafimaadka.Waxa kale oo aan Maqley dad ku sumoobey cunto ay cunaaan ama Hilib ay cuneen,Tiro ku dhow 60 Ayaan meel ka Akhriyey Ka tirsan gobolada somaliland.In cunto lagu sumoobo iyo in Dawo lagu sumoobo Midka khatarta ah adiga Ayaa sheegi doona,Waxaase halis ah in La maqlaayo dad ku sumoobey Cunto ama hilib,iyada oo wadanka waxa la soo geliyo ama la keenaa uu yahay inta badan wax aan dawladi la soconin,iyada oo la og yahay in Xitaa Alaab dhacdey dib wakhti cusub loogu dhejiyo ama sameeyo si suuqa loogu iibiyo.

Marka laga tago dadkaasi Sumoobeyna waxa kale oo Jirtay in aad Maqashey Qof sun cabey oo Suuqa cusbiga Xamaam la galey isla markaasina Dhakhtarka loola cararey,Dhinaca kale Mid ka mid ah Askarta SPU Ayaa xarunta C.I.D isku dhex Diley sida wararku ay Sheegayeen iyada oo la lahaa warqad Qoraal ahna waa laga helay,Dhimashada noocani ah iyo Fikrado la xidhiidha dilalkaasi Waxa aynu dib ugu soo Diyaarin doonaa Qoraal kale hadii ilaahay Yidhaahdo wakhtiyada soo socda.

QALINKII

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com