Waa Kuma Wasiirka Macdantu? Somaliland Maxuu ka Hergalieyey?

Xuseen-Cabdi-DucaaleWaa wasiir afgaaban ,shaqo badan , xidhiidh qoto-dheer la leh caalamka saliida , waa nin dhexdhexaad ah ,waxaa uu ku jirra wasiiradda Quraba jooga ah ee cilmigooda dib ugu soo ceeliyo dhulkooda hooyo isagga iyo Wasiira dhawr ah, Waxaa uu aqoontiisa Dugsigi sare ku qaatay sheikh Secondary School oo haldoorka somaliland ka soo bilow Madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland iyo kii labaad alle haw naxariiste Cabdiraxmaan Axmed Cali,Maxamed X.Ibraahim Cigaal ,Madaxweyne Siilaanyo dhamantood waxay ka soo baxeen sheikh.

Wasiir xuseen waxa uu bartay cilmiga Injineerka Bataroolka oo ka dhigtay University of Oklahoma kaaso muddo dheer ugu shaqeynaayay shirkadda saliida ee chevron ee dalka Maraykanka ,waxaanay shaqadiisu aheyd maamulka mashaaricida ,taaso maanta u sahashay inuu Somaliland oo aan la ictiraafsaneyen heshiis shidaal badhis ah uu la galo afar shirkadood .

Wasiir xuseen intii uu xilkan hayey waxaa uu maaligalin ka helay qeybta biyaha EU-da 20 million dollarka maraykanka kuwaaso biyo balaadhin loogu sameynaayo caasimadda hargeisa , hirgalintiisuna waqtigan ay heysoo wasaaradda Biyahu, sido kale wasiirku waxa geed dheer iyo mid gaaban-ba u koray in bal dalka laga hirgaliyo tamar badasha saliida culayska iyo qaaliga isku darstay ee laydhka magaalooyinka dalka taaso mashruuci koowaad ay ka wada shaqeeyeen hayda Usaid ee marayknaka ,Shan marwaxadood oo tamrta cuboonata ah ka sameeyen madaarka hargeysa islamrkaana marwaxdiiba waxay sameynaysa tamar dhan 25 kwt ,waxaanay gabi aahanba dabooleen baahidi leydh ee Garoonka Cigaal International oo u baahna boqlkii ba soddan tamrta shanta marwaxadood .

Tamarta laydh ka dhalinta dabaysha ayaa gabi ahaanba ka socta gobaladda dalka sida Berbera boorma burco caynaba laascanood iyo hargeysa oo bar bilow u aheyd ,
Waxaa jirra qolyo jecel inay faafiyaan inta xun ,khilaaf cay aflagaadada maalin cid isu jawaabaysa , iyo Fawdo in dalkeena laga fuliyin wax horumar ah gaar ahaan maalgashi dibadeeda ,ok hadaba waayahay khayraadka dalkeena ma waxay rabaan in saacada qiyaama ka so gaadho waatan la diiday ,horeeysa iyo danbeysaba in talaabo dhanka guusha lo kace?

Waxaan odhanayaa argtidayda ii gaarka ah aniga maanta hadii macadan qodistii u horeysya dalkeena laga fuliyey ,oo heshiis taarikhi ah xukuumadda hogaanka haysa la gashay shirkadda ARC, waa talaabo horumarineed ,dhaqaale ,siyaasi,iyo mid maalgashi ,maxaa yeelay macdanta biriliyam ee dadkadda Berbera dhawaan laga dhoofin doona ,waxay keeni doonta Dhaqaale Miisaniyadeena iyo inuu shacbkuba ku diirsadaan .
Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale taarikhada waxaa uu ku galaya Macdanta dalkeena maanta laga soo saaray oo shaqo abuur u sameeyn doonta boqolaal ka mid ah shacabkeena gaar ahaan dhalinyarta ,taas faa`idaadu noqonayso mid cid walba gaadha ,hore hadii aynu Berbera uga dhoofin jirnay neef adhi ah ,hada waxa laga diri doona macdan .

Dhanka Deeganka Siimoodi Ee Dagmada Baki waxaa uu noqday buqcadii u horeysay ee ay Somaliland Macdan Tijaari ah oo rasmiya ka hesho ,taasi waxay sumcad iyo maamuusba u noqonaysa deegaankaas iyo dadkiisa oo muujiyey geesinimo iyo guurti ,iyagoo jecel goorkasta inay xukuumada ku garab istaagaan horumarka iyo guusha dalkeena ,hadii awal siyaasiga iyo koofiyad bacalaha Hargeisa jooga taar dheereya u diri jiray deegankiisi oo uu kicin iyo mala`awaal ka shaqeyn jiray, imka yur bay dhaheen waxgaradkii iyo aqoonyahankii deeganada Somaliland cidhif ila cidhif ,shuushka iyo suuska hore-na sufeynteeda iyo Nadifintooda waa lagu jiraa ee cid danbane yaanay ku soo hungoobin.

Somaliland dhawaan waxay laga baran doona suuqyada caalamka mageecduna waxaa uu ku biiri doona dowladaha aduunyadda laga helo Macdano iyo khayraadka kala duwan , maadamo ay macdanteedii la bartay taasu waxay muujinaysa in hayaanka dib curashada aqoonsigu uu tubtiisi hayo.

Ugu danbeynti waxan halkan hambalyo uga diraya Wasaaradda Macadanta iyo Tamrta Jamhuuriyadda Somaliland oo aan aminsanahay in Dalkeeni kaalin weyn uga ciyaarto ictiraafka oo shirkasta oo ah laga hadalyo saliid ama macdan kur ugu qaaday Magaceeni marlabaad waad mahadsantihiin hawlaha Qarankan Curdinka ah aad u haysaan allena haydinla garab galo .
Mohamed Maclim
Macalinm11@gmail.com