Waa Kuma Wasiirka cusub ee Wasaarada Maaliyadda Somaliland? – W/Q: Adan Yusuf Elmi

Ka dib markii uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo digreeto uu soo saaray isugu jirta magacaabis iyo xil ka saarid , ayaa waxaa aad loo hadal hayey xubnaha cusub ee uu xilalka u magacaabay iyo kuwa ay yihiin. Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa cidda uu yahay Wasiirka cusub ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Mudane, Cabdicasiis Maxamed Samaale, kaasi oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo u Magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaarada Maaliyada,isla markaana maanta si rasmiya xilkeedii ula wareegay, taasi oo ay hawlaheedu yihiin kuwa aad u adag, hadaan si kale u dhignana waa lafdhabarta ay ka dhaqaaqdo dowlad kasta, arintaa daradeed aan dib ugu noqono, wasiirka cusub inuu leeyahay aqoontii hagi lahayd wasaradaasi, si aynu u helno taasi, aynu soo qaadano taariikhdiisii dhinaca aqoonta iyo shaqada. Md,Cabdicasiis Maxamed Samaale waxaa uu dhashay 20kii Nov-Sanadkii 1960-kii, waxaana uu ku dhashay Magaalada Arabsiyo , waxa uu waxbarashadiisii hoose ku qaatay Dugsi hoose oo ku yaalay Magaalada Wajaale , sidoo kale waxbarashadiisii dugsiga Dhexe waxa uu ku soo qaatay Dugsi ku yaal Magaalada Alaybaday, halka uu dugsiga sare uu ka soo baxay dugsigii farsamada gacanta  (” ITB”-Burao technical institute) ee ku yaalay Magaalo madaxda G/Togdheer.

Md, Cabdicasiis samaale waxa uu ka baxay Kulliyadii Lafoole, waxaa kaloo uu ka  qalin jabiyay Machadkii Culuunta Maamulka Horumarinta & Maareynta SIDAM ee Muqdisho ku yaalay.

Waxa uu tegay badhtankii sideetanaadkii dalka Yemen, halkaas oo uu ka soo shaqeeyay ,isla markaana uu ka noqday Macalin wax ka dhigi jiray Dugsiyada sare ee ku yaala Caasimada wadankaasi Yemen ee Sanca.

Sanadihii 1986-1991 waxa uu ka furay Caasimada Yemen , xafiis weyn oo SNM lagu tageero , halkaas oo gudoomiye loogu doortay, uuna ka hawl galayay ilaayo xiligii halganka.

1996 ayuu dalka dib ugu soo laabtay , ka dib Md. Samaale waxaa uu ka mid noqday Ganacsatada iyo Odayaasha talada Gobolka looga danbeeyo , isaga oo qayb libaax ka qaatay horumarka Somaliland.

Waxa uu bilaabay hawlo ganacsi oo badnaa iyo weliba isagoo ka qaybqaatay horumarinta dhinaca waxbarashada , isla-markiiba waxa uu unkay dugsigii waxbarashada Ileys iyo weliba dugsigii farsamada gacanta hargeysa oo uu ka hirgeliyey qayb lagu barto Maamulka , ilaa hadda goobaasi dhamaantood si fiican ayey u shaqeyaan, waxuu kaloo ka hirgeliyey Magaalada Hargeysa wershadii ugu horeysay ee Biyaha soo saarta.

2002 waqtigii dalku u guuray nidaamka asxaabta waxaa uu ka mid ahaa xubnihii rukunadii ama asaaska ahaa, isla markaana la kowsaday Xisbiga Kulmiye oo markaasi uu ka noqday Xubin buuxda Golaha fulinta iyo weliba xubin kale oo golaha dhexe ahba, halkaas  oo uu xisbiga kulmiye doorashadaasi degaanka ka mid noqday sadexdii urur , una gudbay sadexda xisbi Qaran.

2003 shirkii ugu horeeyey oo lagu doortay musharaxa kulmiye Madaxweynaha Axmed Siilaanyo iyo musharaxa madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxman awcali faarax , kaas oo lagu qabtay guriga shaqaalaha hargeysa , md samaale waxuu ahaa masuulkii shirkaasi hagaayey, markii doorashadaasi la guda-galay waxuu ahaa masuulkii maamulka doorashadaasi , waxaana doorashadaasi lagu kala badiyey 80cod oo uu Xisbiga Udub guushii ku raacday.

Sanadkii 2005 ayaa xisbiga kulmiye u fasaxay inuu musharax uga noqdo golaha wakiilada gobolka maroodi jeex , waxa uu ka qayb galay doorashooyinkaasi, isla markaana waxuu ku guuleystay xubin g/wakiilada ka tirsan ,isagoo ahaa sideedii xubnood ee Kulmiye ka helay G/Maroodi-jeex ,isla markaana waxuu ahaa xubnihii ugu codka badnaa gobolkaasi, waxa kaloo ugu gudbay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee G/wakiilada, jagadaas oo ilaa hadda hayey, Md, Samaale oo ka warama sida uu ku noqday shirdooonka golahaaasi , ayaa sheegay, in isbaahaysi dhexmaray laba Xisbi Ucid iyo Kulmiye ayey noo suurta-gashay ayuu yidhi , in Xisbiga Ucid uu helo Gudoomiyaha G/wakiilada saaxiibkay Md.Cabdiraxman Maxmed Cabdilaahi(Ciro), halka gudoomiyaha ku xigeenka kowaad oo aniga ahaa iyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee wakiilada oo isna saxiibkay Md.Baashe Maxamed Faarax ay heleen Xisbiga Kulmiye , ka dib waxuu yidhi, waxaanu dhisnay mucaarad adag , oo xukuumada waxii ay hagaajinaysana ku tageera , waxii aanu u aragno inay qaldanyihiin , ku diida.

 2008 shirkii labaad ayaa hadana markale loogu doortay musharaxa kulmiye Madaxweynaha Axmed Siilaanyo iyo musharaxa madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) , md samaale ayaa hadana ahaa masuulkii shirkaasi majaraha u hayey, markii doorashadaasi la guda-galay waxuu ahaa masuulkii maamulka doorashadaasi , waxaana doorashadaasi aqlabiyad xoogle ku guuleystay Xisbiga Kulmiye.

  Md Samaale oo ahaa Gud 1aad G/wakiilada Somaliland ,ka hor intaan loo magaacabin xilka wasiirnimo ee wasaarada Maaliyada Somaliland, ayaa caddeeyay inuu iska casilay xilkaas iyo guud ahaan xubinimada golahaas,waxa uuna ka tirsanaa golaha Wakiilada tan iyo 2005tii ,  taasoo ka dambaysay markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay wasiirka cusub Maaliyadda.

  Wasiir Cabdicasiis Samaale waxaa uu iga waramay dareenkiisa ku wajahan xilka uu ka tegay iyo ka cusub ee uu qaatay waxa uu sheegay;“Xilka iminka iminka lay magacaabay wuu ka hooseeyaa xilkii aan hore Qaranka ugu hayey, haseyeeshee xil lay gartay weeye ,waad  ku qasban tahay inaad aqbasho; sidaan markii hore xilkii hore Ilaahay dartii ugu hayey ayaan kan cusubna u aqbalay, waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu ii fududeeyo.

ugu danbayn Waxa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyaddu tilmaamay inuu xilka loo dhiibay uu si daacad ah ummadda iyo dalkaba ugu adeegi-doono, “Waxaana aan u arkaa ayuu yidhi ,  xil aad iyo aad u culus, waxaanan Ilaahay ka baryayaa inaaan noqdo kii xilkaasi uu qaaday Ilaahay dartii u guta.
Mudane samaale ayaa ahaa xildhibaanadii ololihii doorashada madaxweynaha ,sida weyn uga soo qaybqaatay, waxaana uu si weyn uga dhexmuuqday Xisbiga Kulmiye,

Md. Samaale dadka yaqaana waxay ku tilmaamaan nin karti badan , oo musuqmaasaqa iyo wax isdaba-marinta aad u neceb, isagoo waqtigaasi doorashadii ugu danbaysay aad ugu taami jirey in xukuumadii Rayaale xididada loo siibo, isla markaana ay talada dalka gacanta ku qabtaan Xisbiga Kulmiye.

   Dadka siyaasada Somaliland aadka uga faalooda ayaa isku raacsan, in wasiirka cusub ee maaliyada md, samaale yahay shaqsi karti badan, daacad ah , caan ku ah nin talooyinka dadka dhegaysta ,deganaana u dheertahay,isla markaana wadaad ah, Loogana baqayn hanti leexsi, isla markaana gudankara xilkaasi loo magaacabay, marka loo eego aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa uu leeyahay, waana masuul ka talaabsankara, xaalada xiligan ku gadaaman Wasaarada loo magaacabay, aqoon ahaan ka talaabsan kara hawlaha horyaala ee wasaaradiisa, isku soo wada xooriyoo magacaabista Md,Samaale ayaa dad badan u arkaan inuu ku haboonyahay booskaasi loo magaacabay, waxaana aan kula dardaarmaynaa oo aan leenahay ,” lagu dooraye, dalkaaga iyo dadkaaga u adeeg”

Hawsha hortaala Wasiirka cusub 

Xildhibaan Samaale ayaa intii uu siyaasada ku jirey shaqadiisu u  badnayd golaha wakiilada ,ayaa waxaa horyaala gudashada waajib adag ,waxaana hortaal shaqo aad u weyn oo ka baaxad badan tii hore u hayey, wasiirka cusub ma noqon doonaa masuul ka baxa , xilkaasi balaadhan ee horyaal ? , taarikkhda ayaan u dayn doonaa.

By, Adan Yusuf Elmi