Waa Kuma Muwaadinka Maalkiisi Dib U Galiyey Dalkiisa?

Waxaanu shaki ku jirin,inti Dalka dib loogu soo noqday ee 21-ka sannadood ka soo wareegtay, inay soo baxeen Muwaadiniin maalqabeeno ah oo aan ka yarayn ilaa dhawer iyo toban, kuwaas oo ah kuwa ugu hantida badan ama maalqabeenada Dalkan ah.

Haddaba,goorma ayuu muwaadinku muujiyaa inuu yahay,muwaadin ka turjumaya wadaniyada ama muwaadin-nimadiisa….iwm..?

Wuxuu ka turjumaa marku maalkiisa ama dakhligiisa ka soo gala shicibkiisa dib ugu celiya ama  Dalkiisa,ee uu shaqooyin kala duwan u abuuro,muwaadiniinta dalkiisa,isagoo uga faa`idaynaya da`yarta Jaamiciinta ah,kuna soo kordhinaya bilicda magaalooyinka waaweyn,fooqaq casriya oo  dhaadheer,isla markaana la jaan qaadaya dhismayaasha dalalka horumaray…iwm,ayaa ka turjumaya wadaniyadiisa iyo muwaadin-nimadiisa DHABTA ah.

Halkana laguma soo koobi karo shirkada u hagar baxday dhismayaasha bilicda san,isla markaana gacan buuxda ka gaysata arrimaha bulshada ee dhinac walba leh,sida kaalmooyinka  abaaraha,Caafimaadka,Waxbarashada iyo baahiyaha kala duwan ee arrimaha bulshada guud ahaan iyo gaar ahaanba.

Haddaba,markaan u iftiimiyo shicibka,taariikhda iyo wax qabadka,Shirkada Xawaaladda Dahab  Shiil,isla markaana is barbar dhigno halkay ka bilowday ama uu ka bilaabay Muwaadinka uu  Ilaahay[sw] deeqda u siiyey magacan iyo halka ay maanta marayso,waa kaaf iyo kala dheeri .

Haddaba ,muxuu ku kasbaday ama uu halkan ku soo gaadhay maanta…. ? Jawaabta su`aashan Qallinku ma soo koobi karo,balse waxaynu ka soo qaadan doona,inta ugu muhiimsan ama qodobka ugu muhiimsan ee halkan soo gaadhsiiyey. Waxaana dulucda iyo dulmarkeeda soo koobaya qodobadan sida:- Adeega Hufan, Amaanada, Daacadda, Maamulka iyo Maaretnta Mustafaysan ee Aqoonta iyo Cilmiga koobsatay ee uu  Illaahay [sw] ugu deeqay shakhsiga inta  Illaahay [sw] ka sokaysa Mas`uulka ka ah ama Shirkadanba Aasaaskeeda iska leh.

Waxaynu fasiraad gaaban ka bixinayna ama isku dayeynaa, Erayga AMMAANADA. Ammaanada waxaa diiday Dhulka & Cirka,waxaana Xambaaray ama qaatayba Aadamaha,waana Eray Miisaan  Culus leh,oo Aadamaha lagu Imtixaanayo. Cidda Ilaahay[sw] garansiiyo ayuunba u xil bixi karta, isla markaana gaadhsiin karta u hayn karta cidda u dhiibatay ama loogu dhiibay oo garanaya hawsha & dhibka ay leedahay.

Waxaana u suurto galiyey haynta iyo gaadhsiinta Ammaanadan, Daacadnimadiisa,Hawlkarnimo iyo Isagoo ku xisaabtamaya, Aayadaha Qur`aanka ee ka waramaya AMMAANADA iyo sida loo adkeeyey in loo Ilaaliyo ……iwm. Waxaana kuu caddaynaysa sida uu uga Feejigan yahay ee  taxadirka iyo degenaanshaha leh,sida fudud ee uu daafaha dunida Gaal iyo Islaamba wixii loogu  dhiibo halkiisa ugu gaynayo. Isla markaana ay dadyawga Jinsiyadaha kala duwan lihi ugu qanacsan yihiin,adeegiisa hufan ee Nadiifta ka ah,wax kasto carqalad ama Sumcad xumo ku keeni kara hawlihiisa ballaadhan ee dunidan ku baahsan,si adagna uga tabaabulshaystay Col Horti haystana xadhiga Ilaahay[sw], kuna hamiyaya inu Xafiisyadiisa ku fidiyo Qaaradaha kala  duwan. Waana shirkada Qudha ee Xafiisyo u adeega Jinsiyadaha kala duwan ee ku nool Qaaradaha aynu kor ku xusnay ku leh xafiisyo,waxa sidaasi yidhi,Maxamed Jaamac.

Mana  jiraan maanta xawaalado kula tartami kara,degdegsiiyo,adeeg hufan,maamulka iyo maaraynta Mustafaysan ee Casrigan la adeegsado. Waana shirkada hantideeda ma guurtada ah ku kasbatay macaamiil kor u dhaaftay 4.5m. isla markaana ay ku soo qulqulayaan macaamiil cusubi,maalinba maalinta ka dambaysa; iyagoo Aaminsan kuna qanacsan Hantidaas ay gaarka u leedahay shirkadu, Dammaanad buuxdana u noqotay macmiisheeda daafaha dunida ku baahsan,hadday malyuunaad dhigtaan kalsooni buuxda ku qaba inaanay hantidoodaasi ka lumayn intay doonto ha gaadhee.

Intaa markaan ku dhaafo xawaaladda Dahab Shiil,waxaan si kooban uga warrami doona Shirkada Isgaadhsiinta ee  SOMTEL. Waa shirkad da`yar oo wakhtigan xaadirka ah si xawliya u  socota,waana shirkada ugu da`yar shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalkan ka hawl gala. Waana shirkada ka hor marsan shirkadaha kale,waayo,mudada yare e ay jirtay ayey ku kasbatay macaamiil aad u tiro badan,isla markaana maalinba maalinta ka dambaysa ayey kor u sii  kacayaan macmiisheedu.

Haddaba,waxaa in la isweydiiyo mudan,sideebay halkan ku soo gaadhay mudada yare e ay  jirtay  Shirkadani ….? Waa su`aal dhinacyo badan taabanaysa halkana aan lagu soo koobi karin, balse aynu ka soo qaadan karno in kooban. Waa marka hore labadan shrkadood waxaa iska leh muwaadiniin S/ Lander ah,mana aha mid sida shirkadaha kale ee laga leeyahay Jabuuti iyo Koonfurta Soomaaliya,oo dakhliga ka soo gala shicibkeena looga faa`ideeyo dalalkaas iyo meelo kaleba. Labadan shirkadood ee aynu kor ku soo xusnay,waxay muujiyeen oo marag ma doon ah Wadaniyadooda iyo muwaadin-nimadooda dhabta. Waayo, waxay dakhligi shicibkooda ka soo  galay dib ugu celiyeen cidooda lama dhaafaanka ah iyo shicibkooda macmiisha u ah,gaar ahaan Shirkada isgaadhsiinta ee SOMTEL,inta badan waxay dib ugu celisaa dadweynaha ugana  faa`idaysaa mashaariicyo kala duwan oo ay dadku ka faa`idaystaan,gaar ahaan da`yarteena, waana shirkada xaga isgaadhsiinta ugu Qiimo jaban. Shicibkooduna u qirayaan inay yihiin Muwaadiniin dal iyo dadba u adeegaya,isla markaana qayb weyn ku leh horumarka dalkan,ee soo jiidanaya shisheeyaha,kuwaasoo ku soo dhiiranaya inay ka soo qayb galaan maalgashiga dalkan……iwm

Waa inu muwaadinku mar walba meel kasto uu joogaba,maskaxda ku haya maahmaahda odhanaysa, CAWS  JIILAAL WAA LAMA HURAAN,oo uu macnaheedu ka turjumayo  Wadaniyada, sida muwaadinku ugu jeelan yahay dalkiisa,marku dal shisheeye joogo ama ku nool yahayba, hilowga uu dalkiisa iyo dadkiisa u soo hiloobayo,halkan laguma qiyaasi karo. Sidaas darteed, meel kasto uu joogo muwaadinku dalkiisa iyo ciiddiisa wax u dhaama ama uu siisan karaaba ma jirto. Waxaanan u soo jeedinaya muwaadiniinta hantida haysata inay dalkooda gashadaan,sida labada shirkadood ee kor ku xusan,faa`iido mooye khasaare kuma dhacayo.

Waxaa inta u raaca shirkada dahad shiil.waxay dalka keentaa badeecooyin kala duwan,sida Bariiska,Sonkorta,Daqiiqda,Baastada,Saliida cuntada….iwm. Waana shirkada qudha ee muwaadinka jumlada kaga iibsada,aan garab urdin,ka dabo gayn ama aan kaaryoone daba dhigin oo halkeeda ku eeg.isla markaana muwaadiniin badani ka faa`idaysteen arrintaas oo u abuurtay shaqooyin badan oo hore leh.

Waxaan ku soo xidhaya oo aan leeyahay muwaadiniinta ha lagu daydo,maamulka iyo maaraynta mustafaysan ee labadaas shirkadood,Cadaaladda & Daacadnimada ay ku wadaan ama ay ku hoggaaminayaan shirkadahooda oo ku dayasho mudan.

Qalinka Daneystahu Waxba u Dhimi maayo Wax qabadka iyo horumarka Shirkadda Dahabshiil

Waxa mudooyinkan dambe aad iyo aad ugu soo badanaya Saxafadda madaxa banaaan qoraalo ka been sheegaya wax qabadka dal iyo dadba leh iyo horumarka ay gaadhay shirkadda Dahabshiil Group.”
Shirkada Dahabshiil oo ah Shirkada Keliya ee si Wadannimo leh dalkeeda uga fulisa Mashruuc Kasta oo wax tar u leh dadkeeda iyo wadankeedaba hadii ay tahay Maalgashi,Dhismayaal Bilic leh iyo kuwo lagu samaynayo Da’yac tirba sida Caafimaadka Guud.
Waxaan shaki ku jirin in mudooyinkan dambe ay soo baxeen war xumo tashiil ku qanacsan mijin jaada oo caado ka dhigtay ama ay caadaba u tahay ii dhiib anaa waafin,buunbuuninteeda aanu ku jahayneyno dadka shirkadda Dahabshiil,oo ka dhigan xaasid nimo aan meelna aan loogu soo gaban oo iska cad u jeedadeedu.
Taas oo ah mid aan waxba u dhimeyn hawlaha ama adeegyada ay shirkadda Dahabshiil umadda u qabato ,taana waxa u daliila xadiiska halkan ku cad,Abu laysa(RTC)wuxuu yidhi sadex ayaan ducadooda la aqbalin,xaaraan cunka,Xanta badsade iyo qalbiga xumaan iyo xaasid nimo ugu haya dadka muslimiinta ah.
Abu Laysa [rtc] wuxuu yidhi,saddex ayaan Ducadooda la aqbalin, Xaaraan Cunka, Xanta badsade iyo Qalbiga xumaan iyo xaasidnimo ugu haya dadka Muslimiinta.
Caadiyata Binu Cawsata,Al-Sacdi[rtc] wuxuu yidhi,Rasuulka[csw] ayaa yidhi,Cadhada shaydaanka ayaa iska leh,shaydaana waxaa laga abuuray NAAR,Naartana waxaa bakhtiiya biyaha,haddaba ,haddii mid idin ka mid ihi cadhoodo ha weysaysto.
Waxaad ogaata inay Xaasidnimadu leedahay sideed[8] Aafo ama balaayo.
1- Daacadnimada oo ay xumayso. Sida laga soo wariyey,Abu Hurrayra[rtc]wuxuu yidhi,NABIGA[CSW] ayaa yidhi,waxaan idin ka dardaaraya,xaasidnimada. Xaasidnimadu waxay cunta wanaaga qofku sameeyo oo dhan.Sida dabku ama Naartu u cunto xaabada iyo cawska, waxaanay qofka u soo jiidaa xagga gaalnimda.
2- Caasinimo,lagama waayo qofka xaasidka ah xan.,been cayda,oo uu had iyo jeer caado ka dhigto.Sheekha Damarta Binu Saclaba,wuxuu yidhi,dadku may ahaadeen kuwo khayrka ka suula,haddii aanay is xaasidayn.
3- Shafeecada oo laga xaaraantinimeeyey. C/llaahi Ibnu Bashar[rtc]wuxuu yidhi,NABIGA[CSW]ayaa yidhi, naga mid maaha,ka wax xaasida,kan Namiimiyaha ah iyo kan wax Faaliya.
4- Naarta oo uu galo. Ibnu Cumar iyo Aanis Binu Maalik[rtch]waxay NABIGA[CSW] ka soo wariyeen,inu yidhi,Lix[6] ayaa NAARTA galaya xisaabta horteed,saxaabadi ayaa tidhi,Rasuulki Allow[csw] waa kuwe kuwaasi,wuxuu yidhi
1- Kuwa xaqdarada wax ku xukuma.
2- Kuwa qaraabo kiilka ah.
3- Kuwa baayac mushtarka ah ee khiyaamada badan.
4- Kuwa Jaahiliinta ah.
5- Culimada xaasidiinta ah.
6- Kuwa dadka dhiba had iyo jeer
Hadaba kuwa iyagu caadaystay xaasid nimada ee qof muslima hawlihiisa ka been sheegaya Aakhiro iyo Aduunba waxa uu la kulmi doonaa arrimaha kor ku xusan,waxa kale oo war xumo tashiilkaa dib ugu soo noqon doona waranka uu walaalkii la damcay ama uu la doonay inuu ku wiiqo.
Waxa ka mida kuwa yidhaahda ama ku aflagaadeeya shirkadda Dahabshiil ayaa iibsanaysa ama lasiinayaa,Hantidii,umadda,dhulkii Dawladda ee ay deganaayeen dadka danyarta ahi iyo warshadii sibidhkaa la siinayaa.
1:Dhanka kale waxaan hadaba ciddi qarin Karin wax qabadka dhabta ah ee ay dad iyo dalba la garab taagantahay marksata sida,markasta oo la soo sheego Aafooyinka Dabiiciga ah,dahabshiil waa shirkadda kaliya ee la garab taagan ama gaadhsiisa dadkeeda tabaalaysan ee ay haysato baahida markaasi taagan oo ah Biyo,Baad iyo waliba Bacaha hayga laga dhigto.
2:Iyo guud ahaanba Adeegyada Bulshadda,Waxbarashadda dadban iyo tan tooska ahba,Caafimaadka Wadooyinka iyo waliba Caawimooyinka kala duwan ee ay sida joogtada ah u siiyaan Agoomaha iyo Darbijiifka yar yar, oo ay hadh iyo habeenba heegan u tahay daryeelkooda.
Saxaafadan ay Ka mid Yahiin Websiteyo iyo Joornaalo Dhowr aha oo aanan Hadda halkan ku magacaabayn Laakiin dadwaynuhu iska wada yaqaan Cida yahiin, ayaa Waxey isku dayeen bilihii aynu soo dhaafnay inay soo maleegaan warar been abuura oo ay dan gaara ka lahaayeen isla markaana ay rabeen in ay ku wiiqaan awoodda iyo horumarka ay gaadhay iyaga oo doonayey inay khal khal ku abuuraan Macaamiisha Shirkada Dahabshiil, oo leh waxa la Jabsaday Dhaatadii ama sirtii ay ku shaqayneysay shirkaddu, Laakin Marki Dambe ay Cadaatay Inay waxaas oo dhani Been abuur ahayd, oo aan waxba Lagu sameyn Dhaatada Shirkada iyo Banka Dahabshiil Leeyahay, Shaqadii iyo hawlihii ay sidoodii u socdaan.
Shirkada Wadaniga ee Dahabshiil, ayaa ah shirkad Adeegeedu ka shaqeeyo dhamaan daafaha Aduunka oo dhan,iyadoo waliba ka midda shirkadaha Caalamiga ee laysata liisanka Bangiyada laga aqoon sanyahay dunida,waxaanay si toosa adeegyadeedu uga shaqeeyaan guud ahaan Somaliland gaar ahaana Geeska Africa.
Sidoo kale waxay Dahabshiil noqotay Shirkada Ugu Dhaqaalaha Badan guud ahaan madaqada aynu ku noolnahay, Geeska Africaba, Sidaas Daradeed qaar ka midda Saxaafada dalka iyo kuwo ay dad u sameysteen in ay ku baadhaan ama ku helaan lacag aanay u soo dhidid Cayda iyo Probaganada Laga Fidinayo hantida uu Rag u soo jabay.
Hadaba gabagabada maqaal kaygan waxaan ku soo gunaanadayaa sadex qodob oo aad u mihiima isla markaasina garqaad aanu uga dhigayno shakhsiyaadka caadaystay cayda iyo aflagaadada shirkada Dahabshiil,kambaniga laftiisa iyo bulshada loo adeegaayo.
1:Qolada warbaahinta iyaga midbaan leeyahay oo waxaan leeyahay waar marka aad shirkadda dahabshiil wax ka rabtaan ama aydin Xayeysiis ka doonaysaan qalin hakaga raadinina ee wadada saxda ah u soo mara.
2:Dadwaynahana midbaan leeyahay waxaan leeyahay horeyso iyo Dambaysaba wax idinku seegani ma jiraan shirkadda Dahabshiil, labaatan kaa sannadood ee ay bulshadda ugu Adeegaysey,Daacad nimo,Hawlkarnimo iyo Amaanno hufan oo aan wax ceeba lahayn sidaa darteed kuwa afka ku xoog sada ee warxumo tashiilka ah dhagihiina ka furaysta waayo shirkadani waxay halkaa ku soo gaadhay waa ducadii dadwaynahu u ducaynayeen markasta.
3:Shirkadda Dahabshiilna waxaan leeyahay waa laydhi iyo waa lalahaa yaannay ku hoos marin oo ku damqin qalinka danneystuhu”waxaan ku soo xidhayaa tixdan gabayga ah. “Dibnaheeda wax dhaafa yee galaya daankeeda,Yay daqoni eexaysataa dux u taqaanaaye,ma ogtahay ninkii doorabaa hadlku deeqaaye,ma ogtahay sursuur daahanbuu dabinku yaalaaye,ma ogtahay daluunbaa ka qodan doox hortaada ahe. Ma ogtahay xadhkaah daadsan aan lana daraymeene,ma ogtahay inaad door heshaan lagula dooneyn,ma ogtahay rag kula doodayoo kuu dallaa jire’e,ma ogtahay shisheeyuhu ninkii dagan waa kuwii dila`e,ma ogtahay digtoonaan la’aan dacar inaad leeftay,Digtoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin:
Wabilaahi Tawfiiq.

Axmed Maxamuud

Tel:9118404,

Kobciye999@gmail.com