Waa kedise kororso aqoontaadda !!!!!!!!!!! W/Q:Khadar Jamac Dirir

 

Madaxweynaha Somaliland oo ah hogaamiye ka gadisan hogaamiyeyaashi taladda dalka soo maray ayaa lagu majeerta hab-dhaqan furfurid iyo dhoolo-caddeyn leh.

Madaxweyne Siilaanyo oo baryo badan lagu arag saxda dadweynuhu ku kulmaan ayaa shalay si kedis ah ku tagay shaarciyadda caasimadda isagoo u kuurgalaya nabada ka tisqaaday gayigan curdinka ah, waxaanu markii dambe salaada jimcaham kula tukaday dadweyiniih cibaadada isugu yimi isaga oo ay wejigiisa ka muuqatay farxad iyo dhoola-cadday oo cidii ka hortimaadaba ku qaabiliyey lab xaadhan iyo furfuran.

Talaabaddan uu qaaday Madaxweyne Siilaanyo ayaa noqonaysaa tii afraad ee ugu kuurgalo xaaladda ka jirta Somaliland, waxaan lagu majeerta inuu yahay hoggaamiye u dhaqmaya siday dadkiisu doorteen.Arrintan ayaa noqonaysa mid soo jiidatay indhaha dadweynaha oo ah madaxweynaha oo aan waddan wax istaaf ah oo sida lagu yiqiinay wadan baabuurta tignikadda ah, taaso aad arkayso madaxweynaha oo si niyad ah ku laafyoonay magaaladda hargeysa iyo nawaaxigeeda.

Socdaalkan uu madaxweynuhu sameeyey ayaa ah mid ay ku dhaqanto xukuumadan uu imika gadh-waddeenka ka yahay ee KULMIYE isagoo xukuumadihii ka horeeyey aanay lahay wax u kuurgelida oo ka dhan ah indho-indhanta shacabka iyo u kuurgalida xaaladda ay ku suganyihiin dadweynihii soo doortay.

Socdaalka Madaxweynaha oo ku wehelineyey gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa Madaxtooyadda Xirsi Cali X.Xasan iyo Taliyaha ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqale iyo Taliyaha ilaaladda Madaxtooyadda Faysal Kaamil iyo ilaalada madaxweynaha oo ka gedisan sii loo yaqaanay.

Arrimaha noocan ahi waxay rejo geliyaan dadweynaha ku dhaqan caasimadda oo markay arkaan madaxweynahooda oo isaga oo aan waddan ilaalo  dadka soo dhexgala inay tahay nabadgeliyadda dalka ka tisqaaday iyo horumarka laga sameeyay nabadgaliyadda iyo kala dambeynta.Waayo hore loo yidhi waa kedise kororso aqoontadda.