Waa Iska Caadi!-W/Q: Abdifatah Sh. Nouh Jaamac (Suldaanka)

cabdifataaxMaxamed waa wiil si caadiya ugu dhashay hargaysa wakhtigii dagaaladii xornimo doonku  dalka ka dhacayeen , waxaa si caadiya u baro kiciyay reerkoodii dagaaladii dalka ka dhacay,waxayna 1991 dalka dib ugu soo noqdeen si caadi ah, wuxaa iska dhalay hooyo iyo aabo iska caadi ah, xaafadoodu waxay ku jirtaa dabaqad iska caadi ah, wuxuuna galaa xaafad iska caadi ah oo ku taala hargaysa,Moxamed hada waa wiil si caadiya u soo barbaaray,wuxuuna u  taabo galay si caadiya,Maxamed wuxuu  si caadiya uga biiray madarasad quraanka lagu dhigto,wuxuu bixin jiray lacag iska caadi ah, wuxuu u xafiday soddonka jis ee quraanka karimkaa si caadiya,hada Maxamed wuxuu si caadiya ugu gudbay dugsiga hoose dhexe , markasta wuxuu keenaa darajo caadiya,wuxuu hada u gudbay dugsiga sare, wuxuuna ku baasay darajo caadiya, hada wuxuu si caaadiya u bilaabay mid ka mid ah jaamacadaha dalka,wuxuuna qaatay takhasus iska caadi ah, Maxamed si caadiya ayuu u dhamaystay jaamacadii, darajo iska caadi ahna wuu keenay, wuxuu si caadiya uga qayb galay xafladii qalin jabinta ee jaamacada, Maxamed hada wuxuu si caadiya uga shaqo galay caasimada hargaysa,waxaaana loogu bilaabay mushahar caadi ah,wuxuu si caadiya isaga joogaa gurigooda,Maxamed waa wiil dhalinyara oo si caadiya isaga nool,wuxuu leeyahay asxaab iska caadiya,wuxuuna u dadaalaa si caadiya,hamigiisa ugu wayni waa inuu u noolaado si caadiya,wuxuuna jecel yahay inuu isaga dhex jiro dadkiisa si caadiya,Maxamed wuxuu si caadiya ugu hamiyi jiray inuu guursado,wuxuu si caadiya u jeclaaday gabadh, gabadhuna waa qof iska caadi ah,Maxamed waxaa si caadiya loogu doonay gabadhii,wuxuuna ka bixiyay meher iska caadi ah,waxaana u dhacday xaflad iska caadi ah, wuxuu isaga aqal galay si caadi ah,waxaa loogu duceeyay si caadi ah,wuxuuna gala guri iska caadi ah,alaabta u taalaana waa alaab iska caadi ah, wuxuna dagan yahay xaafad iska caadi ah,Maxamed gabadhii waxay u dhashay ilmo iska caadi ah, waxaana loo bixiyay magac iska caadi ah,wiilkii yaraana wuxuu isaga barbaaray si caadiya,hadana wuxuu si caadiya u dhigtaa madarasad jaarkooda ah,Maxamed wuxuu la jaaray dad iska caadi ah,reerkiisuna waa reer iska caadi ah,maxamed reerkoodu si caadiya ayay u soo booqdaan,hooyadii iyo aabihiina si caadiya ayuu u booqdaa,Maxamed wuxuu si caadiya isaga fadhistaa maqaaxi suuqa ku taala oo uu badanka ka cabo shaah iska caadiya,Maxamed wuxuu u nool yahay si caadi ah,wuxuu haystaa telefoonka gacanta oo iska caadi ah,hadana wuxuu iibsaday gaadhi iska caadi ah,lambarka gaadhiguna waa mid iska caadi ah,shidaal  caadiyana wuu ku shubtaa, Maxamed wuxuu xidhiidh la leeyahay dad badan oo iska caadi ah,dadkaasina si caadiya ayay ula dhaqmaan,Maxamed  hada wuxuu u soo gaboobayaa si caadiya,baryahan wuxuu sariirta u yaalay si caadi ah,xanuun iska caadi ah ayaana ku dhacay,dhakhaatiirtuna si caadiya ayay u daweeyaan,dadkuna si caadiya ayay u soo booqdaan,Maxamed wuxuu ugu danbayntii si caadiya ugu dhintay xanuunkii muddada hayay,  waxaa maydkiisi loogu qaaday gurigiisa si caadi ah, si caadi ahna waxaa loogu aasay xabaalaha ku yaala hargaysa ee xeedho,iilkana waxaa loo dhigay si caadi ah,waxaana aasay dad iska caadi ah,si caadiyana waa looga soo dareeray,hada xaafadiisii waaxaa jooga oo u hadhay wiikiisii oo iska caadi ah, gabadhiisu waxay isaga samirtay si caadi ah,waxay u qaaday asaydii si caadiya,wuxuu uga tagay dhaxal iska caadiya,dadkuna waxay u tacsiyadeeyeen si caadiya,anaguna si caadiya ayaanu ugu ducaynay,idinkuna si caadiya ugu soo duceeya, maqaalkana si caadiya u akhrista.

Dhaqanka soomaaliyeed ayaa caynkaa ka dhigan,waa iska caadigaa ayay nolosha  soomalidu ku soo ururtaa, hadaba qofkasta oo maqalkan akhriya waxaan ka codsanaya inuu noloshiisa ka saaro sidan caadigaa, oo uu horumar buuxa sameeyo, waxaad ogaataa hadad  si caadiya isaga noolaato , ogow inaad caadigaa ku jiri doonto inta noloshaada ka hadhay, dardaarankeenu waa inagoo nolosheena ka saara  kalmadan waa ISKA CAADI.Noloshu  in ay caadi noqoto waa laga wanagsan yahay, is beddelka iyo mawjadaha noloshu waxay qofka baraan horumar iyo wax soo saar, haddii se (Routine) CAADI kaa noqoto waxba ma soo kordhayaan. waxaana jirta maahmaah soomaliya oo tidhaa ( Bartii Yaqaan Bari Uma Korodho) markaa halkaas ayaad taagnaan doontaan hadad kalmadaa WAA ISKA CAADI dhafi waydaan.

Abdifatah Sh.Nouh Jaamac ( Suldaanka)

Email: Samriye99@hotmail.com

Mobile: 4474468