WAA IN AYNU IS CAFINAA SI ALLE INOOGU NAXARIISTO ALLENA ROOBKA INOOGU SHUBO

Sida aynu la wada socono wasaarada diinta iyo awqaafta waxay ku dhawaaqday roob_doon bari laga oogi doono dhamaan dalka oo dhan. Walalayaal dalka waxaa ka jira abaar ba,an oo saamaysey dal iyo duunyaba.

Waa arin aad iyo aad u wanaagsan in Alle loo noqdo oo la Oogo roob doon si Alle loo weydiisto raxmaadkiisa.

Waa arin loo baahanyahay in aynu ka wada qayb qaadano roobdoontaa oo aynu Alle isku dul dhigno si Alle inoogu naxariisto albaabada raxmaankana Alle inoo furo.

Walalayaal aynu dib iskugu noqono si imtixaanka Alle aynu uga badbaadno oo aynu Alle u tawbad keeno una noqono Alle swt.

Guntii iyo gunaanadkii waxaan hadalkayga ku soo afmeeri lahaa in loo diyaar garoobo sidii roobdoonta bari looga qayb qaadan lahaa dadkuna Waa in ay is wada saamaxaan oo ay is cafiyaan.

Eco: Abdi Rashiid Ali Jaama ibnu giriig…….

063_4108610……