“Waa cadaan, waana la og yahay in Somaliland ay ka dhismeen,kana shaqeeyaan « SHABAKADO TAHRIIBTA KA SHAQAYSTA», kuwaas oo dhismay, xoogaystay intii Xukuumada Kumiye talada dalka haysay”

UCID_MingisteHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Xukuumadda talada haysa tallaabo wax ku ool ah ka qaadi weydo shabakadaha macaash-doonka ee ka Ganacsada Tabriibinta Dhalinyarada dalka.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga UCID  Cabdi Maxamed Saleebaan (Mingiste), ayaa lagu sheegay in Shabakadaha Tahriibka ka ganacsada ay dalka ku soo bateen intii ay talada haysay Xukuumadda Xisbiga Kulmiye oo ay ku eedeeyeen inay ka gaabisay wax-ka-qabashada dhibaatadan.

Warsaxaafadeedkaas ayaa u dhignaa sidan : « Sida  ay ka dheregsan tahay Busho weynta reer Somaliland gudaha iyo dibadaba ,waxaa si xawli ah u korodhay  mudadii Xukuumada Xisbiga Kulmiye  hogaanka wadanka  haysay dhibaatada Tahriibta ee Dhalinyarada reer Somaliland. Dhalinyarada reer Somaliland ayaa maanta ah kuwa ugu badan ee  ku dhimanaya, Saxaraha—badaha iyo Xabsiyada wadamada Tahriibta loo  sii maro.

Baadhitaano  iyo   xogo lagu kalsoonaan karo, waxay cadeynayaan oo ay daaha ka qaadayaan arimahan  hoos ku qoran :-

1.Waa cadaan,waana la og yahay in Somaliland ay ka dhismeen,kana shaqeeyaan « SHABAKADO  TAHRIIBTA KA SHAQAYSTA », kuwaas oo dhismay, xoogaystay intii Xukuumada Kumiye talada dalka haysay.

2.Waxaa  caddaan ah in Shabakadahaasi ay macaash  weyn  ka sameeyeen Tahriibta, mudadii ay jireen, dhaqaalahaasi intiisa badani  loo adeegsado arrimo aan Somaliland u dan ahayn.

3.Waxaa  jira warar sheegayaa, amase sida Saxaafada Somaliland qaar ka mid ahi qoreen ,in xubno ka mid  madaxda  ugu saraysa Xukuumada Somaliland in ay wax ku leeyihiin Shabakadaha Tahriibta ee xiligan hafiyey Somaliland, waxaa sidoo kale wararkaasi sheegayaan Xubnahaa Xukuumada ka tirsani ay dhaqaale buuran ka heleen Tahriibta iyo  dhibaatada ubadka reer Somaliland, laakiin hore ayaa loo yidhi (Nina dhuuni ayuu ku dhex joogaa Nina dhaqashuu kuugu dhabar jabay).

4.Waxaa wax lala yaabo ah,wax laga xishoodo ah in maanta Xukuumada Somaliland ay tahli kari weydo in ay talaabo ka qaado, shaqsiyaadka Xukuumada ka tirsan ee  la sheegay in ka mid yihiin Shabakadaha  Tahriibiya ,badaha ku guray Dhalinyaradii reer Somaliland ,ee beri noqon lahaa hogaankii wadanka.

5.Waxaa wax laga xishoodo ah,musuqmaasuqa ku habsaday Xukuumada Somaliland.Waa cadahay  in 70%  dhaqaalaha wadanka soo galaa uu ku dhaco jeebabka shaqsiyaad  tirsan oo la yaqaano,waana sababta keentay in la waayo shaqo abuur,tahriibtuna noqoto  halka la beegsado.

Xisbiga UCID  wuxuu  aad iyo aad uga tiiraanyeysan yahay dhibaatada Tahriibta ee mudadii u dambaysay ku sii xoogaysanaysay Somaliland,taas oo ay sabab u tahay  Xukuumada oo ka gaabisay  in ay shaqo u abuurto Dhalinyarada habeen iyo maalin badaha – Saxaraha iyo Xabsiyada ku dhimanaya.

Xisbiga UCID wuxuu balan qaadayaa, haddii uu qabto hogaanka wadanka in uu mudo kooban wax kaga qaban doono  dhibaatada Tahriibta—Shabakadaha iyo shaqsiyaadka ka shaqaystaba, shaqo abuurkuna noqon doono talaabada koobaad ee lagu dhaqaaqo.”

SOMALILANDPOST.NET