Viktor Janukovytj: Aniga Ayaa ah Madaxweynaha Sharciga ah ee Ukraine

Russia(SLPOST)Madaxweynihii xilka laga xayuubiyey Viktor Janukovytj ayaa saxaafadda kula hadley magaalada Rostov-na-Donu,

VIKTOR

dalka Ruushka ee ku dhaw xadka Ruushku la wadaago Ukraine. Waa markii u horeysey ee muuqiisa la arko tan iyo markii uu ka soo baxsadey dalkii uu Madaxweynaha ka ahaa ee Ukraine..

Janukovytj: “Dowladda la dhisey waa sharci darro”

Intii uu ku guda jirey shirsaxaafadeedkiisa ayuu ka hadley Janukovytj xukuumadda kumeel-gaadhka ah ee la dhisey waxaana uu ku tilmaamey in ay tahay mid sharci darro ah, sida isagu hadalka u dhigey, isaguna yahay Madaxweynaha sharciga ah ee la soo doortey. Janukovytj ayaa sheegay in Ukraine ay eersatey dalalka reer Galbeedka ah wixii ka dhacay Ukraine masuuliyadeeda ay qaadayaan reer Galbeedku.

Janukovytj ayaa sheegay in qalaalsaha Ukraine uu bilowdey xiligii Midowga Yurub ay bilaabeen in ay wada hadal la galaan Mucaaradka, kadib waxaa dalka ka bilowdey halkaas, sharciga oo luma, argagax, fawdo iyo jaahwareer.

Janukovytj waxa uu ku sheegay shir saxaafadeedkiisa in aanu ka qaybqaadanayn doorashada la muddeeyey bisha May 2014, waxaana uu ku tilmaamey doorasho sharci darro ah maadaama isagu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Ukraine. Waxa uu meesha ka saarey in xilka laga xayuubiyey, waxaana uu sheegay in naftiisi khatar ay gashey sidaasna uu u baxsadey, waana mid la igu khasbey ayuu yidhi.

Dhinaca kale Dacwad oogaha Ukraine ayaa sheegay maanta oo Jimce ah in ay si rasmi ah dalka Ruushka uga dalbanayaan in ay dib ugu soo celiyaan Janukovytj. Xukuumadda cusub ee Ukraine ayaa shaacisey in Janukovytj uu yahay denbile lana weydiinayo dad ka badan 100 qof oo amarkiisa lagu diley, sidoo kale waxaa lagu eedeeyey in uu lacago badan kala baxay AKoonada Dowladda Ukraine.

Dalka Switzerland ayaa dacwad oogaha Ukraine ka codsadey in ay baadhaan lacago la dhigay oo ay leeyihiin Viktor Janukovytj iyo wiilkiisa. Booliska Swisska ayaa isla maanta baadhitaan ku sameeyey shirkad uu lee yahay wiilka Viktor Janukovytj.

Somalilandpost.net

Hargeysa/office