UurKu Taallo. Qalinkii Cawaale deeqsi.

 

 

Lugba tiir baa lagu xannibay. Gacanba meel baa lagu bannaday. Tin iyo cidhibna dhiigbaa isku darsamay. Nabarrada loo gaystay awgood, jidhkiisu meel fayow ma leh. Sida Faras xarraamay nadigana loo darandoorriyey si uu deedan iyo durdurro u hollado ayuu u haftay. Hiinraaga iyo neeftuurka ka baxaya galowgaa dhiillaabay. Hafeefta boogaha iyo xanuunka laydhu damqaysana, garaaca joogtada ah ee wali lagu hayo ayaa u dheeraa. Sheeg sababta aad dadka u galaafatay? Ayaa la weydiiyay dhowr goor. Balse uma dhag raaricin. Danna kama uu galin. Ganaaxa iyo ciqaabta lagu hayona taasaa labanlaabtay. Gabbalkii dhaca iyo waagii guduutaba waa u guhaad iyo dhiillo xanuun badan. Gebi askartii jeelkana amarbaa lagu siiyay karbaashka iyo kadab goyntiisa. Looma jixinjixo isna ma jilco! Looma naxariisto isna nuuxsado!

Afar iyo toban caano-maal baa geddaa silica leh ugu afmeermay, rumaankiina sidaasuu kaga dhanyahay. Maxkamaddana waa in mar labaad la hor geeyo. Walow kiiskiisu abataqan ku dhacay, haddana sida sharcigu dhigayo ama ha cadaysto eeddiisa ama ha inkiro’e xukun ha lagu rido ayaa la isku af gartay. Habeenkoo gabbala ritey galin dambana u foorarsaday, guduudkii waaga iyo dhawaaqii diiggana la filayo ayaa loo garba-duubay dhankaa iyo maxkamadda. Subaxdaana maxaabiistii ku toosi jirtay gooha iyo qaylidii ka dayaami jirtay marka askartu sida dameerka u tumayso way ka raysteen. Dhagidana si wacanbay u ladeen. Goor dambe oo duhurkii loo cumaamaday hadhimadiina diyaar tahay ayay ku war heleen in dacwadiisii dib loo dhagaysanayo. “Kollay wuu soo noqonayaa ma dhagax-dixeedbaa dambi qiran” Hadalkaa iyo qaar kaleba way ku tiraabeen iyagoo wali maanka ku haya ad-adaygii iyo jaxarnimadiisii.

Indho kulul, waji bilaa naxariis ah iyo daymo aan loo adkaysan karin ayuu ku qaabilay xaakimkii, isagoo filaya inuu qiran waayo dambigiisa. Balse amar Alle! Mar qudha ayay afkiisa ka soo yeedhay, weedh dad badan kacaa fadhiisisey, qaarna la amakaageen kuwo kalena shanta dhabanka saareen. Toloow waa maxay? Xadhigga iyo katiinadda iga fura, in badan baan adkaystay, laakiin waan idiin sheegayaa sababtaan dadka u galaaftay. Eeddaysanihii ayaa si lama filaana ugu dhawaaqay ereyadan. Markii dalabkiisii loo fuliyay isna ballantii ayuu oofiyay. Arrin malahayga ay roonayd inaan hullaabta laga roginna daboolkuu ka qaaday. Dadkiina fajac iyo amakaag buu Rabbi u keenay:

“Ilmadii ka gobo’ tidhi indhaheedii guduudka ahaa ayay igu canqarisay hooyaday. Galabtaan ifka soo martiyayna gabbalkii seddexaadbuu sii mootanaa aabbahay. Walow dhalashadaydii dad badani guriga soo buux dhaafiyeen, haddana umay iman hambalyadayda ee tacsida geeriga lagu goblamay ayay la galluubnaayeen. Kowsigii cimrigayga iyo kadeedkii noloshayduna way isku lammaanaayeen. Golongolkii aseyda iyo dhibtii gambada tiiyooy u dheerayd murugada ka soo maaxatay baddaha tiiraanyada, haddana ilayn waa hoyo’e mar qudha may hilmaamin xannaanada iyo ilaalintayda. Cid iyo ciirsi kalena maan lahayn, wax carruurana kaligey bay I dhashay.

Rafaadkii agoonnimada iyo raasamaal li’idii nolosha ayaa la igu soo gardaadiyay. Sidiina waan ku barbaaray kuna hana qaaday. Gargaarna ka Alle mooyee cidka kale kalax nooma darin. Maalimihii madoobaa ee is tarayey wax galinba galin garabka saaro, shan gu’ ayaa ii buuxsamay. Xusuusta sannadahaasna waxa igu sii xardhan, munaasibadaha ciidda oo aan hadhqoodaalka guriga ka qooraansan jiray, carruurta ciidaysa iyo alalaaska dabaal-degga. Ase awoodda iyo duruuftu ii saamixi jirin inaan dhar cusub iyo farxad ku damaanshaado. Jawigana la qaybsado.

dantu waa ninkeed dhiba! Arrin kastoo jidhiidhico lehba dhabbaan ula jaaray. Guyaal dhowra markay sidaa u dhignayd waxa lay qoray dugsi waxbarasho oo kuwo dawladdda ah. Direys cusub iyo mid duuga toona maan haysan, balse wiil aanu jaar ahayn ayaa iigu deeqay kuwii uu iska baddaley oo laftiisuba ka il waayay. Sidiina waan ku galay. Maalintii koowaadba dugsigii dhib baan kala kulmay. Kaddib, markii la igu maadsaday qaar kalena diifta iyo daranyada iga muuqata igu dhalleeceeyeen. Anna kursi iyo miis midna ma raadsane daasad aan sitaybaan ku fadhiistay. “Maxaad kursiga u diiday daasaddana ku doorbiday?” Macallinkii ayaa I weydiiyay. In Baalash iigu jiro hadhowna waxaan shaqeeyaa noqonayo gasiinka aniga iyo hooyaday oo aan la’aantay dab shidani wada calluuman doono baan u iftiimiyey. In cabbaar ah ayaan hadal iyo hugunba ka waayay barahaygii. Isagoo la fajacay xaaladda aan ku suganahy. Ammintaa kaddibna meelbaa la ii dhigi jiray daasadii. laba arday ayaana la ila fadhiisiyay; saddexna waanu ku wada yeelanay miis iyo kursi.

Ardaydii iga maadsan jirtay oo iga foorarta, kursigii oo madhan iyo jawi ka gedisan taxanihii wiirsiga ahaa baan la kowsaday maalintii dambe. Dareenbaana I galay. Toloow miyaa la eryay? Mise way habsaameen labadii arday? Su’aalahaa iyo qaar la halmaala ayaa maskaxadayda ku soo degdegay. In cabbaara dabadeedna gadaalbaan deymooday mise ishaaban qac ku siiyay iyagoo kursi kale yuurura. Yaab iyo amakaag! Dharaartaasna cashar ma dhigan darsina ma dhugane shantaan dhabanka saaray! Goortii gambaleelka laga dhawaajiyey, ardaydiina rawaxdey ayaan gaar ula baxay asxaabtii ila majliska ahayd. Siday wax u jiraan? Ayaan weydiiyay. Ujeedada aanu kursigii uga guurnay maaha si kale ee Midgaan inaad tahay ayaanu ogaanay! In lanagu kaa caayana waanu ka cabsanay. Lama-arag iyo afkala-qaad bay igu noqotay! Ereygay ii sheegeenna dhan aan u qaado ayaan garan waayay. Aniga oo kab kaliya baalashaynna dhabbaddii gurigaan toos u abbaaray. Maanta waad soo dhakhsatay miyaanad inoo sidin waxaynu karsano? ayay hooyaday I waydiisay. Una bayaamiyay eebada igu taagan iyo halgaada igu mudan ee aan mar is idhaa malaha macnaha ereygani waaba Gaal! Haddana aan shaydaanka iska naaro, ayay qiso dheer iyo sooyaal taariikheed oo ku qotoma takoorka iyo dhibaatadda dirsooca iiga sheekaysay hooyaday. Anna ma niyad jabine geenyadaan jaraystay, inaan dadaalo ayaan go’aan ku gaadhay. Dhabar adayg iyo samir dheer kaddibna waxaan dhammaystay dugsiyadii hoose, dhexe iyo sareba. Nasiib wanaagna kaalmaha hore ayaan ka galay imitixaankii shahaadiga ahaa ee fasalladda afraad. Jaamacaddana bilaash baan ku galay, deeq waxbarasho oo aan ku mutaystay darajada aan keenay awgeed . Muddo afar sanno ahna waan ku dhameeyay.

Geeddi socodka yoolkayga iyo hayaanka himiladayda, hir markaan gaadhaba hirka kalaan sii hilaadin jiray. In kastoon tacliintii dhamaystayna intaa kuma eekaan. Kolka sidii shaqo ayaa la ii qabtay, habeen iyo dharaarba baadi-goob baan u galay. Muddo yar ka dibna meel shirkad ah ayaan helay, caynkaasna waan ku shaqo galay. Dhowrsanaan iyo asluub la igu majeeran jiray ayaan ku qaabilay dadkii aanu shaqo wadaagta ahayn. Hal-adaygnimo iyo hawlkarnimo Eebbe iigu roonaadayna way iga soo if baxday. Diihaalkii iyo diifkii saboolnimadiina way iga hadhay. Kaftan aan turxaan lahayn iyo dabeecad hufnaantaydana dadku aadbay u xiisayn jireen. Qof la ila maseeyaana dhif iyo nadir buu noqday.

Badhaadhe iyo bixiso isku lammaan ayaa ii bilaabmay, aniga oo muddo sannad ah shaqaynayey. Alla! Gobsanaa oo dabeecad hufanaa, gaarisanaa oo nadaafad bilanaa, dhabeelsanaa oo dun wanaagsanaa. Haddii gabey iyo geeraar in uun gabadh lagu amaani jiray, intaba mid wada koobsatay darajadana qaryad ah ayaa nasiibku na kulansiiyey. Inkastoo ay magaceeda Gobaad iigu sheegtay anna Dhammays baan ugu daray. Dhexda sida sabarka geenyada ah, sunniyaal bil dhalatay ah, sanqaroor aad yaabto, socod kii haldhaaga ah, dherer iyo laxaad Eebbe uga sadburiyey gayaankeeda ayaa lagu manneystay. Aqoon iyo wax garadnnimana way u dheerayd. Intay ila joogtana waan mabsuudaa, intay maqan tahayna waan murugoodaa, seexo haddaan idhaana suuradeedaa maankayga ku sawiran, markaan soo toosana fikirkeedaa igu lammaan. Sidig iyo maqaarkeed, ul iyo diirkeed iyo laf iyo jiidhkeedba waanu noqonay. Mar xilo-jannaan idhaa marna xuuralcayn. Marna raaliyaan idhaa mar kalena raaswayn!

Caashaqii hirgalay iyo jacaylkii taaba-qaaday kolka wuu laba jirsaday. Go’aanka iyo qasdigayaguna guur buu ku biyo shubtay. Arrintana si aanu ehelada ugu bushaarayno, in inantuna reerkooda wargaliso anna aan ergadii iyo wakiilladii geedfadhiisiga soo abaabulo ayaannu isu waafaqnay. Judhiiba, markay hooyadeed iyo xaafadoodii ugu bushaaraysay, hambalyaa la is wada gaadhsiiyay; farxadna waa lagu qaabilay. In cabbaara kaddibna, sidii dhaqanka inoo ahayd waa la I haybsaday “ Ninka ku soo doonayaa waa qoloma?” Ayaa la weydiiyay. “ Waa Gabooye” Ayay iyana ugu halcelisay. Haba odhan lahaydaa! Mar qudha ayaa la isla oogsaday oo qayladu dayaantay korna u dalluuntay, farxadii iyo hambalyadiina dhiilo iyo naxdinbaa lagu baddalay, arooskiiba geeribuu u ekaaday. “ Alla! hoogay oo ba’ay!” “ Alla! waan ceeboobay!”…. Ereyadan iyo qaar ka uurkutaallo badanba waxa ku barooratay inanta hooyadeed. Aabbaheedna hadal iyo hugunba wuu gabay. Isla habeenkaasna intoo la isku jabiyay silsilladna lagu xidhay ayaa qol madaw lagu riday, dad daaye meel qudhaanjo martana waa loo diiday.

Dacawo meel ay macal ku baraytay bay macaluul ugu go’daaye, hadalkii joogtada ahaa iyo haasaawihii taxanaha ahaa ayaan tabay. Arrintiina natiijadeedii wali kama hayo. In muddo ahna way iga maqan tahay. Toloow maxaa ku dhacay? Miyay kaaga baxday? Mise nin kalaaba soo doonay? Su’aalaas baa kolba igu soo dhaca. Iyadooy sidaa arrintu tahay , ayuunbaa goor habeen ah laygu bilaabay budhadh iyo dhagax waaweyn. Alla! Raggu badanaa oo arxan daranaa siday ii tumayeenbaan dhulka u dhacay. Waxaan geystay iyo waxaan galabsadayba waan garan waayay. Anigoo dalanbaabiya ayaa eray dhagtayda kusoo dhacay “Car Midgaan yahow inantayada aan kugu aragno” Markaasaan garowsaday inay ragguba yihiin ehelkii Gobaad. Maalmo yar gadaashoodna xaaladda ay ku sugan tahay iyo siday wax u dhaceenba waan ogaaday.

Murugo xad dhaafa iyo niyad jab mug wayn ayaa ila soo darsay. Taasoo I dhaxal siisay inaan nolosha ka dhaco. Si aan warwerka iyo walbahaarka iskaga bi’iyo ayaan Qaad iyo Siggaarba u bartay. Gacan dhaaf dumarna sidii geel kalkii galey ayaan u ladaabtay. Isma ogi oo mararka qaar hawlo kale ayaaban durduurtaa, cabbaa oo aan dhex dabaashaa.

Meelaha lagu mirqaamo ayaan la majaalisay, dad wanagsan iyo nolol wanaagsanba markaan Gobaad waayey baa iigu dambaysay. Maalinba maalinta ka dambaysana dalluunbaan ku sii dhacaa. Hooyaday oo kaligay igu tiirsanaydna geeri iyo nolol toona kumaan ogayn.

In muddo ah markaan sidaa ku jiray ayaan xanuunsaday, dhankaa iyo dhakhtarkana lay la cararey. Baadhitaan ka gadaalna rajo-dhigis iyo quus nololeed ayaa ka soo baxday. In Aydhis layga helayna way ii caddaatay. Markaasaan fikiray, dhibtan oo dhan yaa kuu gaystay? Baan is weydiiyay. Takoorka iyo dirsooca ayaa noloshaada halligay baan isugu jawaabay. Waxaanan go’aansaday inaan ka aarsado dadka iyaguba iga takhulusay. Markaan cudurkii tobban gabdhoodh qaadsiiyayna waa laygu ogaaday. Sababta aan dadka u galaaftay iyo dambiga laygu soo xidhaynba waa kaas”.

Xaakimkii, askartii iyo dad waynihiiba dhaygag iyo irkig bay qaadeen. Qof waliba intuu kambadhuudhsaday, gadhka iyo labada lowna meel iskugu geeyay ayuu is galluubay. Luquntana waa la wada gambiyay. Margiyadana la laa-laadiyay! Cid soo nuuxsatana laga waayay maxkammadii.

*********