USA: Obama Oo Ku Calaacalay In la Meelmariyo Sharci Xakameeya Hubka

Madaxweyne Barrack Obama, ayaa ka dalbaday shacabka Mareykanka inay Congresska ku cadaadiyaan in ay meel mariyaan shuruuc lagu xakameynayo hubka, kadib markii nin hubeysan uu Khamiistii shalay ku dilay Koolaj ku yaalla Oregon 10 ruux islamarkaasina dhaawacay 7 kale.

Barrack Obama, oo ay cadho ka muuqato, ayaa ka soo muuqday Tv-ga saacado uun ka dib markii uu dhacay weerarka koolajka, waxana isaga oo aad u calaacalaya kana murugaysan dilka uu xasuusiyay qaranka in badi bulshada Mareykanka  oo ay ku jiraan dadka sida sharciga ah uga ganacsada hubka inay doonayaan shuruuc adag oo wax looga qabanayo hubka.

Obama, ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka codeynaya doorashada soo socota inay ka fakaraan qofkay dooranayaan hadduu ka soo horjeedo ama uu taageersan yahay doorashada xigta.

Xubnaha bulshada Roseburg ee Oregon, ayaa shamacyo shiday si ay ugu baroor diiqaan dadka lagu laayay Koolajka.

Weli ma cadda sababta ka dambeysa weerarkaasi, iyadoo saraakiil ka tirsan FBI-du ay sheegayaan inay baadhitaanno wadaan.

Qofka weerarka geystay, oo boolisku ay sheegeen inaysan magaciisa adeegsan doonin, ayaa la tilmaamay in uu ahaa 20 jir, ku dhintay gacanta ciidamada kadib markii uu iska hor imaad dhex marey isaga iyo booliska.

 

Shaqaaqo kale oo ka dhacday Khamiistii magaalada Inglis, Floridda, ayaa nin hubeysan laba ruux ku dilay halkaasi, kaas oo markii dambena isaga is dilay.