USA: Donald Trump Oo La Maxkamadaynayo

(SL.Post) Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump oo dhawaan xilka la wareegay, ayeey kooxo si gaar ah isha ku haysa anshaxa ay diwaan-galinta dacwado ka dhan ah, ayada oo tuhmaysa in uu jebiyey qodob ka mid ah dastuurka.

Kooxda dhinaca bidix u janjeerta ee mas’uuliyadda iyo anshaxa ee Washington, loona soo gaabiyo CREW ayaa shaaca ka qaaday inay dacwadan maanta ka diiwana gelin doonto maxkamadda federalka ee Manhattan.

Qodobka lacag qaadashada ee dastuurka ayaa quwadaha shisheeya oo ay ku jiraan dowladaha ka mamnuucaya in ay lacag ama haddiyad siiyaan madaxweynaha Mareykanka, ayada oo aanu ansixin dastuurka.

Sida uu qoray wargeyska New York Times, oo markii ugu horreysay shaaca ka qaaday arrintan axadii, dawacdda ka dhanka ah Trump ayaa waxay maxkamadda weydiisan doontaa inay madaxweynaha ka joojiso inuu wax lacag ah ka qaato hay’adaha shisheeye.

Ugu danbeyntii, CREW ayaa sheegtay in maadaama Trump uu diiday in uu iska fogeeyo ganacsigiisa “uu iminka lacag ka helayo dowlado shisheeye ayada oo dhacdooyin lagu qabsanayo hoteeladiisa, islamarkaana la kireysanyo dhismayaashiisa”.

Somalilandpost.net