Ururradii ku fashilmay Qiimaynta Guddiga Diiwaangelinta oo samaystay DALLAD ay ku midoobeen, soona bandhigay Gefaf ay sheegteen in laga galay

Hargeysa (SLpost)- Ururradii siyaasaddda ee ku hadhay wejigii koowaad eek ala-reebita ururrada ayaa shaaciyey inay ku bahoobeen DALLAD midaysa oo sida ay sheegeen ku raadinayaan xuquuqda ka maqan maadaama aanay ku qancin natiijadii ay ku dhawaaqeen guddiga diiwaangelinta ururrada siyaasadda.

Masuuliyiinta hoggaaminaysa ururradan oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxay kaga dhawaaqeen DALLAD ay guddoomiye ka tahay hoggaanka ururka NDB Foosiya Yuusuf X. Aadan, waxaana xubno ka ah masuuliyiin ay ka mid ah yihiin IIbraahim Cabdilaahi Xuseen Dhego weyne (UDHIS), Axmed Sandoon (Jamhuuriga), Nuur Faarax Xuseen (Gurmad), Mustafe Cabdilaahi Jaamac (HORYAAL).

Foosiya Yuusuf X. Aadan oo ah gudoomiyaha daladda ururadda hadhay, ayaa sheegtay in ilaa hadda aanay la kulmin gudidii oo ay ka dhuumanayaan, dhawr jeerna ugu tagtay xafiiskooda balse ay ka soo wayday, taasina ay tahay gef ay ka galeen ururadda.

Foosiya waxa kale oo ay sheegtay inay ku adkaysanayaan go’aankoodda, sidaa darteed ay ku adkaysanayaan inay hawlahoodda wataan, isla markaana ummadda usoo bandhigaan cadaalad daradaa lagu sameeyey.

Gudoomiyaha ururka UDHIS Col: Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhego weyne), ayaa isna xukuumadda si adag u weeraray, sheegayna inay dhibaatooyinkan oo dhan ay abuurayso xukuumaddu, isla markaana aanay dan ka lahayn Nabadgalyadda somaliland ka jirta, isagoo sheegay inuu ka xun yahay in iyaga looga baqo nabadgalyadda Somaliland.

Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah madaxda sarsare ee mid ka mid ah ururrada Hadhay ayaa sheegay inay guddida diiwaangelintu ay jabisay xeerar badan oo dalka u yaal, isla markaana ay markii hore ahayd inay xubin garyaqaan ah oo maxkamadaha dalka ka soo shaqeeyey ay ku jiraan guddidda diiwaangelinta ururada balse taasina aanay dhicin.

“Guddidu waxay sameeyeen gefef ay xeerar ku jabiyeen, waxay ahayd in lix bilood hawlaha ururaddu ku dhamaysteen balse ay ka dhigeen saddex bilood halkaasna uu ku jabay qodobka 5aad, xarafkiisa C, waxa kale oo la yimaadeen madax tirin oo sharciga ku jirin, waxay ahayd in guddida ku jiraan garyaqaan heer maxkamadda sare gaadhay oo aqoon iyo waayo aragnimo leh, kumana jiro halkaasna waxa ku jabay qodobka 3aad xarafkiisa C ee xeerka doorashooyinka”ayuu yidhi Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah ururadda hadhay.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha wanaag farisa iyo xumaan reebista Sheikh Maxamed X. Maxamed, ayaa sheegay inay cadaaladdu tahay waajib ummadda muslimka ah ku waajibtay, xukuumadda iyo gudidda diiwaangelintana usoo jeediyey in la tixgaliyo dhowaaqa ka soo yeedhay ururadda hadhay, qaabkii loola dhaqmayna aanay wanaagsanayn, isagoo soo jeediyey in xeerarkii la qortay ee lagu heshiiyey lagu dhaqmo.

Maxamed Cabdi Aadan (Indho)

indho145@hotmail.com

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland