Ururrada UDHIS iyo XAQSOOR oo wada-jir xukuumadda ugu baaqay wax-ka-qabashada Xaalado siyaasadeed iyo Bulsheed oo dalka la soo gudboonaaday

Hargeysa, 15 January, 2012 (SLpost)- Labada Urur-siyaasadeed ee UDHIS iyo XAQSOOR ayaa si wada jir ah xukuumadda u soo jeediyey Baaq ka kooban shan qodob oo nuxur ahaan ka kooban sidii ay wax uga qaban lahayd dhowr arrimood oo isugu jira tallaabada lagu wajahayo beesha ku shiraysa Taleex, Xannibadda Telefishanka HCTV iyo xidhitaanka wariyeyaasha.

Warsaxaafadeedka ay labada urur-siyaasadeed wada-jirka u soo saareen oo ay ku saxeexan yihiin Guddoomiyeyaasha urur-siyaasadeedyada UDHIS iyo XAQSOOR Muj. Ibraahim Cabdi Xuseen (Dhegoweyne) iyo Axmed-nuur aw-Cabdi Shaacir, waxa ay xukuumadda ugu baaqeen inay Qorshe cad ka yeelato shirka Taleex isla markaana ay la xidhiidho odayaasha iyo wax-garadka beelahaas ee nabadda jecel. Sidoo kale, waxay xukuumadda ugu baaqeen inay ka noqoto Xadhigga wariyeyaasha iyo xannibaadda ruqsadda shaqo ee Telefishanka HCTV.

Waxa sidoo kale warsaxaafadeedka lagu sheegay in xukuumaddu ay si buuxda u dhiirrigeliso maal-gashiga muwaadiniinta ee dalka si shaqo abuuris loo helo.

Warsaxaafadeedka wada-jirka UDHIS iyo XAQSOOR ayaa isaga oo dhammaystiran u dhignaa sidan:

“Ururada UDHIS iyo XAQSOOR waxay ku guubaabinayaan maamuka maanta jira ee S/L.

1.    Ugu horayn waxan ugu baqayna walaalahayaga ku shiraaya Taleex, in nabada iyo wada jirku ka macaantay colaada iyo dagaalka sidaa darted waxan ugu baqayna in ay Somaliland kula xajodaan hab nabad galyo ah.

2.    Inay ugu tala galaan qorshe cad oo ku dhisan siinaan iyo cadaalad beelaha bariga ee isugu tegay taleex.

3.    Waa inay la xidhiidhaan odayada iyo wax-garadka beelahaas ee nabada jecel ugunna baaqaan inay la xoojiyaan heshiiskii loo dhamaa iyo isasaamixii S/L, ku nabada iyo caano maashay ee Burco, 18may 1991.Heshiiskaasi waa kii si wadajira oo loo dhanyay loogu soo celiyay madaxbanaanida S/L.

4.    Inay ka noqdaan xidhida ay maanta xidheen wariyayaasha iyo TV-ga (Horn Cable TV). Xidhidaas iyo xadhigaasi waxay jebinayaan Distoorka iyo shuruucda dalka waxaanay ka baxsanyihiin nidaamka xoriyada iyo dimuqaraadiyada. Sharciga laguma xalio arimaha siyaasada iyo saxaafada, markasta oo saxaafadu qaldanto, waa ku qasab inay qaladkooda saxaan sixitaankaas ay cida lagu qaldamay xaqa u leedahay ayaa dawada ah.

5.    Inay si buuxda oo hagar la’aan ah u dhiiriyaan maalgashiga dalka hadii ay doonayaan in shaqo abuur dalka ka hirgalo. Halka madax badan oo reer S/L, ahi ay guryahooda, reerahoodii iyo ubadkoodiiba dibada u rareen, raga aaminay dalkan ee warshado iyo guryaba ka dhisay ee maalkii ay dibada ka xoogsandeen wadankoodii hooyo ugu soo gurmaday. Wakhtigan adage e dalku ku jiro waxay xaq u leeyihiin maamuuska iyo dhiirigelinta koobaada ee dawlada oo dhan, xukuumadan yey taasina seegin.”

Labadan urur-siyaasadeed ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyey urur-siyaasadeedda cusub ee dhawaan siyaasadda ku soo biiray oo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay wax-ka-qabashada arrimo siyaasadeed iyo kuwo bulsheed oo dalku haatan dhex-dabbaalanayo.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net