Ururrada IGAD iyo AU-da oo caddaystay sida ay u diiddan yihiin soo hadal-qaadka Aqoonsi ay Somaliland ka hesho Beesha Caalamka

Hargeysa (SLpost)- Urur-goboleedka IGAD iyo Ururka Midawga Afrika, ayaa ku fashilmay taageeraan qadiyadda iyo Aqoonsiga Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana caddaystay inay iyagu caqabad ku yihiin, iyada oo Beesha caalamku ay markasta oo laga hadlayo ama wax la iska weydiiyo qaddiyadda Ictiraafka Somaliland ay ku doodaan in ka-go’aan-qaadashada Aqoonsiga Jamhuuriyaddani yahay mid u yaalla ama ku xidhan dalalka iyo dawladaha Afrika ee ku Bohoobay Ururradaas iyo kuwo kale oo jira.

Urur-goboleedka IGAD, ayaa ah Urur ay ku bahoobeen Siddeed dal ee dalalka Afrika ka tirsan ee kala ah; Uganda, Kenya, Eriteria, South Sudan, Sudan, Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti, ayaa inkasta oo ay dalalkaasi siyaabo kala duwan xidhiidh ula leeyihiin Somaliland, haddana waa dalalka Ururka ay ku midoobeen caqabadda koowaad ku yahay aqoonsi ay hesho Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo xataa ah Ururka Midawga Afrika ee ay dalalka Afrika ku midaysan yihiin ka hor-taagan in lagaga hadla-ba wax la xidhiidha aqoonsiga Jamhuuriyadda iskeed wax u qabsatay, isla markaana dhammaystiray dhismaha dawladnimo buuxda iyo nabadgelyo taam ah ee Somaliland.

IgaddHaddaba, Wefti ka socda Ururka IGAD ee ugu horreeya Caqabadaha aqoonsiga Somaliland hor-taagan, ayaa Axaddii toddobaadkan booqasho ku yimi magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaasoo uu hoggaaminayo Wakiilka Urur-goboleedka IGAD u qaabbilsan arrimaha Soomaalida Maxamed Cabdi Afey, waxaanu ujeeddada socdaalka Weftigooda ku sheegay inay u socdaan wax ka ogaanshaha xaaladda dalkan iyo inay dawladda Somaliland kala hadlaan hirgelinta doorashooyinka soo socda ee la filayo inay qabsoomaan 2015-ka.

Masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland ayay kulammo la yeesheen Weftigan ka socda Urur-goboleedka IGAD, iyaga oo illaa Madaxweynaha-na la kulmi doona sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland. Waxaanay dhinacyada Weftigu la kulmay ka mid ah Shir-guddoonnada Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland oo ay shalay kulan ku yeesheen xarunta Golahaas ee magaalada Hargeysa. Waxaanu Hoggaamiyaha Weftiga IGAD Maxamed Cabdi Afey oo su’aal laga weydiiyey heerka qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland uu ka taagan yahay Urur-goboleedka IGAD, ayaa ka werwereegay inuu jawaab hufan ama waafi ah ka bixiyo su’aashaas.

“Su’aashaa hadda….Barnaamijkani Barnaamij Siyaasadeed ma ahayn ee Barnaamij aannu kula shaqaynayno Shacabka uun weeye..” Sidaa waxa yidhi Ergayga gaarka ah ee Urur-goboleedka IGAD u qaabbilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afay oo ka jawaabayey Su’aal ay Shalay Weriyeyaashu ka weydiiyeen halka uu Urur-goboleedka IGAD ka taagan yahay qaddiyadda gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib mar ay Xubnaha Weftiga uu hoggaaminayaa ka soo baxeen kulan ay la yeesheen Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland.

igadInkasta oo uu Safiirka Urur-goboleedka IGAD u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey uu isagoo is-diidsiinaya inuu jawaab ku habboon ka bixiyo su’aashaas, haddana waxa uu maalin ka hor markii ay soo gaadheen magaalada Hargeysa, Warbaahinta u sheegay inay u socdaan in dawladda Somaliland ay kala hadlaan doorashada iyo inay halka ay wax marayaan ogaadaan. “Waqtigan waxaannu u soconnay in aannu xaqiijinno waxa halkan ka jira, kuna dhiirrigelinno dawladda sidii loo qaban lahaa doorashada soo socota ee sannadka 2015 horraantiisa ka dhici doona Somaliland, diyaarna waxaannu u nahay in aannu IGAD ahaan dawladda la qabanno, garab galno, wixii tageero ah ee ay nooga baahan yihiinna siinno, doorashadaasina waxay muhiim u tahay ummadda halkan ku nool iyo guud ahaan Geeska Afrika.” ayuu yidhi Ambassador Maxamed Afey oo hadlay markii Axaddii dorraad ay yimaaddeen Hargeysa.

Labada hadal ee uu ku kala sheegay labada war ee uu Safiirka Urur-goboleedka IGAD ee arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey bixiyey labada maalmood ee Axaddii iyo Isniintii shalay iyo dorraad waxay muujinayaan kala-duwanaansho, waayo, Axaddii waxa uu sheegay inay arrimaha doorashada qabashadeeda ka mid tahay ujeeddada socdaalkoodu, shalayna waxa uu sheegay inaanay Barnaamij siyaasadeed u socon, iyada oo aynu ognahay inay doorashadu tahay mid ka mid ah Tiirarka Siyaasadeed ee heer caalami. Balse, waxay jawaabtiisan dambe muujinaysaa diidmada iyo iska-indha-tirka Aqoonsiga Somaliland oo aanay haba-yaraatee IGAD iyo Midawga Afrika midkoodna diyaar u ahayn.

Inkasta oo Madaxweyneyaasha u kala dambeeyey hoggaaminta dawladda Somaliland, gaar ahaan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo labadii Madaxweyne ee ka horreeyey ee Daahir Rayaale Kaahin iyo Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, ay dedaal badan u galeen sidii ay Beesha caalamka iyo dalalka Afrika-ba ugala hadli lahaayeen aqoonsi la siiyo, haddana waxay isugu biyo-shubatay oo ay ogaadeen in caalamka kale aanay diiddanayn in la aqoonsado Madax-bannaanida dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, balse ay cidda keliya ee caqabadda ku ah Ictiraafkeeda ay tahay Qaaradda Afrika, sida uu Madaxweyne Siilaanyo ku caddeeyey qoraal uu bishii May ee sannadkan 2014-ka u kala diray Ururka Midawga Afrika iyo dalalka caalamka-ba.

“Ictiraaf la’aanta aannu kala kulannay dalalka Afrika iyo Beesha caalamka, ayaa naga dhigay mid si khatar ah caqabad ugu noqday horumarka iyo rejooyinka aannu sare ugu qaadi karno Muwaaddiniintayada. Waxa kale oo aqoonsi la’aantu naga hor-joogsatay in aannu heno gargaar caalami ah iyo Lacago deyn ah oo aannu ku dhaqaajinno horumarka Somaliland. Waxa nalaga diiday in aannu ka qaybgalno shirarka lagu gorfaynayo mustaqbalka Geeska Afrika…Waxaannu ogaannay in aqoonsigaya laga diiddan yahay oo qudha Qaaradda Afrika.” Sidaa ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi qoraalkaas.

siilaanyoWaxaanu Madaxweynaha Somaliland oo sii watay hadal-qoraalka uu Bishii May u diray Midawga Afrika ku yidhi; “Ururka Midawga Afrika waxa uu ka dhashay rejooyinka ah; sidii dalalka cusub ee wada-jirka aamminsan isaga caawin lahaayeen korriinka iyo Barwaaqada. 23-kii sano ee ay Somaliland jirtay waxay gaadho guulo badan iyo wax-qabad adag, markaa waxaannu Midawga Afrika ka codsanaynaa in fursad lagu oggolaado in Somaliland xubin buuxda ka noqoto Ururka Midawga Afrika iyo Bulshooyinka kale ee Afrika, waxaannu ka caawin karnaa horumarka guud ahaan Qaaradda oo dhan.”

Sidoo kale, waxa uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxmaed Maxamuud (Siilaanyo) dabayaaqada Bishii April sannadkii 2013-kii qoraal Gar-naqsi ah oo u diray Ururka Midawga Afrika iyo Urur-goboleedka IGAD, waxa uu si qoto-dheer ugaga warramay maraaxilka kala duwan ee ay Somaliland soo martay, halka ay hadda taagan tahay, waxay u baahan tahay iyo weliba dhibaatooyinka tobannaankii sano ee u dambeeyey ka dhacay dalalka Qaaradda Afrika.

“Saraakiisha difaaca Mareykanku waxa ay ugu yeedhaan Somaliland inay tahay dal jira oo shaqaynaya, waana sabab wanaagsan, dawladdayadu waa ay shaqeynaysa, waxaanu aqoonsiga diblomaasiyadeed awood noo siinayaa in aan si wax ku ool ah uga qayb qaadano mustaqbal barwaaqaysan oo ka joogtooba Geeska Afrika. Arrintani si looga gun gaadho, waxa aan ka shaqeynaynaa wadahadallada cusub ee Soomaaliya si aan u fidino labadaba xidhiidhada dawladaha kale, isla markaana u dabagalo in aan ka helno meeqaam goob-jooge Ururrada caalamiga ah, oo ka bilaabmaysa IGAD iyo Midawga Afrika.” Sidaa ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi Qoraalkaas Gar-naqsiga ahaa ee uu Kal-hore u kala diray Ururradaas.

Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo, waxa uu isla qoraalkiisaas ku caddeeyey inaanay Somaliland hadal-haynin, isla markaana ku noqonaynin midnimo Soomaaliweyn oo dambe, maaddaama oo fursaddii ay Midnimada Soomaaliweyn Somaliland ay siisay 1960-kii khasaartay, waxaanu yidhi; “Ma weydiisanayno cid kale fursad ah waxa laga yaabo inay maalin Somaliland noqonayso, balse waxa ay tahay in ay aqoonsadaan waxa aan hore u qabsannay. Somaliland waa dal madaxbanaan oo jira oo si buuxda u shaqeynaya, laga soo bilaabo 1960 ilaa 1991-kii waxa aanu siinnay fursad midnimada Soomaali weyn, waase ay shaqeyn wayday, dibna ugu noqon mayno.”

daahir rayaaleSidoo kale, Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo qoraallo u diray Ururka Midawga Afrika, Madaxda dawladaha Afrika iyo IGAD-ba, waxa ka mid ahaa qoraal uu Md. Rayaale 23-kii bishii koowaad ee sannadkii 2008 u kala diray toddoba Madaxweyne oo Afrikaan ah, waxaanu si gaar ah ugu socodsiiyey Madaxweynihii waddanka Gaana Mr. John Kufour, oo waktigaas ahaa Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, kaasoo uu ku sheegay inay sharci-darro tahay in Midawga Afrika Kursi ay wada-lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya ay Soomaaliya siiyaan iyagoon kala tashan Somaliland, waxaanu dalbaday inuu ahaado kursi bannaan intay labada dhinac ka heshiinayaan.

“Waa caddaalad-darro iyo weliba sharci-darro in hantidii ay wada-lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya la siiyo dhinac keliya, iyadoo aan dhinicii kale lala tashan. Kursiga Soomaalidu ay ku leedahay Midowga Afrika waa inuu bannaanaadaa inta ay Somaliland iyo Soomaaliya khilaafkooda ku xallinayaan wadahadal. Ugu dambayna Somaliland iyo Soomaaliya waa in la siiyaa laba kursi, iyagoo ah laba dal oo kala madax-bannaan ah.” Sidaa ayuu Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ku yidhi qoraalka uu 2008-dii ku socodsiiyey Guddoomiyihii Ururka Midawga Afrika ee wakhtigaas. Hase-yeeshee, Somaliland wax jawaab ah oo ay ku qanacdo iyo garawshiiyo fiican toona kamay helin Midawga Afrika, sida uu caddaynayo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo qoraalkiisa ku xusay gar-naqsiga uu madaxweynihii ka horeeyey u diray madaxda Afrika.

“Maaha markii koowaad dhab ahaan, ee dalkaygu ka codsado Midowga Afrika aqoonsiga Somaliland. Madaxweynahii iga horeeyey ee Daahir Rayaale Kaahin waxa uu hore u codsaday sannadkii 2005. Markaa waxaan filayaa inaan Midowga Afrika wakhti dambe ku lumin doonin u aqoonsiga Somaliland dal madax-bannaan oo xubin rasmiya ka ah.” Sidaa ayuu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo ku yidhi qoraalka uu Midawga Afrika iyo caalamkaba u diray bishii May ee sannadkan 2014-ka.

auInkasta oo uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay in Wefti wakhtigaa qoraalka Madaxweynihii ka horreeyey gaadhay Midawga Afrika loo soo diray Somaliland si ay u qiimeeyaan heerka ay dhinac kasta oo laga eego ka marayso, haddana nasiib-darro, weli Midawga Afrika iyo Urur-goboleedka IGAD waxay si cad isaga indha-tirayaan aqbalaadda iyo ka garaabista waxa ay Somaliland u qalanto inay hesho ee ah aqoonsi caalami ah. Hase-yeeshee, waxa dhacda inay Ururrada IGAD iyo Midawga Afrika Shirarka ay qabsadaan qaarkood Xubin-Sharafeed ahaan ugu soo casuumaan dawladda Somaliland, balse wali laguma guulaysan inay xubin buuxda ama joogto ah Somaliland ka hesho Ururradaas caqabadda ku ah inay Somaliland hanato aqoonsi buuxa.

XIGASHO: Wargeyska Himilo